Sign in to follow this  
Emperor

Hargeisa:- SL militia use Heavy technical guns to disperse civilian demonstrators

Recommended Posts

IS RASAASEYN MAANTA DUHURKII KA BILAABATEY BUURAHA CALAMDOW OO U DHEXEYSA SOMALILAND IYO QABAAILKA SANAAG

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Bosaaso: War lagu kalsoon yahay oo naga soo gaarey deegaanka Buurta gaar ahaan tuulada Xabaala Shaawacle ayaa waxay noo xaqiijiyeen in maanta duhurkii fooda la is darey iyadoo ay dirirtu u dhexeysey ciidamada ka amar qaata Somaliland iyo ciidamo beeleedyo ka madax banaan oo diiddan Somaliland.

 

Iska hor imaadkan ayaa waxa uu ka dhacay wadada aada magaalada Laasqoray oo ka baxda degmada Badhan oo sii dhex marta buuraha Calmadow isla markaana ah goob istaraatiji ah oo lama galaan ah.

 

Is rasaaseyntan oo socotey qadar saacad ku dhow ayaan dhalin wax khasaare ah iyadoo ay isla markiiba ciidamada Somaliland isaga soo bexeen goobtii ay ku sugnaayeen.

 

Waxaa kala dhex galey labada kooxood odayaal dhaqmeed ku hawlanaa sidii loo soo deyn lahaa dadka ajaanibta oo buurta iyaguna lagu haysto.

 

Dirirtan ayaa waxaa lagu tilmaamey iney tahay mid horudhac ah iyadoo ciidanka Somaliland uu isa soo dhoobey xeebta Sanaag, gaar ahaan goob u dhow magaalada Geelweyta.

 

Ciidankaas ayaa waxaa wata nin u dhashey Waqooyi galbeed gaar ahaan Magaalada Gebiley oo lagu magcaabo General Xaashi Dheere isla markaana abaanduulihiisu uu yahay nin lagu magcaabo Dauud oo isna u dheshey deegaanka Gebiley.

 

Ciidankaas ayaa waxay wataan baabuur tikniko ah oo tiradooda lagu qiyaasey ilaa 30 gaari uuna ugu weyn yahay qoriga BM21.

 

Hase yeeshee ciidankaasi waxa uu la socon la yahay iyagoo aan ku jirin dad u dhashey deegaanka isla markaana aan kala garaneyn deegaanka iyadoo hore ay odayaasha dhaqanka wefdi ay u direen la isu wacad marey in hadii ciidankaasi soo gudbo ineysan noqon doonin.

 

Ugu danbeyn waxaa warar naga soo gaaraya magaalada Badhan ayaa waxay sheegayaan in laga dareemayo magaalada xaalad dagaal iyadoo wax garadka deegaanku ay weli ku hawlan yihiin sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa arimahan soo kordhey.

 

LaasqorayNET/Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

XAALADA GOBOLKA SANAAG OO DEGEN LAAKINSE WELI AY CIIDAMO IS HOR FADHIYAAN

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Bosaaso:- Xaalada goobihii uu saaka is rasaaseyntu ka dhacdey ayaa saacadihii lasoo dhaafey degen iyadoo ay weli jirto cabsi dagaal isla markaan weli waxaa is hor fadhiya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka isla markaana waxaa jira dhaq dhaqaaq ay wadaan qaar ka mid ah wax garadka beesha Warsangeli oo ay ku doonayaan sidii ciidanka Somaliland looga saari lahaa Gobolka Sanaag.

 

Waxaa iyaduna jirta warar naga soo gaarey ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo qeexaya in burcadii aysan wax kulan ah iyo wax wada hadal ah la gelin wax garadkii isu xil qaamey sidii loo soo deyn lahaa la haystayaasha ajaanibta ah.

 

Wararku waxay intaa ku darayaana in Burcad badeedu ka faaiideysaneyso xaalada siyaasadeed ee ka cakiran tay Sanaag iyadoo ay jiraan Warar sheegaya in is abaabul Burcadeed uu ka jiro Xeebta Sanaag iyadoo goob joogayaal ku sugan xeebta Bari ee Sanaag iney arkeen ilaa 8 doonyood oo kuwa dheereeya ah oo ay leeyihiin Burcad badeedu.

 

Wararkani ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay dadaalka loogu jiro sidii burcad badeeda looga dabar goyn lahaa Gobolka Sanaag.

 

LaasqorayNET/Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Much credit to me for the laugh, but truth be told far from what the secessionist claim they are no better or more peaceful than the rest of Somalia... A fact.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Your TFG and their masters are getting whiped lashed in Southern Somalia. Not to mention you have lost hope in Pland, since that whole adminstration either turned into piracy central or fake money production bussiness.

 

I can see why you keeping yourself preoccupied with non issues like civil protests in Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

mudaaharaad waa la arki jiray lakiin shicib nabad ku noolaa inbadan in lagu laayo tiknikno wax wanaagsan ma ahahan. waa arin murugo leh. ilaaheey ha fududeeyo xaalada dhulkii somalia waa u dhamaatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

It's shame really that Rayaale admintration has turned into merciless pawns.

 

Xaaladu had way dagan tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this