Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadal-haynta aqoonsi raadinta Soomaaliland oo mar kale warbaahinta dunida qabsatay iyo DFS oo aan wax tillaabo ah qaadin.

Recommended Posts

Deeq A.   

Horraantii sanadkan waxaa warbaahinta dunida si xoog leh u qabsaday warar ku saabsan in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Soomaaliland aqoonsi siinayo, si deeggaanadaas loogu daadgureeyo dadka reer Falastiin ee marinka Qasa, balse markii dambe arrintaasi ma suurta-galin.

Bilo yar ka dib mar labaad hadal haynta ku saabsan aqoonsi raadinta Somaliland ayaa mar kale qabsatay saxaafadda caalamka iyo siyaasadda Mareykanka, iyadoo senatarro caan ahi ay olole ugu jiraan in si rasmi ah loo aqoonsado maamulkaas oo 34 sano ka hor ku dhawaaqay madax-bannaanni u gaar ah.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhowaan warbaahintu wax ka weydiisay aqoonsiga Soomaaliland ayaa sheegay in arrintaasi adagtay, balse ay ka shaqaynayaan oo ay gacanta ku hayaan, taas oo indhaha dunida u soo jeedisay dhinaca Hargeysa.

Inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin haddana warar hoose oo maalmihii la soo dhaafay warbaahinta guduhu qoraysay ayaa sheegayay in Soomaaliland ay Mareykanka u ballanqaaday saldhigyo militari oo istiraatiiji ah iyo dhammaan kheyraadkeeda dabiiciga ah si uu dal madax-bannaan ugu aqoonsado.

Dhanka kale Maalmihii la soo dhaafay, Senatorka Mareykanka ee Ted Cruz ayaa warqad rasmi ah u diray Madaxweyne Donald Trump, isaga oo ugu baaqay in Washington aqoonsato Somaliland, wuxuuna Cruz ku dooday in dekedda Berbera iyo ciidanka Somaliland ee tababaran ay muhiim u yihiin danaha amni ee Mareykanka, isla markaana xiriirrada Hargeysa la yeelato Taiwan iyo Israa’iil ay muujinayaan jihada siyaasadeed ee maamulkaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid tallaabooyinka noocaas ah, iyada oo ku tilmaantay “khiyaano lagu kala fogeynayo shacabka Soomaaliyeed” iyo fursad ay kooxaha argagixisada ka faa’iideysan karaan, hase yeeshee, inkastoo hadal qoraal ah ay soo saartay safaaradda Soomaaliya ee Washington, haddana wax tallaabo muuqata ah oo siyaasadeed ama diblomaasiyadeed ma qaadin Villa Soomaaliya si ay uga jawaabto cadaadiska sii kordhaya ee ku aaddan kala goynta dalka.

Marka la eego isbeddellada socda, ololaha Somaliland wuxuu galay marxalad cusub oo caalami ah, halka dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli qaadin tillaabo muuqata oo ay uga hortagayso abaabulka diblomaasiyadeed ee ka socda Washington iyo meelaha kalArrintaasina, arrintaasina waxay abuurtay su’aal ah ilaalinta midnimada miyaysan mudnayn olole ka firfircoon ama la mid ah midka aqoonsi raadinta.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this