Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf PM Geedi travel from Baidoa to Villa Somalia by ROAD

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweynaha dowladda KMG iyo Ra'iisul Wasaaraha oo safar dhulka ah ku soo galay Muqdisho.

8. April 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md.Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo saakay safar dhulka ah ugu soo ambabaxay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa la sheegayaa in safarkooda ay ku wehliyaan xubo ka tirsan golayaasha Baarlamaanka iyo golaha wasiirada dowladda KMG.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa uu ahaa mid aan horay loo shaacin iyadoo amaanka xubnaha ugu sareeya dowladda ay aad u sugayeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo deegaano fara badan soo maray.

 

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka wadooyinka soo gala magaalada Muqdisho iyadoo wadada dheer ee Ex-Kontorool Afgooye ee laga soo galo Muqdisho ilaa Muqdisho ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen iyadoo gaadiidka mara wadadaaasi la hakiyay maanta balse dib loo furay.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi ayaa maalintii shalay magaalada Baydhabo gaaray iyagoo kula kulmay wafdi ay hoggaamineysay Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Jendayi Frazer.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geeddi oo maanta soo gaaray Muqdisho iyagoo soo maray dhanka Dhulka

Posted to the Web Apr 08, 13:47

 

 

Muqdisho (PP) - Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Geeddi ayaa safar dhanka dhulka ah ku soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

 

Safarkaan ayaa ahaa mid ay ku soo mareen dhanka dhulka markii ugu horreysay Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Geeddi waxaana galbinayay ciidammo xoog badan oo Ethiopian ah, iyadoo ay dhanka kale la socdeen Ilaaladooda gaarka ah oo ka soo raacay iyaguna Baydhabo.

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkooda ay maanta dhulka ku soo mareen ku wehliyay Wasiiirka Gaashaandhigga Col. Barre Aadan Shire (Hiiraalle) iyo Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo labaduba ku sugnaa Baydhabo xilliyadii ugu dambeeyay.

 

Waddooyinka Muqdisho ayaa waxaa intooda badan xiray Ciidammada Dowladda ka hor intii aysan soo gaarin Muqdisho Mas'uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda oo ka soo dhaqaaqay Baydhabo saakay aroortii hore.

 

Safarkaan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid ay labada mas'uul ku indho-indheynayaan waddada dheer ee u dhexeysa Baydhabo iyo Muqdisho, waxaana ay soo gaareen Muqdsho oo ay shalay ka duuleen iyagoo gaaray Baydhabo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha qaranka oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

 

Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/llahiYuusuf Axmed Iyo Dr Cali Maxamed Geddii ayaa maaanta dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii ay

 

Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/llahiYuusuf Axmed Iyo Dr Cali Maxamed Geddii ayaa maaanta dib ugusoo laabtay magaalada Mqudisho kaddib markii ay shalay magaalada Baydhabo wada hadal kulasoo qaateen saraakiil Ameerikaan ah oo ay horkacaysay kaaliyaha xoghayaha umuuraha duibadda mareykanka ugu qaabilsan arrimaha Afrika Jendayi Frazer.

 

Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha oo ay la socdeenxubno ka tirsan golayaasha dowladda ayaa waxaa ay Muqdisho kusoo gareen safar dhinaca dhulka ah,iyadoo ka hor intii aanay imaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaaalda Muqdisho gaar ahaana deegaanada laga filan karo falal qaran diidnimo in ay ka dhacaan.

 

Saaka ayay ahayd markii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aydageen isgoysyo dhowr ah oo ku yaala magaalda Mqudisho,kuwaasoo ay ka mdi ahaayeen Kilomitir 4 ,Zoobe, Banaadir,Tribuunka iyoMeelo kale iyadoo mudadii la sugayay imaatinka madaxweynahana la adkeeyay amaanka ,islamarkaana dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyowaliba kan dadweynaha laga hakiyay inta badan wadooyinka ku yaala koofurta magaalda Muqdisho.

 

Madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha ayaa haatan kusugan xarunta dmaxtooyada ee Villa Soomaaliya ,halkaasoo ay kuleeyihiinwada hadallo ku aadan sidii magaalda Muqdisholooga dhigi lahaa mid ka bad qabta kooxaha qaran diidka ee dhibaatooyinka kuhaya shacabjka Soomaaliyeed.

 

xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

 

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf iyo Geedi oo safar dhulka ah Muqdisho ku yimid.

 

Muqdisho, Axad, April 8, 2007 Simba Radio

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisu Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa maanta safar dhinac dhulka ah dib ugu soo laaabtay Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi, ayaa kasoo baxay magaalada Baydhaba oo shalay tageen, halkaasi oo ay kula soo kulmeen kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika ee Jendayi Frazer.

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliyay oo Baydhaba kala yimid qaar ka mid ah Wasiirada Dowladda KMG ah ee Somalia oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Barre Aadan Shire "Hiiraale" iyo Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa ammaankood aad u sugayay Islamarkana la socday ciidamo Ethiopian ah oo la sheegay inay aad u tira badnaayeen.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Socdaal xagga dhulka ah oo markii ugu horeysay madaxda dawlada ay ku soo galeen Muqdisho

 

April 8, 2007 Markacadeey

 

Madaxweynaha dawladda Federaalka Somaliya iyo Ra'isal Wasaare Cali Max'ed Geedi ayaa soo gaaray caasimadda Somaliya ee Muqdisho kadib markii Magaalada Baydhabo ay socdaal dhulka ah kaga soo ambabaxeen,iyagoona soo maray deegaano dhowr ah oo dad soo barakacay ay joogeen.

 

Ciidamo fara badan iyo gawarida dagaalka Itoobiya ayaa galbinayay wafdiga masuuliyiintaasi,waxaana ay ciidamada dawladda Federaalka hore u xireen dhamaan wadooyinka muhimka ah ee taga xarumaha ay ku sugan yihiin masuuliyiinta dawladda Somaliya.

 

Masuuliyinta ugu sareysa dawlada ayey noqoneysaa markii ugu horeysay oo safar dhulka ah ay kusoo galaan magaalada Muqdisho,taasina waxaa loo aaneynayaa in ay halis badnaatay socdaalka Xagga cirka ah markii ay kooxaha kasoo horjeeda dawladda ku guuleysteen in ay soo ridaan laba diyaaradood.

 

Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'isal Wasaare Geedi ayaa shalay Baydhabo kulan kulasoo yeeshay masuuliyiin Mareykan ah oo ay kamid aheyd Haweeneyda Afrika ugu qaabilsan Maamulka Mareykanka Jendaya Frazer iyo Safiirka Mareykanka ee Nairobi Michael Renneberger.

 

Socdaalka masuuliyiintaasi ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli ay xaaladu degan tahay hayeeshee wali aysan jirin wax la isku haleyn karayo oo baajin kara dagaalo mar kale kasii dhaca magaalada Muqdisho, oo mudo 4 maalmood ah ay ku hardamayeen kooxaha kasoo horjeeda dawladda iyo ciidamada dawladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

 

 

Maxamed Carab

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

u really a dumb one dukie! u think amxaaro is gonna win in xamar! u is fowl air homie!! think... 1500 hundred of them amxaaros alreay got smoked!!

 

u gotta be really really like an air head! to think that is will win your uncle anything!! well lets see!! its his last draw!!

 

u game!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhulka ayuu maray hakaa saarto, wallee dhul iyo cir inaadan amaan ku aheyn adiga iyo amxaarka aad wadatid!

 

Somalis are fighting back, to drive all occupiers to their rightful places!

 

the next war will bring us more good news, IA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this