Sign in to follow this  
Suldaanka

Wararkii Somaliland oo kooban

Recommended Posts

Some people might entertain the wild thoughts that Somaliland might have been behind the pirates that operate in South seas, after they hear this new development. :D

 

The WFP (World Food Programme) has chosen Berbera port to become its port of choice for all aid food destined for Somaliland, Ethiopia and Somalia (Central and Eastern parts of Somalia).

 

This is a great development and would increase traffic in Berbera both land and sea.

 

-----

Hay'adda WFP Oo Dekedda Berbera Marin Uga

Dhigaysa Kaalmada Raashinka Ee Bariga Iyo

Badhtamaha Somalia Iyo Itoobiya

 

Hargeysa, December 9, 2005 ( Haatuf ) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada raashinka ee WFP ayaa sheegtay inay dekeda Berbera u isticmaali doonto marinka kaalmada raashinka ah ee ay gaadhsiinayso dadyawga ku tabaalaysan bariga iyo badhtamaha Somalia iyo weliba Itoobiya, iyadoo laga soo dejin doono dekeda Berbera in ka badan 20 kun mitir tan.

Sidaana waxa sheegay madaxa xafiiska Hargeysa u jooga (WFP-Somalia) ee Isku duwaha hawlaha Somaliland iyo Puntland Mr. Jean-Pierre Mambounou oo Salaasadii xafiiskiisa ugu waramayey Haatuf.

 

Mr. Mambounou waxa uu faah-faahin ka bixiyey inay talaabadani ka dambaysay ka dib markii budhcad badeed halis ahi ka dilaacday xeebaha Somalia ee badweynta Hindiya. Bilihii June ilaa September waxay budhcad badeedani qafaalatay laba markab oo u rarnaa WFP, iyadoo weliba muddo ku siman todobaad ay budhcad-badeedu sii daysay markab, mid kalena ku afduubtay, taas oo sababtay in shirkadaha leh maraakiibtu ay xayiraad ku soo rogeen dekeda Somalia. Arrintaas oo WFP ku keliftay inay shixnado raashin ah ka soo dejiso dekeda Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo ugu talo gashay raashinkaasi in ay gaadhsiiso Waajid Koonfurta Somalia oo u jirta dekedaasi ilaa 1200km.

 

Hawl-galkan ayaa wuxuu ku kacayaa kharash fara badan, hase ahaatee ma jirto si kale oo kaalmo lagu gaadhsiin karo dadka tabaalaysan ee Koonfurta Somalia.

 

Mr. Mambounou waxa kale oo uu sheegay inuu Isniintii ka dhoofay Hargeysa sarkaal WFP u qaabilsan saadka oo qiimayn ku samaynayey in dekeda Berberi hawshaa qaban karto, waxaanu intaasi raaciyey, inay arrintan wada hadalo kala yeesheen wasiirka qorshaynta Axmed X. Daahir iyo maareeyaha Dekeda Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor), iyaga oo ka wada hadlay sidii ay dekeda Berberi u noqon lahayd xarun lagu kaydiyo raashinka gar-gaarka ah ee hay’adda WFP ugu deeqayso dadyawga tabaalaysan ee ku nool gobolada bariga iyo badhtamaha Somalia, Somaliland iyo Itoobiya oo ay markii hore u marin jirtay Djibouti, iyada oo fogaanta u dhaxaysa Addis Ababa iyo dekeda Berbera aanay ka badnayn 40km oo keliya inta ay Addis Ababa u jirto Djibouti, isla markaana ay isticmaalka dekeda Berberi u madhxin doonto kharash fara badan oo awal kaga bixi jiray adeegyada dekeda Djibouti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D

Af Soomaali is not good enough for him (maybe).

 

 

------------

Wararkii Somaliland

------------

 

Somaliland President in Addis Abeba held talks with various high officials from the AU, UK Embassy, and the Ethiopian officials. The President also met with Shiekh Mohamoud Hussien Al Camuudi, the Ethiopian born Saudi billionaire. Sheekh Al Camoudi's MIDROC Ethiopia has recently decided to import all of its goods through Berbera.

 

 

normal_SafiirkaiyoMadaxweynaha1.jpg

 

[Dahir Rayaale with Amb. Bob Dewar]

 

Madaxweyne Daahir Rayaale oo la kulmay midawga Afrika iyo Maalqabeenka Al-Camuudi

 

Hargeysa(Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo hadda booqasho ku jooga Magaalada Addis Ababa ee Casimada wadanka Itoobiya ayaa shalay Axadii la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Ururka Midowga Afrika (AU), oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye-ku-xigeenka Midowga Afrika,Mudane Patrick Mazamhika oo iyo Xoghayaha guud ee Midawga Afrika Mr. Alfa Cumar Kanore, kuwaas oo ku booqday Madaxweynaha iyo weftigiisa hoteelka ay degenyihiin ee Sheraton. Sidaas waxa Jamhuuriya Telefoon ugu sheegay Mr. Cabdirisaaq Maxamed Suufi oo ah Xoghayaha koowaad ee Qunsuliyadda Somaliland ku leedahay Addisba Ababa.

 

Madaxweyne Rayaale iyo Mr. Cumar Kanore, arrimaha ay ka wada hadleen faahfaahin dheeraad ah lagmaa bixin, balse waxa la sheegay inuu wada hadalkoodu la xidhiidhsanaa xog isweydaarsi ku saabsan Marxaladda Somaliland ee xilligan, gaar ahaan guusha doorashadii Baarlamaanka ee dhammaystirtay hanaanka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo qaddiyadda Somaliland uga baahantahay Miiska ururka Ururka Midawga Afrika.

 

normal_AlCamuudiwiththePresident21.jpg

[somaliland President and Sheekh Al Amoudi discuss SL investment opportunities]

 

Madaxweyne Rayaale iyo xubnaha waftigiisu waxa kale oo ay isla shalay la kulmeen Guddoomiyaha Shirkadda weyn ee MIDROC Ethiopia, Sheikh Mohamoud Hussein Al Amoudi iyo la taliyayaashiisa u qaabilsan dhinaca maalgashiga.

 

 

Sida uu warsaxaafadeed ku sheegay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soamaliland, Cabdulaahi Maxamed Ducaale, oo ka mid ah weftiga Maadaxweynaha waxa kulanka Mudane Rayaale iyo Sheikh Amoudi uu la ku xidhiidhsanaa kulamo iyo wadahadallo hore, oo in muddo ahba u socday labada dhinac, waxa la isla qaatay in si deg deg ah loo galo iskaashigii dhinaca maalgashiga ee Shirkadda MIDROC ay ku samayn lahayd Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa la isla qaatay in guddi farsamo oo labada dhinaca si dhakhso ah ay u hawlgasho, iyada oo diiradda la saarayo maalgashiga Dekedda Berbera, dhinacyada Kalluumaysiga iyo soo saarka Tamarta (Energy Power).

 

 

Maanta Isniinta ayaa la filayaa inuu Madaxweyne Rayaale kulamo iyo wadahadalo la yeesho madaxda dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay Raysalwasaare Meles Zenewi iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta Itoobiya u fadhiya dalalka Caalamka.

 

 

Madaxweyne Rayaale oo Socdaalkiisa ay ku weheliyeen laba Wasiir oo ka tirsan xukuumadiisa [Wasiirada Warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Qaasim Sheekh] oo sabtidii doraad ka ambabaxay Magaalada Hargeysa, waxa Addis Ababa uga bilaabantay lugtii koowaad ee Socdaalkiisa oo qaadan doona muddo laba toddobaad ah oo uu ku marayo dalal ay ka mid yihiin; Itoobiya, Jarmalka iyo Norway.

 

 

Sida u qorshaysan Madaxweyne Rayaale iyo weftigisu waxa ay Magaalada Addisba Ababa ka ambabixi doonaan maalinta Arbacada ee 14 December, markaas oo ay lugtii labaad ee safarkooda ku tegi doonaan dalka Jarmalka, oo uu Madaxweyne Rayaale ka helay martiqaad rasmi ah, waxaana uu uga sii gudbi donaa dalka Norway.

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

The president Dahir Rayaale Kahin in a recent speech aimed at the new Parliament's opening session, mentioned that Somaliland will soon get its very own Telephone "Country Code" seperate and different from Somalia's 252 country code.

 

This was again confirmed by the minister of Communications Mr. Xasan Cabdi Khayre who told journalists at a meeting held today for Somaliland's communications companies in Maansoor hotel, Hargeisa.

 

 

------

XUKUUMADA SOMALILAND IYO SHIRKADAHA ISGAADHSIINTA OO ISKU MAANDHAAFAY HIRGELINTA XARUN XIDHIIDHISA TELEFOONADA DALKA

 

Har(HRG)- – Xukuumada Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ee wadaniga ah ayaa isku maandhaafay hirgelinta xarun Central ah oo xidhiidhisa Telefoonada dalka. Kulan shalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay wada jir u soo qaban-qaabiyeen Shirkada Ajaanib ah oo ay xukuumaddu siisay qandaraaska hawshaa iyo wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiintu ayaa Wakiiladda ka socday shirkaduhu ka biyo diideen, inay ka qayb galaan....

 

waxaanay xubnihii ka socday shirkaduhu dibada uga boodeen kulankaa. Hase yeeshee kooxo weriyayayaal ah oo ka socday warbaahinta dalka ayaa arrinta khilaafka wax ka weydiiyey xubnaha ka socday shirkadaha isgaadhsiinta iyo wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta, waxayna weriyayaashu wasiirka Xasan Cabdi Khayre weydiiyeen sababta keentay muranka iyo inay shirkaduhu ka biyo diidaan kulankaa, wuxuuna isagoo arintaa ka yidhi “Kulankani waxa uu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa isgaadhsiinta, waananu ku amaanaynaa shirkadahan ka soo bilaabay wakhtigii wadanku burburka ahaa. 14kaa sannadood waxay soo gaadhsiiyeen meel fiican, iyadoo ay jirtay wakhti lagu hadlayay radio telephone, isla markaana ay qiimaha telefoonadu ahaayeen kuwo qaali ah. dawladuna xaq ayay u leedahay inay ka faa’iidaysato xaga dakhliga hawada iyo nabadgelyada oo ay kaantaroolosho maadaama aanay wasaaradu 14-kaa sannadood wax qaban oo ay iska fadhiday, waxaana muhiim ah in kor loo qaado wasaaradda heerkeedii oo boosihiina dib loo furo, taas oo aan qabo in ay ictiraafka qayb weyn ka tahay tan aanu imika wadnaa oo ah in dalku yeesho fure gaar ah (Country Code) oo aynu ka mid noqono umadaha aduunka, waana nasiib wanaag in aanu soo helnay sidii madaxweynuhu sheegay furaha isgaadhsiinta Somaliland oo aanu ka sheegi doono Number-kiisa xarunta Central-ka ah ee aanu wadno xafladeeda. Maanta wuxuu ahaa kulanku in aanu shirkadaha kaga wada hadalno qorshaha hawshaa welina wuu noo socdaaâ€.

 

 

Wasiirku waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan sameeyeen saddex sharci oo dhinaca isgaadhsiinta ah oo uu ka ansixiyey golaha wasiirada, balse ay weli yaaliin Baarlamaanka, isla markaana waxa uu xusay inuu shirkadaha uga balan-qaaday inuu siiyo nuqulo ka mid ah shuruucdaa oo ay xaq u leeyihiin inay ka hadlaan, hadii ay ku arkaan in qodobo ka mid ah ay ugu muuqdaan kuwo ka hor-imanaya sharciyada caalamiga ah ee Isgaadhsiinta lagu hago iyo ganacsigoodaba, laakiin waxa uu xusay inuu sharcigaasi yahay mid ay kala soo dhex-baxeen sharciga caalamiga ah (International Telecommunication Union) iyo dawladaha jaarka ah, sida Uganda, Kenya iyo Tansania. Wasiirku waxa uu sheegay in ay shirkada hawshaa isku xidhka Central-ka wadaa oo magaceeda la yidhaahdo Transcom Digital Inc (TDI) ay ka mid tahay wasaarada Isgaadhsiinta Somaliland, wuxuna yidhi “Shirkadanu waa ta aanu la miciinsanay inay heerka caalamiga ah gaadhsiiso isgaadhsiintayada, waana shirkad Maraykan ah, hawsha ay wadana waxaanu doonaynaa in aanu shacbiga u bandhigo shirkaduhuna ma diidayaan inaanu hogaamino, mana soconayso in shirkad walba gaarkeedka u socoto, si aanu u helno hogaankii aanu xukuumad ahaan xaqa u lahayn, iyagana aanu ilaalino, isla markaana kala ilaalino, cashuurtii aanu xaqa u lahayna aanu u helno, nabadgelyadii dalkuna gacanta noogu jirtoâ€.

 

Mar la weydiiyey wasiirka inay shirkaduhu ka cabsi qabaan inay xukuumaddu dhexda ku duubato marka ay qalabkaa samaysato iyo sababta keentay shakigaa ay ka muujiyeen hawshaa shirkadaha isgaadhsiintu, waxa uu sheegay inaanay xukuumaddu ahayn nidaam shuuciya, isla markaana ay xaq u leeyihiin shirkaduhu inay wixii ay khalad u arkaan ee waxyeelaya dakhligooda iyo nabadgelyadooda ay ka hadlaan oo xukuumadda kala hadlaan, isla markaana aanay marnaba ka suurtoobayn xukuumadda inay ku dhaqanto, ama ku kacdo wax waxyeelaya shirkadahooda ama dhibaato u geysanaya, laakiin aanu wakhtigan garanayn waxa ay ka shakiyeen, balse ay soo bixi doonaan, wuxuuna intaa ku daray shirkada hawsha wada ee maal-gelinaysa xarunta Central-ka ay tahay shirkad caalami ah oo heshiis la gashay xukuumadda, markay hawsheeda dhamaysatana ay iska tegayso, isla markaana ay gacanta ku hayn doonto maamulka xaruntaa wasaaraddu oo ay jiraan 35 dhalinyaro oo ka kooban gobollada dalka oo loo tababaray hawshaa.

 

Wasiirku isagoo ka hadlaya arrintaa waxa uu yidhi “Hawshii dawlada oo dhulka taalay iyo shantaa shirkadood ee isbarbar yaacayay iyo shanta telefoon ee aad ku garaadsateen iyagoo xafiisyada yaala ayaanu kaalintii ay dawladu hore uga qaban wayday doonaynaa inaanu ka qabano oo isku xidhno oo kaantaroolno furihii dalka, mana dhacayso in nin waliba meesha uu doono bad iyo bari iyo hawo ka hadlo, waxaana gacanta ku qabanaysa xukuumadda, wixii hore uga baaqday meel aan kasta aan ka bixinee inaanu awooddaa aanu u helnay gacanta ku qabano nidaamka isgaadhsiinta dalka, waxaanay gacan buuxda naga siisay shirkadaa TDI sidii ay noogu heli lahayd Country Code fure gaar ah, kaas oo aanu la sugayno dhamaystirka hawshaâ€.

 

Mar la weydiiyey sida aanay shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland iyo kuwa Somaliya u kala soocnayn waxa uu sheegay inay taasi la mid tahay ganacsiga gobolada bariga ee ku xidhan suuqyada Somaliya, iyadoo goboladaa lagu qaato lacagta Somaliya, wuxuuna xusay inayna taasi soconaynin oo ay xukuumadu u soo jeedsatay wakhtigan sidii lacagtaa meesha looga saari lahaa, ee loogu socodsiin lahaa lacagta Somaliland gobolladaa.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ee ka qayb-galay kulankaa Mr. Jaamac X. Maxamed ayaa u sheegay saxaafada in shirkadaha isgaadhsiintu labadii sannadood ee u dambeeyey ku hawlanaayeen sidii ay u hirgelin lahaayeen inay wada hadlaan shirkaduhu, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ay ku jirto danta shacbiga, dalka iyo ta shirkaduhuba, laakiin waxa uu xusay inay shirkadaha qaarkood dawlada ka codsadeen inay keenaan qalab u sahlaya isku xidhka shirkadaha iyo xidhiidhkooda, balse ay dawladu diiday hawsha shirkadahaasi wadeen, taas oo uu sheegay inay ku keliftay shirkadaha inay maraan dariiq ka duwan kii ay markaa hore mari lahaayeen, balse ay wakhtigan xaadirka ah jiraan shirkado wada hadla, iyadoo hanti badan iyo kharash badan kaga baxay dariiqaa, iyadoo ay taa ku jiraan shirkaduhuna mudooyinkii u dambeeyey iyo sidii ay u horumarin lahaayeen oo ay ka wada hadlayeen sidii loo dhimi lahaa lacagta xidhiidhka telefoonada ee ku kordhaysa dadweynaha ay xukuumadu ku wargelisay inay wasaarada yimaadaan, wuxuna yidhi “Annagoo hawshii wadna ayay dawladuu noo yeedhay, waxaanay wasaaradu nagu wargelisay inay heshiis la gashay shirkad ajaanib ah oo ay siisay inay ka ganacsato isku xidhka shirkadaha, oo ay qalabkaa keento shirkadaha oo dhamina ku soo xidhmaan, telefoonaduna soo maraan gudaha iyo dibadaba, ka dibna waxaanu dawlada ka codsanay inay dhowr arrimood noo cadayso in mudadii afar iyo tobanka sannadood ah aanay shirkaduhu ka helin dawlada wax sharci isgaadhsiineed ah, inay wasaaradu soo gudbiso sharciga isku xidhka, maadaama aanay wixii dhaqaaqi karin hadii aanu sharci jirin oo qeexaya lacagta la kala qaadanayo iyo sida loogu adeegayo bulshada, mar hadii aanu sharcigaasi jirina isku xidh samaysmayaa ma jiro, shirkaduhuna iyagaa iskood heshiis u galay ee ma jiro sharci ay dawladu soo saartay.

Dawlada waxanu ka codsanay in sharcigii isgaadhsiinta, sharcigii isku xidhka iyo sharcigii ay kula heshiisay shirkadan inay keento, sababtoo ah waxaanu u arkaynay shaqada loo diiday shirkadaha muwaadiniinta ah sida ay noqoto sharcigeedu shirkad ajaanib ah marka la siiyo, mana jiro qandaraas lagu bixiyey hawshaa iyo tartan loo galay, ama wax lagu diiday shirkadaha muwaadiniinta, waxaana ku jira heshiiskaa madmadaw xoog leh. Sidaas darteed, waxaanu ka codsanay xukuumada in hadii la shirkadaasi hawshaa qabanayso oo dawlada ku khasbay inay u hogaansamaan shirkaduhu amarkaa in la eego hantida intaa le’eg ee ay leeyihiin muwaadiniintuâ€.

 

 

Mr. Jaamac, waxa uu sheegay inay shirkaduhu ka soo bilaabin wakhtigii dalku burbursanaa oo ay faa’iido weyn u qabteen dalka iyo dadkaba, isla markaana ay sameeyeen shaqo abuuris iyo waliba inay ka qayb qaataan adeegyadii bulshada ee ay ahayd inay dawladu wax ka qabato, mar walbana ay diyaar u yihiin shirkadaha wadaniga ah wixii looga baahdo ee wax loogu qabanayo bulshada, laakiin isagoo ka hadlaya sababta ay uga shakiyeen shirkadaa, waxa uu yidhi “Hadii dawladu leedahay waa amare ku xidhta waxa loo baahan yahay kalsoonideeda iyo meesha ay ka timid iyo inay tahay shirkadihii caalamiga ahaa ee la yaqaanay, mar hadii aan faylkeedii lagu tusina madmadow ayaa ka iman kara, anagoo aan ceebaynayn shirkadaa ilaa hada ma hayno wax garante ah oo cadaynaya shirkadaasi inay jirto, dawladana waxaanu ka codsanay inay noo soo gudbiyaan faylka shirkadaa, welina noomay soo gudbin dhowr goor ayay shirkadu nala balantay, waxaanu dhowrkaa maalmood ka hadlaynay waxyaabaha aanu u baahannahay ee shirkadaa, dawladuna waxay nagala hadlaysay oo noo sheegaysay “shirkadii ayaa idiin sheegaysa qaabkii aad isugu xidhmi lahaydeen ee kaalayaâ€, maantana waxaanu dawlada u balansanayn inay noo keento shuruucdii isku xidhka, kii shirkada iyo taariikhdeedii, laakiin waxaanu kala kulanay waxaanaan ka filayn oo aan ahayn wixii aanu isku ogeyn, balse waxaanu diidnay inaanu dawlada halkaa kaga dhaqaaqno, waxaanu la kulanay ragii islahaa bilado dahab ah ayaad leedihiin dhaliilo farabadan, haday dawladayadu na dhaliilayso waxba ma ahaateen, ee waxa na dhaliishay oo lahayd dawladaa sidaa ku tihiin iyo hadalo laaqi ah shirkad ajaanib ah, arintaa ayaanu meesha kala kulanayâ€.

Afhayeenka shirkadaha isgaadhsiinta u hadlay oo la weydiiyey waxyaabaha ay shirkaduhu diidan yihiin waxa uu sheegay in aanay diidanayn isku xidhka iyo horumarinta telefoonada oo ay tahay hawl ay markii horeba waydeen iyagu, balse ay diideen shirkada aanay garanayn oo ah shirkad ajaanib ah oo gacanta loo gelinayo hawshoodii iyo iyadoo ay u arkaan in la baabiinayo xidhiidhkii ay sameeyeen shirkadaha telefoonadu oo dedaalkoodii cidlo lagaga tago.

 

Source: Jamhuuriya...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

suldaan

 

so i wonder whats somalilands national code going to be :D because i think we needed this code for long time

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan la yaabanahay ninkaan weyn oo ku faanaya Mucaawino qashin ah ayaa wadankeena loo doortay in laga soo dajiyo! Ala aduunku dhakafaar badanaa, ma xaqbaa in wadankeena uu heerkaas marayo dadkii kalena ay ka hadlayaan horumar ah in laga kaaftoomo gaaska iyo shidaalka oo biyo loo badalo!

 

War iska jiifta nimanyahow, waad hurudaane! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Sxb are you sure you are awake yourself??

 

Qudhac

I don't know man, but I think 257,258 and 259 are possible vacant regional country codes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan maqli jiray wadaanta reerkaas u jeeda biya ma celiso. Marka ummada aad dhalinyaro u tihiin u maleyn maayo iney horumareyso hadaadba ku xisaab tameysaan mucaawino barbara kasoo dagta waxtarkeeda ama horumarka ay keeni karto!

 

Koley aniga duco ayaan idin daba dhigay, waase la arki doonaa waxa laga keeno deeq-la-moodka ay gaalada kusoo qubaan dadka madow.

 

Laakiin ku xisaabtama in loo baahan yahay xamaaliyaal alaabta ka dajisa markabka, maadaama nin qayilsan oo asba wax xambaara u baahan uusan idiin noqon doonin xamaali furdada ka shaqeysta! :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sxb the difference between you and me is that, anigu qofka i caawiya waan qiraa oo waxaan idhaa thank you. Laakin adiga?? Sidii Bisadda inta libiq ka siisid ayaad inkirtaa. Cajiib

 

 

As for xamaalka, ninkii waligii wax xamaali jiray ayuunba maantana xamaali doona. No problems there. Anigu booka iyo qalinka igu eeg. I will be counting kow, laba sadex joonyadood while chewing my leaves. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this