Sign in to follow this  
Jaamac_Bootaan

Degmada WidhWidh Ee Gobolka Cayn DGPL

Recommended Posts

Warbixin ku saabsan Maamulka Degmada WidhWidh ee Gobolka Cayn.

 

 

Laascaanood(radiolascaanod)19-02-04,Khamiis:-

 

Tan iyo intii Gobolka Cayn lagu dhawaaqay waxaa si habsami ah u socday, hawlaha Gobolka, oo degmooyinkana ay maamulo tayo lahi ka dhaqaaqeen ,marka loo eego Degmooyinka iyo Gobolada kale, hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin kooban oo ku saabsan degmada WidhWidh ee Gobolka Cayn.

 

Degmada widh widh waxaa ka jira maamul, ka kooban guddoomiye iyo laba Guddoomiye ku xigeen, Xoghayn, hanti Dhawrka Guud iyo Khanajiga degmada, waxa kale oo ay leedahay maamulka qaybihiisii kale.Waxaana degmada Gudoomiye ka ah C/laahi Saleebaan Xaaji Axmed Debay.

 

Waxaana ku xigeeno u ah, ku xigeenka Koowaad, C/laahi Barkhadle Cashuur,ku xigeenka Labaad Jaamac Axmed Kooreeye, xoghayaha Dawlada Hoose Axmed Ibraahim, Hanti dhawrka Guud C/laahi Diiriye Warsame, Kasnajina waxaa ka ah Maxmuud Saleebaan Dhamac.

 

Wuxuuna maamulkani intii uu jiray ku guulaystay in uu waxyaalo badan wax ka qabto sida wadooyinka magaalada oo markii hore cidhiidhina ahaa, dhagxaana lagu gooyey, oo uu maamulku ku guulaystay in uu baneeyo.

 

Waxa kale oo ay wax weyn ka qabteen nadaafada magaalada oo ay u sameeyeen goobo qashinka lagu ururiyo, iyada oo markii hore magaalada uu qashinku dhexdeeda ka buuxi jiray, maamulka degmadu waxa kale oo ku guulaystay in uu xerodhiigda,xoolaha lagu qalo magaalada dibada luga saaro, si nadaafadu tayo u yeelato, faya-dhawarkana loogu dadaalo.

 

Dhinaca waxbarshada waxaa magaalada widhwidh ka jira dugsi Hoose/Dhexe oo ay dhigtaan ugu yaraan 250 arday, ayna intaas ka sii yaraadaan xilliyada reeruhu hayaamaan, gaar ahaan xilliga jilaalka,waxaana ka hawl gala ugu yaraan lix macalin, hasa yeeshee aan wax taagulayn ah ka helin sida ay sheegeen dibad iyo guda toona,waxaana guddoonka waxbarashada madaxka ah Cabdi Maxmuud Cali Samatar(suulcayn).

 

MCH , dhinaca caafimaadka oo laba qol ah ayaa isaguna ka hawlgala degmada WidhWidh, la dhisay sadexsanadood ka hor, in kastuu shaqeeyo oo uu magaalada hawlo badan u fuliyo hadana waxaa baahi badani ka taagan tahay dhinaca dawooyinka iyo qalabka kale ee adeega caafimaadka waxaana ka hawlgala Dr Faarax Xasan Aadan(Coomaade).

 

Magaalada waxa kale oo ka jira saldhig Boolisku ka hawlgalaan waxaana madax ka ah Taliye Daahir Maxmuud Xoosh, waxaana ku sugan Boolis tayo leh, oo ku filan sugida nabad galyada degmada WidhWidh.

 

Waxaa iyaguna ku sugan degmada Ciidamada Daraawishta oo uu hogaaminayo G/sare Aar Xaaji Muuse, waxayna heegan u yihiin sidii ay dalkooda u difaaci lahaayeen.

 

Magaalada waxaa ka shaqeeya Sadex Xawaaladood , waxayna leedahay Matoor koronto oo shaqeeya lixda galabnnimo ilaa iyo laba iyo tobanka habeenimo.

 

Inkastooy jiraan dhibaatooyin u baahan in waxlaga qabto , hadana waxaa la odhan karaa maamulka degmada widhwidh waa mid tayo leh, hanaqaaday oo ku dayosho mudan.

 

Xafiiska Shabakada Warbaahinta SSC.

 

Laascaanood Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this