Sign in to follow this  
Thierry.

ARS Djibouti and Asmara talk of Unity

Recommended Posts

Thierry.   

Wada hadallo u socda Garabyada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Asmara iyo Jibouti

 

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Khamiis, January 15, 2009(HOL): Mas’uul sare oo u hadlay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro dadaal ku saabsan in lagu heshiisiiyo garabyada Isbaheysiga Dib u xoreynta uu u kala baxay ee Jibouti iyo Asmara.

 

Mas’uulkan oo lagu magacaabo Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa isagoo ku sugan Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabka waxaa uu u sheegay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho in ay socdaan dadaallo ku saabsan sidii loo mideyn lahaa Isbaheysiga Dib u xoreynta, isla markaana uu afkaar mid ah u yeelan lahaa.

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo si kulul u weerari jiray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Jibouti ayaa hadalkiisan wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho ay xalay ka wada baxeen Magaalada Muqdisho.

 

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo lagu dhisay Dalka Eritrea ayaa wuxuu ka kooban yahay Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah Maxkamadaha Islaamka, Xubno ka socda Bulshada Rayidka Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka socda Soomaalida Qurba-joogta ah, hayeeshee labo u qeybsamay kadib markii Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Shariif Xasan Shiikh Aadan ay ogolaadeen in ay wada hadal la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo wixii xiligaas ka dambeeyay ay xubno Isbaheysiga ka tirsan oo Asmara ku haray ay sheegeen in ay bedeleen hoggaankii Isbaheysiga, ayna doorteen mid cusub.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalka uu sii daayay Sarakiye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa wuxuu yahay mid meesha ka saaraya in uu khilaafka labada dhinac sii socda iyadoo ay baxeen Ciidamada Itoobiya oo muddo labo sano ka badan ku sugnaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good news Thiery.

 

as we said before, when Ethiopia withdraws critics of Jabbuuti will come home seeking unity. At least the wise ones will for there is point in continued violance.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

Xiin your vision and patience is impeccable this is a very good news..

 

Also the elders and intellectuals from Hiiraan are calling for peace as the Ethiopian forces leave.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this