Sign in to follow this  
RedSea

AMISOM forces shot and killed them...eye witness reports.

Recommended Posts

RedSea   

Muqdisho,25,Jan,2009,Axad,(Hillaac.net)

 

''Waxa meesha ka dhacay Anigaa Indhahayga ku soo arkay ee ha maqlina waxa laydiin soo marinayo Saxaafadda loo soo kireystay Difaaca Danaha Mareykanka iyo iska horkeenka Shacabka iyo Mujaahiddiintooda, Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey oo uu waday 1 Qof oo Nafti hure ahaa ayaa Gudaha u galay Guriga Shaqaalaha oo ay ka buuxeen Gawaarida Gaashaaman ee ay Ciidamada Ugandheysku lahaayeen waxana Gaarigaas uu Nafti huruhu waday uu dhalaaliyey ugu yaraan 4 ka mid ah Gawaaridii Beebaha ahaa ee ay Ciidanka Ugandheysku lahaayeen, Iyadoo Ciidan aad u fara badan oo ka mid ah Askartii Ugandheyska ay halkaasi Lafahoodu ku kala faniineen, Waxase Dhacday in Daqiiqado yar kadib markii uu Qaraxu halkaas ka dhacay uu Waddadaas soo maray Gaari Koostar ah oo ay Rakaab ka buuxeen, Ciidamadii Ugandheyska ahaa oo aad u Careysnaa ayaana si aarsi ah oodda kaga qaaday Rasaas baas ah oo ay ugu talagaleen in ay ku rusheeyaan Dadkii Rakaabka ahaa ee Gaarigaas ka buuxay si uusan midna uga fiigin''.

 

''Inyar mooyee Rakaabkii Gaariga saarnaa Dhammaantood halkii beey ku geeriyoodeen kuwii ka badbaadayna Dhaawacyo aad u culus ayaa soo gaaray, Aniga waxaan ka mid ahaa Dadkii Goobtaas soo gaaray Xilli Dhagaxtuur iyo Maleeshiyaadkiisu ay Meydadkii meel isugu geynayeen iyagoo Sawirro ka qaadaya Idaacadahana ugu sheekeeynaya in Dadkaasi ay ku dhinteen Qaraxii Naftii hurihii halaagay Ugandheyska, Iyagoo weliba si Damiir xumo ah Lugaha uga soo jiidaya Dad Dhaawac xun uu Madaxa kaga yiillay si ay Sawirro uga qaadaan Saxaafaddana ugu gudbiyaan Dhiigbaxooda si ay ugu sheekeeyaan in Nafti hurihii Ugandheyska baabi'iyey uu gumaaday Dadkaas Shacabka ah, Waxase Dadkii Goobjoogga ahaa ay aad ula yaabeen Caqli Xumada ay Shaqsiyaadka uu Dhagaxtuur ka mid yahay ku kacayeen Iyagoo aan xitaa ka Fekerin in aysanba isku ekeyn Dad Miino ku Qaraxday iyo Dad Rasaas lala dhacay, Waxana sida aad baabuurka Koostarka ahba ku aragtaan Dadkaasi si Waxashnimo ah oo ku talagal ah u Xasuuqay Ugandheyskii Argagaxsanaa ee Saaxiibadoodii lagu halaagay Guriga Shaqaalaha''. Sidaa waxa tiri Wariyahaga Magaalada Muqdisho SHUKRI XUSEEN TIFOOW oo Goobtii Masiibadu ka dhacday Indhaheeda u soo aragtay.

 

Haddaba Waxa Magaalada Muqdisho ka Billaabatay in Shacabka ay Gumaadayaan Gaalada Madoow loo saariyo Xoogagga Halganka ugu jira sidii ay Waddanka uga xoreyn lahaayeen Calooshood u shaqeystayaasha loo soo kireystay in ay Gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, Waxana Howlahaas Ijaafeynta Mujaahiddiinta Lacago lagu siiyay Shaqsiyaad ay Horboodayaan Kuwii Cadawga u adeegayey oo kaashanaya qaar ka mid ah Saxaafadda Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar all these has been posted yesterday ,,,,,,,

 

Horta don't you check what is there before you start the same topics ??? ,,,,,,,,

 

WAY OO WAY ,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Nin Darawal ah oo kashifay wixii maanta ka dhacay wadada Shaqaalaha ee lagu gumaaday shacabka:

 

 

Nin darawal ah oo ka shaqeeya wadada Makka Al-Mukarrama gaadidka ka howlgala ayaa u sheegay Idaacad kamid ah kuwa Muqdisho tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan arrinta sida aadka ah loogu wareersan yahay ee ah wixii maanta ka dhacay wadada shaqaalaha halkaasi oo ay ku qudhbaxeen in ka badan 10 qof oo rayid ah.

 

Ninkaasi wuxu caawa ka sheegay Idaacadaasi in isagu uu kamid ahaa dadki markii ugu horeysay goobta musiibadu ka dhacday gaaray isla markaana ay soo qasbeen si xoog ahna kusoo wadeen Cidamo katirsan dawladda waqti uu doonayay in gaarigiisa uu la baxsado markii dadkii saarnaa ay ka kala yaaceen.

 

Goobta markii uu tagay ayu sheegay in uu indhihisa ku arkay dhamaan dadki meydadka ahaa ee gaariga rayidka ku dhamaaday kuwaasi oo uu sheegay wax qarax ah in uusan saameyn isla markaana baabuurka halka uu ku qaxray ay aheyd meel aad kaga fog halkii gaariga BL-ka lagu dhibaateeyay.

 

Waxaa uu sheegay ninkaasi darawalka ah isagu in uu soo qaaday qaar kamid ah dadki dhaawacmay isla markaana uu caddeynayo in dadkaasi rayidka ah ay wax ku noqdeen rasaas xoog badan oo ay 4-ta jiho u fureen ciidamada AMISOM markii qaraxu dhacay.

 

Meydadka dadkii la arkay ee warbaahinta qaar soo sawirtay ayaa waxaa jirkooda ka muuqday dhiig iyadoona aaan la arkin dad gubtay sida qaraxyadii hore ay ahayeen ama jirkooda kala go'ay,waxaana ay Idaacadda BBC-da galabta sheegtay in ay heshay warar sheegaya in qaraxa gaariga uu qabsaday baabuurta AMISOM.

 

Masuuliyin katirsan dawladda KMG ah ayaa iyagu sheegay in gaariga BL-ka uu ku qarxay gaariga Miineysnaa laakin dad badan ayaa sheegaya in gaarigaasi lasoo sawiray aysan ka muuqanin wax astaan qaraxa uu ku reebtay.

 

Madaxa Xafiiska Shabakadda Markacadey.net,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Jacaylabro,

 

These are staggering new developments. They said car bomb, but it turns out the car never went off in public but inside teh ugandese military post disabling four of their human transport vehicles (bebees), then the ugandese shot and kiled scores of people as retaliation. Once again, this proves my point that amisom forces are no different than the departed ones.

 

 

Wahay wah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Once again, this proves my point that amisom forces are no different than the departed ones.

Is the wedding still on?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

So basically the Ugandeese are hiding their loss once they got the revenge they needed!!

 

 

Sheekadan sheekaa ka danbeeyni.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

ayoubi,

Yes. These last remaining fufus will be flushed out soon.

 

nuune,

 

The ethios use to take the bullets for them, now the amisom forces are left to fight on their own and they don't quite like it. Soon they will have no reason to keep fighting for once they see piles of rotten dead body of theirs amidst angry crowed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Offcourse people pay hefty price as well, what do you expect. it's state of war.

 

But the end does justify the means. Somalia will finally have peace that lasts and a home made government. Before that we will count our loses and move forward.

 

Every country on earth must have experience extensive human suffering and wars before it reached its full potential. We just need to stay FOCUSed and keep our eyes on the price; better days are ahead and they would not come without peddling through tough times like these. Samir iyo imaan ayaa loo baahan yahay. dadkii ku dhinta gacan xaq daro ah waa balan qaadka eebe in uu janno siinayo. Markaa tawakal calalah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

It's now becoming more evident that civilians were targeted in retaliation of the bombing. But this barbaric counter action by the African Union will bolster public support for the Shabaabs. You don't need to punish civilians for the brutal actions of your opponent. Imagine the sons of the mother who died in that retaliatory strike joining Shabaabs and doing similar acts to avenge for the death of his parent.

 

I believe keeping the small AU troops until internal condition is stable enough for the deployment of multinational peacekeepers is a flawed decision, and which seems to be the consensus for now until donors for the UN troops become available. They want to strengthen AMISOM with the relocation of the small AU contingent currently stationed in Ethio-Eritrea border conflict. They are convinced that the earmarks for that mandate will be available to sustain AMISON until the deployment of UN troops subject to conditions on the ground. However two great options which would have helped Somalia regain its sovereignty have been consigned to the dust bin. Either allow the grassroots movement remain strong and spread out their platform of governance or give Somalia a genuine and serious engagement that reflect the reality on the ground. It's simple but how ridiculous is to be held by an inflexible and rigid safeguard of old policies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this