Sign in to follow this  
xiinfaniin

The Kismayo tragedy continues!

Recommended Posts

Magaalada Kismaayo oo Maanta labo Ruux lagu dilay

 

Khamiis,04 October 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta duleedka magaaladaas lagu dilay labo Nin oo Rayid ahaa.

 

 

Labadan Nin ee la dilay oo guryahooda lagala baxay ayaa lagu kala magacaabi jiray Yusuf Maxamad Cali (Yuusuf Dheere) oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Axmed Aadan Muuse, waxaana lagu dilay duleedka Magaalada Kismaayo oo ay kooxihii dilay la tageen.

 

 

 

Ilaa iyo haatan lama garanayo sababta loo dilay labadaas Nin oo rayid ahaa, waxayse wararka qaarkood sheegayaan in dilka marxuumiintan uu la xiriiro weerar xalay gudaha Magaalada Kismaayo loogu geystay Nin Sarkaal ah oo la sheegay in uu ka tirsan yahay Sir-doonka Dowladda Itoobiya, kaasi oo weerarkii loo geystay uu ku dhaawacmay darawalkiisa, halka warar kalena ay sheegayaan in dilka labadan nin uu la xiriiro Aano Qabiil.

 

 

 

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Jubbada Hoose Axmed Sandheere ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan ciddii ka dambeysay dilka labadaas nin, kadib marka ay baarista u soo dhamaatana ay soo bandhigi doonaan.

 

 

 

Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka jiray falal nabadgelyo darro ah, waxaana dhawaan gudaha Magaaladaas lagu dilay Wadaad Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Shiikh Jeylaani Cali Macallin, kaasi oo ay toogteen kooxo hubeysan oo ka soo raacay Masjid uu Kutubta Cilmiga ku aqrin jiray.

 

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Labada Ruux ee maanta lagu dilay magaalada Kismaayo ayaa wuxuu dilkooda ku soo beegmayaa iyadoo shalay ay magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixdeen Odayaasha Dhaqanka Beelo horay ugu dagaallamay magaalada Kismaayo, kuwaasi oo isku af-gartay in laga gudbo wixii khilaafaad ah ee labada beelood u dhaxeeya, sidoo kalena aysan dib dambe colaad uga dhex dhicin.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

May Allaah grant both to his Jannah! I knew Brother Yusuf very well for a long time! He was good student of Quran, and it's quite tragic he would just get slaughtered like that in a daylight...

 

Reading coverages of thier death i am sure the other brother was a good religious decent man!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Xiisad tii ugu xumeyd oo ka taagan magaalada Kismaayo

4. Oktober 2007 - APL

 

 

 

Kismaayo(AllPuntland)-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta qabuuraha agagaarka Baar Caleen ayaa lagu aasay labo nin oo si weyn looga yaqiin magaalada Kismaayo kuwaasoo ay rag hubeysan ka wateen guryahooda kuwaasoo ku dilay duleedka Waqooyi ee magaalada Kismaayo.

 

Labada nin ee la dilay saakay ayaa magacyadooda lagu sheegay Yuusuf Maxamed oo la sheegay inuu u shaqeynayey shirkadda isgaarsiinta Hormuud (Ex-Barakaat) iyo Axmed Aadan Muuse “Xiis” kuwaasoo la sheegay in loo dilay weerar xalay lagu qaaday nin la sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo gaari uu saarnaa xalay lagu rasaaseeyay magaalada Kismaayo kaasoo ka badbaaday.

 

Aaska labada nin ee saakay lagu aasay Kismaayo ayey ka soo qeybgaleen dadweyne fara badan oo ka xumaaday falkan ka soo cusboonaaday magaalada Kismaayo xili ay shalay kulan ay beesha **** waxgaradkooda ku yeesheen Hotel Tawakal Kismaayo ay si weyn ugu taageereen heshiis ka dhacay Muqdisho oo ay wada gaareen waxgarad iyo Ugaasyo ka kala socday beesha ******* oo ku heshiiyay in la joojiyo xiisadaha iyo dagaalada ka dhacay Jubooyinka isla markaana laga soo wada qeyb galo gogol nabadeed oo Kismaayo shir ugu furmi doono 27-ka Oktoobar laguna marti qaaday inuu ka soo qeybgalo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Gabagabadii waxaa maanta magaalada Kismaayo ka taagan xiisad laga cabsi qabo iney dhacaan falal kale oo la xariira shaqaaqadii xalay iyo maanta ka dhacday Kismaayo, walow ay socdaan dadaalo ay wadaan maamulka Kismaayo sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka J/Hoose Axmed Cabdi Sandheere oo intaa raaciyay iney socdaan baaritaano la xariira shilkii xalay iyo maanta ka dhacay Kismaayo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dil labo nin oo heyb diimeed leh loogu geystay Kismaayo xilli fiidnimadii xalay uu isku day dil ka badbaaday sarkaal halkaa ku sugan oo ka tirsan ciidamada Itoobiya

 

Maleeshiyooyin ku hubeysan hal gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa maanta labo nin oo wadaado ah ku dilay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.

 

Labadan nin ee maanta lagu dilay magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in midkood uu ka tirsanaa shaqaalaha xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee magaaladaasi, halka kan kalena uu ka mid ahaa ganacsatada farmashiyeyaasha ku leh magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in maleeshiyooyinkan ay ka soo kaxeysteen iyagoo ku kala sugan goobahooda shaqo, waxayna ka dib ula dhaqaaqeen meel dibeda ka ah magaaladaasi halkaasoo ay markii dambe ku dileen abaarihii 10:00 subaxnimo ee maanta.

 

Labada in ayaa wax yar ka dib markii la dilay meydkooda dib loogu soo celiyey magaalada Kismaayo oo lagu aasay isla duhurnimadii maanta, waxaana dilkaasi si aad ah uga xumaday dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo oo ku tilmaamay mid waxashnimo ah oo ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban oo ummada Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen maamul beeleedka magaalada Kismaayo iney soo qabtaan kuwii dilkaasi geystay si looga abaal mariyo dembiga ay galeen.

 

 

Lama garanayo ilaa hadda sababaha keenay labadan nin ee maanta lagu dilay magaalada Kismaayo iyo cida dilkooda ka dambeysa, hase ahaatee waxay ku soo beegantay arintani xili fiidnimadi xalay uu isku day dil ka badbaaaday sarkaal ka tirsan ciidamada Itoobiya maalmahanba joogay halkaasi, ka dib markii kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ay fiidnimadii xalay ku tacshiiradeeyeen gaari uu la socday oo marayey bartamaha magaalada Kismaayo lamana oga inuu xiriir ka dhexeeyo iyo in kale dilka labadan nin maanta loo geystay iyo sarkaalkan Itoobiyaan ah ee dill ka badbaaday.

 

Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labo qof oo lagu toogtey Kismayo, wadahadal socda

By

Oct 4, 2007 - 8:24:54 AM

 

 

Allaha u naxariistee waxaa saakay aroortii kooxo hubeysan oo batoolado ku hubeysan dil toogasho ah ugu geysteen bartmaha magaalada Kismayo labo nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo lagu kala magacaabi jirey Yusuf Maxamad Cali oo u shaqeynayey shirkada taleefanada Hormuud iyo Axmad Aadan Muse oo lahaa Farmashiye.

 

Labada Marxuum oo ahaa rayid ayaa maanta barqadii lagu aasey qabuuraha ku yaala agagarka Baar Caleen ee Kismayo halkaas oo dadweyne badan ka soo qayb galeen duugtooda kuwaas oo aad uga xumadey dilka labadan nin oo si aad ah magaalada looga yaqaaney.

 

Yusuf Maxamad Cali iyo Axmad Aadan Muse oo ka tirsanaa beelaha ***** oo daga gobolka Jubbada Hoose ayaan la aqoon waxa uu la xiriiro dilkooda iyada oo wararku sheegayaan in ahaayeen dhalinyaro wadaado ah.

 

Dhowaan ayay aheyd markii magaalda lagu diley Sheekh caan ah oo ka tirsanaan jirey culumada Ahlu Sunna Wal Jameeca kaas oo lagu magacaabi jirey Sheekh Jeylaani Macallin Axmad.

 

Dhinaca kale waxaa jirey xaley weerar uu ka badbaadey sarkaal ka tirsan sirdoonka Ethiopia kadib markii rasaas ay ku fureen kooxo aan la garaneyn.

 

Madaxweynaha DFKMG ah ayaa dhowaan la kulmey odayaal ka tirsan beesha **** isaga oo kala xajoodey sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka taagan gobolka.

 

Warar ka soo baxaya kulankas ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFKMG ah uu ka dalbadey ergadaan in maagalada Kismayo laga saaro Maleshiyadka ku sugan isla markaana la ogolaado sidii maamulkii la eryay dib ugu soo noqon lahaa kadibna la qabto shirweyne u dhexeeya beelaha isku haya gacan ku haynta gobolka.

 

Kulan horey ugu dhexmarey magalada Muqdisho beesha **** iyo ***** ayaa guuldaro ku dhamaadey kadib markii leysku afgaran waayay qodobadii laga wada hadley.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labo qof oo rayid ah oo lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo

 

Kismaayo 04, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Labo ruux oo rayid ah ayaa maanta toogasho lagu dilay duleedka magaalada Kismaayo ka dib markii kooxo maleeshiyo ah ay dadkaasi ka soo qafaasheen gudaha magaalada Kismaayo.

 

Labadaan nin oo ahaa ganacsato ayaa intii aan la dilin ka hor kooxahani maleeshiyaadka ah ay ka kaxeysteen meelo kala duwan oo ka mid ah magaalada Kismaayo.

 

Mid ka mid ah raggaan la dilay oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga watay meel ku dhow xarunta halka midka kalena ay ka wateen wado ku taala magaalada Kismaayo.

 

Raggaan ayaa waxaa lagu toogtay meel duleedka ka ah magaalada Kismaayo, iyadoo wali aan la ogeyn sabahaha ka dambeeya dilka raggaan iyo kooxaha geystay intaba.

 

Laakiin waxaa la sheegay in dilkooda uu salka ku hayo gaari xalay lagu tacshiiray magaaladaasi oo uu ku dhaawacmay darawalkii waday, inkastoo wali aan la xaqiijin.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mas'uuliyiinta beesha **** oo ku aadan arintaan.

 

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka jirey dilal loo geysanayay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, inkastoo ay jiraan dadaalo ay wadaan ciidamada deegaanka oo lagu doonayo in lagu xakameeyo amaanka.

 

www.shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ina'a lilaahi Wa inaa ilayhi raajicuun, may Alah forgive them, ease their family's pain and grant them Janatul Firdowsa, Aamin.

 

Indeed the tragedy is still going on in Kismayo, the JVA thugs that's occopying the city should be condemed for such cruel actions, the indescriminate murder of the innocents, or otherwise must bring forward those responsible and justice have to be served.

 

Where is Horn? Where is the return of peace in Kismayo and the introduction of Sharia, will the perpetraters of this crime be captured and sentensed according to the Sharia? Killing them similarly.

 

Xiin, I too believe I know brother Yusuf, very religious and educated Chap, Ilaahay ha unaxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

I called the city the other night for early Eid and I got a bad news that a prominent Sheikh is shot in the head as he left Taraawiix. May Allah grant him Jannah.

 

Even In the best days of Ramadan, they won't break from their satanic activities.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

May Allaah grant both to his Jannah! I knew Brother Yusuf very well for a long time! He was good student of Quran, and it's quite tragic he would just get slaughtered like that in a daylight...

 

Reading coverages of thier death i am sure the other brother was a good religious decent man!

Ilaahi Janada haa ka waraabio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I do not have any insider info, but according to the media reports rash militias liquidated the said men after they believed them to be sabotaging the peace of the region by deliberately trying to call in the Ethiopians into the region.

 

Alle hau naxariisto waxa la dilay but the intriguing individual of all is this Emporer character. What is the difference between these two men killed in Kismaayo and those multitude of others killed everyday in Mogadishu for firing on Abdullahi Yusuf and the Ethiopians? Adeerow meesha ka dhaqaaq, hadaad is tiri waxay ugu yaraataba raga qosol ka keen, meesha waxaan ku qosolna mataal.

 

It is 6 months and more since the ouster of the marauding militas of Afgaduud and the crime of the city is lowest it has every been in decades. Meesha shareecada Islaamka baa laysku dhaqaa, qofkuna waxuu galabsado ayuu heli. Simple as that!

 

Waxgaradka Beesha **** ee gobollada Jubbooyinka ayaa markiiba waxa ay kulan degdeg ah ku yeesheen guriga nabaddoonka beesha **** ee gobollada Jubbooyinka Maxamed Bashiir Madoobe Yaroow, waxaana ay cambaareeyeen falkaas dilka ah ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, waxaana markii uu kulankaas dhammaaday saxaafadda la hadlay afhayeenka beesha **** Xasan Dheere oo uga tacsiyeeyay eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas la dilay, isaga oo sheegay in ay soo qaban doonaan kuwa falkaas geystay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Adigu tuugada JVA ee calculated assasination-ka sameeya ma inaad difaacdaa markasta even in Ramadaanta, yaab anagaa aragnay! Always finding excuse and being apologetic about the JVA's broad dayligh murders, you compare the capital to Kismayo!... Bal taada iska wado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

but according to the media reports
rash milita
liquidated the said men after they believed them to be
sabotaging the peace of the region by deliberately trying to call in the Ethiopians into the region

Hadee been lasheegaayo, Been 'qurxoon' aa la sheega, and not something saan uu qaawaan. The two shaheeds were killed for aargoosi/revenge purposes. The night before, Muqaawama thorougbreds attacked a convoy carrying a Tigray intelligence officer. Some reports say he bakhti'd in the attack while others say he was severely wounded. Afterwards, in order to take revenge for the attack on the Ethiopian gaal, the dhabodhilifs then sought out these two prominent religious brothers and cowardly assasinated them. This was no 'rash militia' action. This was a dhuli-fied dhabo-dhilif attempt to appease the Ethiopian occupiers "Please don't come to Kismayo...see how we deal with any 'troublemakers'"

 

 

There will be a reckoning, inshallah. The blood of our Culimaa will not be unanswered.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kashafa, adeer I do not think I am swinging from left field if I were to say hardly anyone takes you as a credible source on these matters, and certainly not I, but as I have said, clearly something will be done:

 

Waxgaradka Beesha **** ee gobollada Jubbooyinka ayaa markiiba waxa ay kulan degdeg ah ku yeesheen guriga nabaddoonka beesha **** ee gobollada Jubbooyinka Maxamed Bashiir Madoobe Yaroow, waxaana ay cambaareeyeen falkaas dilka ah ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, waxaana markii uu kulankaas dhammaaday saxaafadda la hadlay afhayeenka beesha **** Xasan Dheere oo uga tacsiyeeyay eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas la dilay, isaga oo sheegay in ay soo qaban doonaan kuwa falkaas geystay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this