Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu elects new Mayor

Recommended Posts

Gaalkacyo: Duqa Magaalada Galkacyo oo la doortay.

27. august 2009

 

Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Doorashadii Duqa magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhaw ku soo afjarantay magaalada Gaalkacyo, ayadoo ay Xildhibaanada golaha deegaanku ay doorteen C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan in uu noqdo duqa Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

 

Madasha doorashada waxaa soo xaadiray Musharaxiintii utaagneyd xilkan iyo Xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, taasoo keentay in ugu dambeyntii in ay doortaan C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan.

 

Si lama filaan ah ayaa C/rixmaan uga soo dhex baxay golaha deegaanka markii lasoo xulay 21-kii bishan, waxaana goluhu ay maanta codkoodii ugu badnaa siiyaan C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan, ayagoo siiyey 22 cod, halka uu helay Axmed Cali Salaad-na 9 cod oo kaliya.

 

Madaxda dowladda Puntland oo madasha joogtay ayaa Hambalyo udirtay Duqa cusub ee golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, ayagoo kula dardaarmay duqa cusubna in uu shaqadiisa uguto si wanaagsan.

 

C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan waxaa utaala Shaqo balaaran oo ku aadan nidaam usameynta Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, sugida amaanka magaalada iyo qodobo kale oo dhamaantood ay dowladda Hoose sannadyadii ugu dambeeyey gaabis xoog leh ka soo food saaray.

 

Duqa cusub manta ladoortay maheyn nin ku jiray Siyaasada Puntland, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey gaar ahaan Bishan oo kaliya ayaa lugu dhex arkay masraxa Siyaasadeed ee golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^He is a fresh face, the old one was of no use. The new council is filled with younger more educated members of the city. Thus its good news, now for the new governor, police Chiefs and district prosecutors will be selected.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr Ligle   

This indeed good news that a new mayor and new city administration is elected for the town. Infact I read from horseed media that farole made it mandatory for anyone wishing to be mayor of the town hold a "degree" i am assuming he wants an educated district leader to deliver for the town!!!

 

However this has gone beyond that infact in galkacyo the puntland administration failed in many respects. Especially by giving all district positions to the abdullahi yusuf sub-clan whilst neglecting every other puntland native that lives there!!! this instigated the other sub-clans to follow the beesha and not the state because the state was pro abdullahi beesha and you can see that if you look at the sub-clans of mudug municipiality members who all hail from abdullahi yusuf sub-clan!!!

 

What puntland needs to do is make every subclan in the town feel apart of the state and having top level members of their clans in the district administration. This will make the people feel they are apart of the system and will therefore cooperate with it!!! once the people feel the system has let them down that is when they lose any respect they had for the administration and start becoming loyal to clan and not state!!!

 

That is the first step farole needs to make sure that is done. That all sub-clans of mudug are represented equally in the district administration. Once that is achieved that then sub-clanism is over in the city and people will participate for the state and feel apart of the process!!!

 

They obviously need to fix the security issue especially when criminals know baraxleey deegan is not manned by puntland police and therefore can hide out there after they committ a crime in galkacyo. This avenue needs to be closed down, either by incoporating that deegan into puntland or talking to the clan-elders to hand over any citizen of galkacyo who breaks the law to the puntland police.

 

Lastly they need to solve the issue of taxes going from mudug into corrupt official pockets which a new educated city leadership will inshallah change!!!

 

Once that is accomplished i believe galkacyo can be revived into a safe city of puntland!!!! farole has done the right thing by reforming the city leadership, lets just see how the district government positions balance out this time in the city and lets not hope its re-run of the old city admin which like i said consisted of just abdullahi yusuf sub-clan!!!

 

So far farole is moving in the right direction i must say

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

yes absolutely, the new Galaha deegaanka and its Moyor should be very effective and bring much needed cervice in the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its not about clans its about competence, the new admin is a great step, local elections will be the future and Galkacyu development requires, tough, educated technocrats regardless of sub clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmada Gaalkacyo oo Maanta Duq Degmo Cusub yeelatay

 

Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug maanta waxaa ka dhacday doorasho heer degmo ah oo lagu doortay duqa degmadaasi iyo ku xigeenkiisa.

 

Doorashadan oo inbadan lagu mashquulsanaa marxalado kala duwan oo la xaliyayna ay soo martay ayaa maanta waxaa ay si toos ah uga dhacday hotelka Taar city eek u yaala Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaasi .

 

Xaflad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta sar sare ee Dowlada Puntland, marti Sharaf badan iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada ayaa waxay golaha deegaanka ku doorteen duqa degmada Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa, duqa degmada Gaalkacyo waxaa loo doortay C/raxman Maxanuud Xaaji Xasan halka ku xigeenkiisana loo doortay Mr Macruuf.

 

Doorashada duqa degmada oo ay isugu soo bexeen 2 Mushaax oo kala ah musharax Axmed Cali Salaad oo ahaa Duqii hore ee Degmada iyo musharaxa ku guleystay iminka C/raxamaan Maxamuud Xasan, waxaana codeyn dheer ka dib la shaaciyayin doorashada uu ku guuleystay C/raxmaan Maxamuud Xasan .

 

Sidookale isla goobta ayaa waxaa xilkii loogu wareejiyay duqa cusub ee ku guuleystay xilka duqa cusub ee Gaalkacyo waxaana mar uu ka hadlayay halkaasi duqii hore ee Gaalkacyo uu sheegay in uu u hambalyeynayo duqa cusub ee ka guuleystay uuna si hufan ula shaqeyn doono.

 

Isla gobta waxaa lagu doortay ninka hogaamin doona golaha shacabka ee degmada iyo ku xigeenkiisa, gudoomiyaha golaha Shacabka waxaa loo doortay Farxaan Cali Xaad halka ku xigeenkiisana loo doortay ninka lagu magacaabo Dabakariix.

 

Intii ay socotay munaasabadaasi waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay Masuuliyiin sar sare oo ka socotay maamulka Puntland Sida Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Max’ed Max’ud Faroole, waxaana uu sheegay in uu siweyn ugu hambalyeynayo dadkii isku soo dubaribay kana shaqeeyay in ay si dimuq raadiyadiku jirto u dhacdo doorashada duqa Gaalkacyo, isagoo sheegay in u qilaaf iyo ismari waaga uu ayka wanaagsantahay in laga gudbo wada hadalna wax lagu xalisto markaas waxaa dhalanaya in la is afgarto nabadna lagu nagaado ayuuyiri Madaxeyne Faroole.

 

Ugu dambeyntii xafladii lagu dooranayay Duqa degmada Gaalkacyo ayaa waxay ku soo dhamaatay si ray rayn ay ku jirto .

 

Liibaan C/laahi Faarax (Liibaan Qaran)

SBC International Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr Ligle   

General well competence is only 1 thing ur missing the other areas that have failed galkacyo!!! no matter how much competence this administration brings but if its district level members are all abdullahi yusuf sub-clan mark my words the same thing will occur just again!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr Ligle   

General well competence is only 1 thing ur missing the other areas that have failed galkacyo!!! no matter how much competence this new administration brings but if its district level members are all abdullahi yusuf sub-clan mark my words the same thing will occur just again!!!

 

Time will tell!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer you have no point, Yusuf sub clan constitute a majority of the city, thus they are responsible for its upkeep. So far we have had a bad admin in place, this is being corrected as we speak. A well managed Galkacyu will benefit everyone most of all the majority. Thus it’s a good day for my city, Galkacyu is an important organ of the state of Puntland. That’s why Faroole must be commended for his actions and this will be remembered positively by the people of Mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan in uu noqdo duqa Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

My heartfelt congratulation to this man and wish him well in his new task, am sure he is capable .

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/raxmaan Maxamuud X. Xasan oo loo doortay Duqa magaalada Galkacyo.

 

Galkacyo, Aug 27 - Golaha deegaanka ee magaalada Galkacyo ayaa maanta si rasmi ah u doortay guddoomiyaha golaha deegaanka iyo Duqa magaalada Galkacyo iyo ku xigeenadooda.

 

Farxaan Cali Xirsi ayaa loo doortay Guddoomiyaha golaha deegaanka, halka guddoomiye ku xigeenkiisana loo doortay Axmed Muuse Nuur 'Daba-kariix'. C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa isna loo doortay Duqa magaalada Galkacyo, halka ku xigeenkiisana loo doortay C/laahi Ibraahim Qooje.

 

Codbixnta lagu doortay guddoomiyayaasha iyo kuxigeenadooda oo ahayd mid qarsoodi ah, ayaa waxaa codaynayey 29 xildhibaan oo ka mid ah 31-da xubnood ee ay ka kooban-yiin golaha shacabka ee magaalada Galkacyo, waxaana jagooyinka duqa magaalada iyo golaha deegaanka iyo kuxigeenadooda isku soo taagay 8 murashax , kuwaasi oo u kala tar-tamayey guddomiyaha golaha shacabka iyo kuxigeenkiisa, duqa magaalada Galkacyo iyo kuxigeenkiisu.

 

Jagada guddoomiyaha golaha deegaanka ee magaalada Galkacyo, ayaa waxaa isku soo taagay laba murashax oo kala ahaa Farxaan Cali Xirsi iyo Xasan Xuseen Aw-maxamed 'Walloore'.

 

Waxaana loo qaaday codbixin qarsoodi ah oo ah habka santuukh ku codaynta, waxaana wareeggii koowaad ku soo baxay Farxaan Cali Xirsi, oo ku guulaystay codad dhan 19 cod, halka murashaxii la tar-tamayey ee Xasan Xuseen Aw-Mxamedna uu halay 10 cod, waxaana markaasi kadibna guddi doorashadu ay ku dhawaaqeen in uu guddoomiyaha golaha shacabka ku guulaystay Farxaan Cali Xirsi, waxaana isla goobtaasi ugu hambalyeeyey Murashaxa laga guulaystay ee Walloore.

 

Guddoomiye kuxigeenka golaha shacabka, ayaa waxaa isku soo taagay oo kaliya hal murashax oo lagu magacaabo Axmed Muuse Nuur ‘****-kariix’ waxaana isaga laftigiisa loo qaaday habka santuukh ku codaynta ah amaba codbixinta qorsoodida ah waxaana u codeeyey 26 xildhibaan halka 3 ka mid ahna ay diideen, waxaana uu ku guulaystay guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha deegaanka Galkacyo.

 

Dhanka duqa magaalada Galkacyo ayaa waxaa isku soo taagay laba murashax oo kala ahaa C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan, iyo Axmed Cali Salaada oo ahaa duqii hore ee magaalada Galkacyo.

 

Waxaana iyana loo qaaday codbixin wareeggii 1-aadna waxaa ku soo baxay C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan, oo ku guulaystay codad dhan 20 cod halka duqii hore ee magaaladuna uu helay codad dhan 9, waxaana halkaasi duggiga doorashadu kaga dhawaaqeen duqa magaaladu in uu yahay C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan, iyadoo duqii horana uu si weyn ugu hambayeeyey isagoo sheegay in uu ku faraxsan-yahay sida looga guulaystay.

 

Jagada kuxigeenka duqa magaalada Galkacyo, ayaa iyana waxaa isku soo taagay saddex murashax oo kala ahaa C/laahi Ibraahim Qooje, Daahir Maxamuud Muuse iyo Cabdi Cismaan Faarax ‘Ciiro’ waxaan wareeggii koowaad soo baxay C/laahi Ibraahim Qooje oo helay 17 cod, Daahir Maxamuud Muuse oo helay 9 codm kuwaasi oo u gudbay wareegga labaad ee codbixinta, waxaana halkaasi ku haray Ciiro oo isagu helay 3 cod oo kaliya.

 

Wareeggii 2-aad ee codbixinta ayaa waxaa ku soo baxay C/laahi Ibraahim Qooje oo harayna u ahaan jiray kuxigeen duqa magaalada waxaana uu helay codad dhan 14 cod halka murashaxii la tar-tamayeyna uu helay 13, waxaana xumaaday labo cod oo aan midna loo tirin, waraaqahaasi oo si khaldan xildhibaanadu u qoreen.

 

Labadaan mas’uul ee ay ugu danbeysay doorashadoodu, ayaa iyana si wanaagsan iskugu hambalyeeyey, waxaana mas’uulkasta oo laga guulaysto uu sheegayey in uu si daacadnimo ah ula shaqeyn doono saaxiibkiisa ka guulaystay.

 

Markii ay dhammaatay doorashada guddoomiyayaasha iyo kuxigeenadooda, ayaa misna dib loo bilaabay in loo dhaariyey xilalka loo doortay, iyadoo dhammaan mas’uuliyiinta la doortay ay ku dhaarteen shacabka hortiisa iyagoo wacad ku maray in ay si wanaagsan u gudan doonaan waajibaadka loo xilsaaray.

 

Madasha ay ka dhacaysay doorashadaan, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa m/weynaha dawladda Dr C/rixmaan Maxamed Maxamuud Faroole, kuxigeenkiisa C/samad Cali Shire, xubno badan oo ka tirsan golayaasha dawladda gaar ahan xukuumadda iyo baarlamaanka, iyi dadweyne aad u tiro badan oo iskugu jiray qaybaha kala duwan ee bulashada gobolka Mudug.

 

M/weynaha oo la hadlayey mas’uuliyiinta maanta la doortay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan-yahay habka doorashadu u dhacday oo uu ku talmaamay in ay ahayd mid dimuqraadiyad ku salaysan isla markaana ah mid caddaaladeed.

 

M/weynuhu waxaa kuu kala dar-daarmay xubnaha maanta loo doortay maamulka magaalada Galkacyo, in ay ka shaqeeyaan hormarinta dadka iyo deegaanka isla markaana ay u hoggaansamaan shuruucda dalka hab hufnaani ku jirtana ay ku shaqeeyaan.

 

Waa doorashadii ugu horraysay oo nooceeda ah oo laga qabto magaalada Galkacyo tan iyo markii la dhisay dawladda Puntland sanaddii 1998-dii, waana middii ugu horraysay oo Puntland ay samayso oo kala saaraysa maamulka golaha shacabka iyo mid degmada.

 

Magaalada Galkacyo, oo hadda ay ku sugan-yiin mas’uuliyiintii ugu sarraysay dawladda waxay noqotay magaaladii ugu horraysay oo loo sameeyo maamulk gole deegaan iyo mid degmo kadib markii dhammaanba ay dhaceen golayaashii deegaanku.

 

C/fitaax Cumar Geeddi’

Idaacadda Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

INA GAWETO as you said "yuosuf'Sub clans constitude the majority of the city" yes they constitute becouse of they are majority of the city and every one knows that, but now what is happening in galkio is democracy, and the democracy is the benefit for every one.bcoz the democracy will give us the man who has quality and do things wisely.

How ever if there is no any democracy MAJORITY LEADs MINORITY.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

all the Clans and sub_clans of Galkacyo are fairly represented the new galaha deegaanka of galkacyo, there is no single clans or subclan which is left.

Share this post


Link to post
Share on other sites

zGuddGoleGalk.jpg

 

C/raxmaan Maxamuud X. Xasan oo loo doortay Duqa magaalada Galkacyo.

 

 

Galkacyo, Aug 27 - Golaha deegaanka ee magaalada Galkacyo ayaa maanta si rasmi ah u doortay guddoomiyaha golaha deegaanka iyo Duqa magaalada Galkacyo iyo ku xigeenadooda.

 

Farxaan Cali Xirsi ayaa loo doortay Guddoomiyaha golaha deegaanka, halka guddoomiye ku xigeenkiisana loo doortay Axmed Muuse Nuur 'Daba-kariix'. C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa isna loo door ... [...]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this