Sign in to follow this  
General Duke

JIHAADKII BERRI BILAABAN LAHAA MIYUU BAAQDAY?!!

Recommended Posts

JIHAADKII BERRI BILAABAN LAHAA MIYUU BAAQDAY?!!

 

source

 

Jihaadku wuxuu ka mid yahay tiirarka Diinta ISlaamka ku dhisan tahay oo asaaska u ah Shareecada Islaamka, waxaana jira boqolaal aayado Qur’aan ah iyo axaadiis aan xisaab lahayn oo ka hadleysa axkaamta jihaadka, fadligiisa iyo qaabka loo galo, laakiin JIHAAD-ka heerkaas ka jooga diinta ISlaamka wuxuu dunida aanu ku nool nahay ee Isbaheysiga SHARTA Mareykanku hoggaamiyo ka noqday dembi lagu tuhmo cidii sheegta ama ku dhawaaqda.

 

Dalalkii Islaamka ah markii ay burburtay khilaafadii ugu dambeysay Islaamka ee Cusmaaniyiinta, kadibna gumeysigii reer galbeedka dunidii ISlaamka ee dalka kaliya ahayd kala qeybsaday waxaa dal waliba talada u qabtay kooxo ku hoos koray Gumeysiga Galbeedka oo ay hormuudka u ahaayeen Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwa la midka ah.

 

Waxa ugu weyn eel ala dagaalamo oo Gaaladu marka ay maqasho ka joogi Karin wuxuu noqday jihaadka, sidaas darted koox iyo maamul waliba oo ISlaam sheegta kaddibna jihad ku dhawaaqa sidaas ayuuba ku xukuman yahay, maamul jihaadka ka dhawaajiya waxaa u dambeeyay kii Daalibaan ee dalka Afghanistan oo la ogyahay sida xaalkiisu ku dambeeyay.

 

Maxkamadaha ISlaamiga Soomaaliya ee qabsaday inta badan Koonfurta dalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqeen oo kulansadeen ISlaamkii rasmiga ahaa ee reer galbeedku aanay liqi Karin inay la dagaalamaan maahee, sida ku dhaqanka Shareecada Islaamka, la jihaadka cadowgooda, iyo dadaal u gelista dowlad islaami ah.

 

Laakiin….; laakiin waxaa muuqata in Maxkamadaha arrintii siyaasadeeyeen oo ku dhawaaqida JIHAADKA ka dhigeen caga jugleyn siyaasadeed oo boos riixasho ah ama afka ku eg, tusaale: madaxa Ammaanka ee Maxkamadaha wuxuu ku dhawaaqay toddobaadkii hore inay muddo 7 maalmood ah u qabteen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay mudadaas kadib haddii ay bixi waayaan inay dagaal jihad ah ku qaadi doonaan.

 

Xilliga la qabtay wuxuu ku eg yahay maanta, berrina haddii lagu warkaasi lagu socdo Talaado waa inuu jihaadku bilowdaa, haddiise xal meel dhexe iyo waanwaan soo dhex gashay iyadoo ay Itoobiya la soo taagan tahay inaanay ciidamadeeda kala baxeynin Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa madaxda Maxaakiimta inaysan JIHAAD-ka ka dhigan dhawaaq ay siyaasad ahaan u adeegsadaan, maxaa yeelay aayaadka Alle sidaas looma sameyn, mana aha inaad isaga dhawaaqdo wax aadan sameyneynin, fadlan madaxda Maxkamadahow JIHAADKII AAD KU BAAQDEEN OOD BALLANTA U QABATEEN HADDII BAAJISEEN, Alle dembi dhaaf weydiista, ummaddana ka daaya jaha wareerinta.

 

BAARAKALLAAH FIIKUM

 

jab_1.gif

 

Jabriil Maxamuud Nuur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

sidaas darted koox iyo maamul waliba oo ISlaam sheegta kaddibna jihad ku dhawaaqa sidaas ayuuba ku xukuman yahay

Laakiin….; laakiin waxaa muuqata in Maxkamadaha arrintii siyaasadeeyeen oo ku dhawaaqida JIHAADKA ka dhigeen caga jugleyn siyaasadeed oo boos riixasho ah ama afka ku eg

JIHAAD-ka ka dhigan dhawaaq ay siyaasad ahaan u adeegsadaan, maxaa yeelay aayaadka Alle sidaas looma sameyn, mana aha inaad isaga dhawaaqdo wax aadan sameyneynin,

Share this post


Link to post
Share on other sites

The author of the artilce posted by Duke is 100% on the spot!

 

Once Hassan Dahir Aweys took up his AK47 and put on his 'military uniform', the same goes for Sheikh 'Shariif' there cannot be any U-Turn on that matter.

 

They have to fulfill their promise, otherwise why the mass rallies, the threats, the women with AK47's, the children with kalashnikovs and the mosques call for jihaad on a daily basis and Indhacadde's infamous call for all the willing and able muslims in the world to come to Somalia and help the deen by participitating in the jihaad!

 

Why the hype, the drama and the lust to wage war and then the sudden cool-down! I thought the courts were their own 'masters' and people that fulfill their promises!

 

But I guess I'm wrong on my assumption!

 

I only remember the eyes of the colonel the red fox, that were so fearful. What might he have thought at that moment: 'Damn that Indhacadde guy did it to me again, how can I shut him up, if only he would be of Hassan Turki's clan and not my immidiate clan-member and trustee!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indhacade.jpg

FAALO: Ceebeey tacaal Jihaadkii uu iclaamiyay Indhacade xaguu ku dambeeyay?

Posted to the MOL December 19, 2006, 7:48 am

 

 

Yuusuf Siyaad Indhacade oo Maxkamadaha u qaabilsan dhinaca Gaashaandhiga ayaa Todobaadkii hore iclaamiyay inay weerarayaan Ciidamada Dawlada iyo Macalamiimta Itoobiyaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo,hadii aysan Magaaladaas ooga guurin Todobaad gudihiis.

 

Xiligii la qabtayna waa la dhaafay,iyadoo aysan Dawladu dhaq jalaq u-siin dhawaaqii aan laga fiirsan ee ka soo yeeray Indhacade (Ceebeey-Tacaal)(Been-Fakatay-Run-ma-gaarto).

 

Jihaadka uu sida jees-jeeska oogu dhawaaqay Indhacade wuxuu ka mid yahay Tiirarka aas-aaska u ah Shareecada Islaamka, waxaana jira Aayado badan iyo Axaadiis ku soo aroortay qaabka loo wajahayo Jihaadka,laakiin waxaa muuqata in Mas,uuliyiinta Maxkamadaha arintii Jihaadka inay ka dhigteen xeelad-Siyaasadeed oo lagu kicinayo quluubta Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laga faaiideysanayo cadawtinimada soo jireenka ah ee u dhexeeya Wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Kacdoonkii Shacabka Gobolka Banaadir intii uu socday waxaa badanaa arimaha Maxkamadaha wax laga weydiin-jiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed, balse daraasad aan sameeyay Labadii Todobaad ee la soo dhaafay kadib markii aan dhaga-dhageeyay Idaacadaha waxaa ii soo baxday in Nimankan horboodaya Maxaakiimta aysan Afkooda iyo dhagtooda is maqal, waxaana iigu cajibsanaa markii aan dhageystay Gudoomiyaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Awees oo la weydiiyay maka qeyb galeysaan Shirka Khartuum? balse markiiba wuxuu la soo booday maxaan ka qeyb-galnaa Shirka maba aqoonsani Dawlada, balse daqiiqado kadib Sheekh Shariif Axmed oo isagana Idaacad kale ka hadlaya ayaa carabka ku adkeeyay "Waan aqoon-sanahay Dawlada waana ka qeyb-galeynaa Shirka Khartuum bilaa shuruud" :eek: iyadoo daqiiqado kadibna uu wareysi bixiyay Sheekh Cabdi-raxmaan Muudeey oo dhinaca Warbaahinta u qaabilsan Maxaakimta wuxuuna yiri isagoo xanaaqsan "Kenya iyo Itoobiya hadaan Shirka laga saarin uma socono kulanka Khartuum" :D isagoo beeniyay hadalkii Gudoomiyaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Axmed, taasina waxay ku tusaysaa in shuruucda Maxaakiimtu ku dhisan-tahay is-bar-bar-yaac.

 

Murti Soomaliyeed ayaa oranaysa "Meyd midkee u dambeeyay?"Midka hada la sii wado, iyadoo aan wada ognahay in shalay oo keliya Madax ka tirsan Raga horbooda Maxaakimta ay ka hadleen Idaacadaha, Wasiir Mareykan ah baa hadlay, Masuuliyiin kala gedisan oo Maxaakiimta ayaa kadaba qaadatay, Reysal-wasaaraha Itoobiyaa hadlay, Mas,uuliyiin kala gedisan oo Maxaakiimta ayaa u jawaabtay, Dawlada Federaalka ayaa hadashay, Masuuliyiinta Maxkamadaha oo kala fikrad duwan ayaa u jawaabay, taasina waxay ku tusaynaa aqoon-yarida heysata Nimanka hormooda Maxaakiimta, waana mida maanta keentay in Gudoomiyaha Gudiga fulinta Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu beeniyo dhawaaqii Jihaadka ahaa ee uu keligiis iclaamiyay Yuusuf Indhacade,isagoo Shariifku sheegay inaysan ka war-qabin goorta iyo goobta lagu dhawaaqay Jihaadka uu iclaamiyay Ninka u qaabilsan Gaashaandhiga (Cajiib).

 

Hadalkayga waxaan ku soo af-jarayaa Aayad quraan ah oo ku jirta Suuratul Munaafiquun (Walaahu Yash-hadu Inal-Munaafiqiina-La-kaadibuun)oo micnaheedu yahay Ilaahay wuxuu ka marqaati kacayaa in Munaafiqiinta Been sheegayaan, hadaba hadii ay rabaan Maxaakiimta in Umada aaminto ha iska-qabteen oo shaqada ha ka fariisiyeen Indhacade waayo had iyo jeer wuxuu la taagan-yahay inuu ceebeeyo karaamada iyo sharafta Diinta Islaamka, waxaana hadalkeyga ku soo xirayaa marnaba lagama yaabo inay Maxaakiimtu gaaraan hadafkooda ilaa iyo inta uu dhex-boodayo shaqsigan caadeystay had iyo jeer inuu ku been-abuurto Shareecada Islaamka, waxaana talo ku soo jeedin-lahaa maadaama kelimada (Abuu)mudooyinkan la baxeen Xubnaha Maxaakiimta sida (Abuu-Mansuur ama Abuu Cuteyba) in aad u bixisaan Yuusuf Siyaad Indhacade (Abuu-Beenaale) maadaama Shacabka Soomaaliyeed ay ooga barteen inuu yahay shaqsi caadeystay been-abuurasho iyo hadalo aan laga fiirsan.

 

Suldaan-Godo-Godo (Abuu-Godo-Godo)

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

You may come out of your fox holes now,and Abdullahi Yusuf could go back to his usual business since he was in the Masjid praying like crazy.

 

Duke,you as well,you may take deep breather,nothing will happen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fanisha   

Why are the wadaads hiding behind women's dalaayad and why is their show of force made up of toddlers and women with machine guns? :confused: I am having serious doubt about their motives.

Atleast TGF madaxa maduubna oo carab iskama dhigayaan. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sheikh Fiqqikhayre:

 

They have to fulfill their promise, otherwise why the
mass rallies, the threats, the women with AK47's, the children with kalashnikovs and the mosques call for jihaad on a daily basis and Indhacadde's infamous call for all the willing and able muslims in the world to come to Somalia and help the deen by participitating in the jihaad!

 

Why the hype, the drama and the lust to wage war and then the sudden cool-down! I thought the courts were their own 'masters' and people that fulfill their promises!

 

But I guess I'm wrong on my assumption!

 

I only remember the eyes of the colonel the red fox, that were so fearful. What might he have thought at that moment:
'Damn that Indhacadde guy did it to me again, how can I shut him up, if only he would be of Hassan Turki's clan and not my immidiate clan-member and trustee!

Let me give you the gossip from the ethiopian anti-government camp that were "in prayer session" hoping the ICU to march on ethiopia.

 

They are saying that something very weird was happening:

1. The TFG repulsing ICU was never in doubt

2. Ethiopian special forces (Commandos) went north to eritrea direction instead of waiting in the south or center to support the army in case ICU comes.

3. Eritrea upon seeing this refused to give ICU more troops. ONLF has long stated that it will not participate in the clan conflicts.

OLF the only one left in ICU camps is in trouble with its supporters who cannot fathom the entanglemnt of OLF in Somalia clan wars for the third time.

 

Thats just some of the news from the ethiopian anti-government camps.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Fanisha,sister things are more complicated than they appear to you,so don't make such quick and critical decision as a result of seeing a women marching with guns,think bit deeper of what the ICU has done thus far compare to the xabashi daba dhilif TFG..yes go ahead do the comparision,then reach a conclusion.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this