Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Gancsade Eenow oo beeniyey inuu amray in Janaral Morgan ka baxo Jowhar

Recommended Posts

Ganacsade Eenow oo beeniyey inuu amray in Janaral Morgan ka baxo gobolka Sh. Dhexe

By Eenow Posted to the web 03-03-2004, 11:37:13

 

Jawaab celin maqaalka ku soo baxay Hiiraan on-line 29 february 2004, kuna saabsan kabixid General Morgan ee Gobolka Sh-Dhexe.

 

Waxaa mahad-weyn ah in Somalida ay heshay warbaahin kala duwan oo wararka gudaha iyo dibeddaba ay kala socdaan sida Internetka. Hase ahaatee waxaa nasiib daro ah in qaarkood loo adeegsado si qaldan, lagana baahiyo warar ku tiri kuteen ah ama been abuur ah oo isku dira dadka walaalaha ah.

 

Hiiraan on-Line waxaan moodi jiray inay tahay khadadka ugu macquulsan internetkska jira ee afsomaliga ku soo baxa balse nasiib daro hada waxay bilawday inay faafiso warar been abuur ah ama isku *** dad walaala ah sababta oo ah waxay dhawaan soo qortay maqaal been abuur ah oo ay ka soo xigatay wariyahooda Dhaqane Cilmi Tawaada, kaasoo sheegay inaan anigu amray inuu General Morgan uu ka baxo Gobolka Shabelladda dhexe.

 

Waxaan rabaa wariyaha beenta soo tebiyay iyo tifatirayaasha Hiiraan-on-line intaba waxaan usheegaa inuu yahay warkaasu been aan salyo raad lahayn, balse sumcadiina kaliyah aad wax u dhibteen oo hada ka dib dadka ay ka fiirsan doonaan maqaaladiina.

 

Waxaan kale oon idin xasuusinaa in aan anigu dagaal-ooge ahayn, balse aan ahay

shaqsi Somaliyeed oo ganacsade ah, nabadana jecel aaminsanahayna qofkasto oo Somali ah inay u furantahay wadanka meeshuu rabo inuu tegi ama ku noolaankaro, weliba aan ka soo horjeedo dadka sheeganayo gobolladda ee xoogga ummadda ku heysto.

 

Hadaba waxaan jeclaan lahay in maqaalkaas aad saxdaan, ummadana u macnaysaan qaladka dhinaciina ka dhacay.

 

 

Abdulkadir M. Nur (Eno)

eno10@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this