Sign in to follow this  
Che -Guevara

Could this be the begining of new Somali Goverment?

Recommended Posts

Golaha oo kudhaaway Maxkamadda Islaamiga ah ee Gobolka Banaadir.

 

 

Muqdisho, 05-October-06 ( Qaadisiya.com) Xaflad si aad ah u heersareysa oo loogu dhawaaqayay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay hoos tagayaan Dhammaan Maxkamadaha kajira Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Xaruntii hore ee Villa Soomaaliya.

 

Xafladdani oo ay kasoo qeyb galeen Mas'uuliyiin aad u fara badan ayaa waxaa halkaasi laga soo jeediyay Khuadbado muujinaya sida loogu baahan yahay in Gobolka Banaadir Maxkamadihiisu ay yeeshaan Maamul mideysan.

 

 

Daawo Sawirada.

Sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay xafladda Mas'uuliyiin aad u fara badan oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Aweys, Kuxigeenka Madaxa Ammaanka ee Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuurâ€, Madaxa Ammaanka ee Gobolka Banaadir Sheekh C/llaahi Macallin Cali Naxar “Abuu Quteyba†iyo Mas'uuliyiin kale oo katirsan Xubnaha labada gole ee Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed.

 

Waxaanan ka marneyn Xafladda oo kasoo qeybgalay Abwaaniinta Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen Abwaan Abshir Nuur Faarax “Bacaadle†Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure, waxayna halkaasi kusoo bandhigeen gabay aad u qiimo badan.

 

Abwaaniinta ayaa gabayadooda waxa ay diidaradda kusaareen Arrinta ka taagan Xabsiga Magaalada Hargeysa halkaasi oo lagu dhibaateynayo Culumaa'udiin lagu heysto Sababta ay Islaam u noqdeen maadaama la weydiinayo waxa ay mareykanka iyo Itoobiyaanka wax uga sheegeen, waxayna si gaar ah u cambaareeyeen Falka jir Dilka ah ee loo geysanayo Sheekh Maxamed Sh.Ismaaciil oo kuxiran Xabsiga Magaalada Hargeysa.

 

Abwaaniintani ayaa ka tiriyay Arrinta Argagaxa leh ee Sheekh Maxamed Ismaaciil lagula kacayo Xabsiga Magaalada Hargeysa Gabayo ay ugu talagaleen iyadoo dadkii kusugnaa Goobtii ay xafladdu ka dhaceysayna ay kawada muuqatay Shicaar aad u kacsan oo ay kumuujinayeen sida ay uga soo horjeedaan Falkaasi lagula kacayo Sheekh Maxamed Ismaaciil.

 

Mas'uuliyiintii ka hadashay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxayna u badneyd hadaladiisii in waxa ay wataan uu yahay Diinta Islaamka isla markaana aysan dooneynin in Diinta Islaamka Arrimaheeda ay war wareeg kagalaan.

 

Waxa uu sheegay sheekh Xasan Daahir in marnaba aysan ka tanasuli doonin Kudhaqanka Shareecada Islaamka lakin wada hadal kale ay lageli doonaan Cid waliba kan dowladda ay kula jiraanna ay ugu daneynayaan Shacbiga Soomaaliyeed si aanan wax dhibaato ah uga dhicin Gudaha Shacbiga ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

Sheekh Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur†ayaa kamid ahaa Mas'uuliyiintii ka hadashay Xafladdii Maanta wuxuuna sheegay in looga baahan yahay Shacbiga Soomaaliyeed mar waliba in ay dhiira geliyaan kudhaqanka Shareecada Islaamka maadaama aanu nahay Shacbi Islaam ah.

 

Sheekh C/llaahi Macallin “Abuu Quteyba†oo ah Mas'uulka Ammaanka ugu sareeya ee Gobolka Banaadir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqayo Maamul uusan aheyn wax cayaar cayaar ah loona baahan yahay in la isku kaashado arrintaasi.

 

Abuu quteyba waxa uu sheegay intii ay ku guda jireen Hawlgalada Ammaanka lagu sugayo ee Gobolka Banaadir ay taageero weyn ka heleen Shacbiga Soomaaliyeed taasina ay uga mahad celinayaan isla markaana ay kasoo codsanayaan in sidaasi oo kale ay ula sii shaqeeyaan si aanan loogu arag Magaalada cid wax dhibta.

 

Xafladda ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay Mas'uuliyiin kasooctay Ururada Bulshada Rayidka, waxaana magacooda ku hadlay Shariif Axmed, wuxuuna Sheegay in sida xaalka maanta uu yahay iyo sidii uu ahaa haddii la isku barbardhigo la dareemi karo isbadalka weyn, waxaana kutalineynaa ayuu yiri Shariif Axmed keliya Maxaakimtu in hawlahooda ay dardargeliyaan isla markaana ay horey u sii socdaan.

 

Waxaanan ka marneyn Xafladda oo ka hadlay Odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed waxaana kamid ahaa Odayaal dhaqameedyadaasi Suldaan Macalin Horseed oo isagu codsaday in Maxaakimtu ay muujiyaan Feejignaan Dheeri ah Maadaama Xaaladda dalka uu marayo lala socda.

 

Inkastoo odayaal dhaqameedyadii halkaasi ka hadlay ay fara badnaayeen ayaa hadana waxaa ay qaarkood ka shanqariyeen in Maxaakimta laga doonayo in ay kudhawaaqaan Xukuumad maadaama ay qabanayaan Hawlihii ay Dowlad qaban laheyd.

 

Xafladdii Maanta oo aheyd mid ay qeybaha kala duwan ee Bulshada ay kasoo qeybgaleen ayaa ugu dambeyntii waxaa loogaga dhawaaqay maanta Guddi ka kooban 11-xubnood oo qaabilsan isku celinta hantida lakala heysto, sidoo kale waxaa la magacaabay Guddi ka kooban 12-xubnood oo qaabilsan Garsoorka Maxkamadda Gobolka iyo 64-xubnood oo ka hawl geli doona illaa 21-saldhig boolis oo kuyaalla Gobolka Banaadir.

 

Sidoo kale waxaa Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Gobolka Banaadir loo magacaabay Sheekh Xuseen Cabdi Cilmi iyadoo waxaana soo dhaweeyay dhammaan Dadkii kasoo qeyb galay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 05, Oct.06 ( Sh.M.Network) Golaha Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho si rasmi ah Maxkamada ku dhaqanka shareecada islaamka ee gobolka Banadir oo ay hoos imaanayaan dhamaan Maxaakiimta islaamka Somalia.

 

Xalada ku dhawaaqida Maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee gobolka Banadir, oo Saacado ka socotay xaruntii hore ee Madaxtooyada ee Villa Somalia ee magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen dhamaan madaxda sar sare ee Maxkamadaha islaamka ayaa soo gabogaboobay, iyadoo lagu dhawaaqay Maxkamadda islaamiga ee gobolka Banadir oo mideyneysa dhamaan Maxkamad beeleedyada ka jira magaalada Muqdisho.

 

Kulankaasi oo ay ka qeybgaleen Mas'uuliyiinta golayaasha shuurada iyo fulinta ee Maxkamadaha islaamka ayaa waxaa lagu dhisay afar maxkamadood oo kala ah

 

1. Maxkamadda hanti isku celinta gobolka Banadir oo gudoomiye looga dhigay Dr. Cumar Cabdalla, kana kooban 11 xubnood.

2. Maxkamadda racfaanka gobolka Banadir oo gudoomiye loogu doortay C/raxmaan Xasan Cumar, kana kooban 12 xubnood

3. Maxkamadda gobolka Banadir oo gudoomiye looga dhigay Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, kana kooban 12 xubnood.

4. Maxkamadaha degmooyinka gobolka Banadir oo ka kooban 21 saldhig lehna 64 garsoore.

 

Dhamaan Maxkamadahaasi waxaa goobta shirka kaga dhawaaqay Madaxa xafiiska garsoorka golaha fulinta ee Maxkamadaha islaamiga Sheekh Xasan Cismaan Axmed (Xasan Mahdi)

 

Sheekh Xaxan Mahdi waxa uu warbaahinta u sheegay in dhamaan xubnaha 4ta Maxkamadood ee maanta lagu dhawaaqay dhismahooda uu ka kooban yahay 110, xubnoo oo 35 oo ka mid ah oo ah gudiga hanti isku celinta ay si rasmi ah u howl-gali doonaan maalinta sabtida ah ee soo socota.

 

Sidoo kale Sheekh Xasan Mahdi waxa uu sheegay in labada Shabelle dhowaan loo dhisayo maamul la mid ah midka gobolka Banadir

 

Muanaasabaddaan ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Mas'uuliyiinta ugu sareysa Maxkamadaha islaamiga oo ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed gudoomiyaha golaha fulinta iyo Gudoomiyaha golaha shuurada Sheekh xasan Daahir Aweys

 

Sheekh Aweys ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhismaha maxkamadahan ee maanta lagu dhawaaqay, isagoo sheegay in ay wax weyn ka tari doonaan arimaha garsoorka iyo amaanka ee ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxa uu ku booriyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in Maxkamadaha ay ku taageeraan howlaha amaan ku soo dabaalida dalka iyo sidii looga shaqeyn lahaa arimaha horumarka bulshada, ayna si dhab ah ugu dhaqmaan shareecada islaamka.

 

Gudoomiyaha golaha Fulinta Maxkamadaha islaamka Somalia oo hadalo ka jeediyay kulanka ayaa waxa uu sheegay in Maamulkaan cusub uu yahay mid looga baxayo cadaalad darada umadda horey u heysatay.

 

Sheekh Shariif ayaa qudbadiisa waxaa kale oo uu kaga hadlay xarigga iyo jirdilka maamulka Somaliland ay u geeysteen Sheekh Max'ed Ismaciil, isagoo sheegay in arinkaasi ay ka xun yihiin Maxkamadaha islaamka, isla markaana ay ugu baaqayaan maamulka Somaliland in ay sii daayaan Sheekha iyo culumada kale ee sida qaldan loogu heeysto arimo aysan shaqo ku laheyn.

 

Sheekh Sharifi waxaa sidoo kale uu cambaareeyay fara galinta ciidamada dowladda Ethiopia ay ku hayaan gudaha Somalia, isagoo sheegay in ciidamo Ethiopian ah ay ku sugan yihiin gudaha Somalia.

 

Sidoo kale munaasabadaasi ayaa waxaa hadalo ka jeediyay madaxa amaanka gobolka Banadir Sheekh C/laahi Abu cuteyba iyo K/xigeenka guud ee amaanka golaha maxkamadaha Sheekh Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo faahfaahin ka bixiyay isbadalka howlaha amaanka ee gobolka Banadir tan iyo Markii Maxkamadaha ay gacanta ku dhigeen caasimadda iyo howlaha saldhigyada gobolka Banadir oo hadda ay ku jiraan maxaabiis fara badan oo ku eedeysan dambiyo kala duwan sida uu sheegay madaxa amaanka gobolka Banadir Sheekh Abu Quteyba.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi gabayo qiiro leh ka jeediyay Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle iyo Abwaan Cismaan C/laahi Guure.

 

Ku dhawaaqida 4taan Maxkamadood ayaa ah talaabadii ugu joreysay ee dhinaca maamulka ay u qaadeen golaha maxkamadaha tan iyo markii ay la wareegeen caasimadda Somalia, taasoo soo afjareysa nidaam la'aanta iyo isbarbaryaacii ka jirey caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Inshallah we will come this and we hope maxkamadaha inay ku gulaystaan sidey nabad waarto iyo xasilooni u dabaali lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iam cautiously optimistic, but the centralisation of their command is an excellent move on their part. This not only ensures a better governance of the Benadir region, but also puts an end to the Qabiil-based courts which would have proven to be difficult issue if the courts are going to continue their expansionism into the rest of Somalia. Their next project should Shabbeele and the Jubooyinka where there is alot of injustice faced by the everyday Somali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^^ I will wait for a week before I start cheering, but if this is true it gives us a reason for optimism.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^A reason for obtimism indeed. It won't be easy though so when you finally join our cheering parade, do know that the going could still get tough yaa ME oo hadhow hanooga bixin dee :D !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Indeed a reason for optimism. Caution is always best and the Courts seem to be doing alright. Similar to Horn, I hope the Courts would usher in needed peace, law and order.

Share this post


Link to post
Share on other sites

when will we get of the bandwagon? These people have proven again and again that they are liars. without recounting all the lies they have said let me tell why what they done in building the benadir administration further proofs they are liars. They have repeatedly said that they are not "Xukun doon". They have also said that they did not want anything but would let the people determine what they want and this administration that was formed without the input of the people of that region contradicts that statement and dahir aweys insistence that they will negeciate about everything a an "Islamic state" and foreign forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its a good move on their part and to be expected, but like NN stated the truth is in what they do and not what they say..

 

The begining of a new government? no

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke..We have seen what they do. It might not be to your liking, but certainly more than we could say about Yusuf's goverment in Baydhabo. Peace isn't won through inactions. It is won by men who are proactive. The entity in Baydhabo just reacts to things.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Too early to cheer, mate! looba jooge waxay suubiyaan. The nation is eagerly waiting for what they do. Enough, good words said, lets see they put them into action. Illaahay towfiiqda ha waafajiyo, shaqsiyaadka danta gaarka lahina illaah haku fashiliyo mu'aamaradooda ayaan leeyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this