Sign in to follow this  
AfricaOwn

Taci- Berbera Mayor laid to rest

Recommended Posts

Taariikhda Maayarka Berbera Marxuum Siciid oo Kooban

 

Kuma ayuu ahaa Siciid Daa’uud Cilmi?

 

Alla ha u naxariistee Siciid Daa’uud Cilmi waxa uu ku dhashay Magaalada Berbera sanadkii 1954 kii, waxaanu ku barbaaray Berbera oo ku dhameystay waxbarashadii Dugsiga Hoose & Dhexe, Waxbarashadii Dugsiga Sare waxa uu ku qaatay boodhinkii Magaalada Sheekh, Marxuumku waxbarashada Jaamacada waxa u tagay Dalka Hindiya halkaasi oo uu kusoo Bartay Cilmi Dhaqaalaha.

 

Xiliyadii hore wuxu ku noolaan jiray Wadanka Sucuudi Areebiya halkaasi oo uu ka soo laabtay isla markaana waxa uu dalka ka bilaabay baayac mushtar isagoo Markii danbena Marxuumka ka qeyb galay Doorashada golayaasha Deegaanka Dalka taasi oo qabsoontay sanadkii 2002 tan & waqtigaas marxuumka waxa uu ku hawlanaa Arimaha siyaasada Isagoo ka dhexmuuqday Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera in badan loolan ugu jiray Hogaanka Golaha, Waxaanu nasiib u helay inuu noqdo Maayarka Magaalada Berbera & Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera loo doortay 11.March.2006 waxaanu ahaa Maayarkii sedexaad ee Golaha Deegaanku doorto intii uu jiray.

 

Marxuumku waxa uu ku guulaystay dib u habeny uu ku sameeyey Golihii deegaanka oo aad u kala daadsanaa waxaanu helay kalsoonida xildhibaada Golaha Deegaanka Berbera iyadoo Maayarka ay Berbera ku xasuusan doonto dib u habeyntii uu ku sameeyey Wadooyinkii Magaalada Berbera iyo Dhismihii Wadada isku xidha Madaarka & Magaalada Berbera, waxa kaloo aan la ilaawi Karin deyntii Dawlada Hoose ay ku lahaayeen Ganacsatadu oo uu bixiyey, deyntaas oo ay ka tageen Maayaradii uga horeeyey xilka.

 

Gudoomiye Siciid Waxa lagu xasuusan doonaa Shakhsiyda diinta ku wanaagsan oo taqi ah, hadal adag oo aan la gaban hadalka wuxu jeclaa danta guud iyo u adeegida bulshada khudbadihii lagu xasuusan doono waxa kamid tii u ka jeediyey Salaadii Ciidal fidriga oo reer Berbera kaga codsaday in la ilaaliyo dhismaha maxjarka isagoo ku tilmaamay inay tahay faa’iido Berbera u hadhaysa waxa uu si aan gabasho lahayn ugu hadli jiray dayaca Magaalada Berbera.“May ahayn in maanta Berbera qof iska caadi ah uu ugu deeqo ambalas laakiin Berbera markale ayey ka helaysaa abaalka ay ku leedahay Somaliland iyadoo ah xaruntii dhaqaalaha ayaanay lahayn ambalaas sedexdii sano ee u danbaysay halka Gobolada kale lagu wato kuwa boodaya waxaan aad ugu mahadnaqaya gabadhaas ambalaasta ugu deeqday Berbera dar illaahay rabbi ayaa ka abaal marinaya” waxay kamid ahaayeen Hadaladii Marxuum Siciid Daa’uud Cilmi ka jeediyey xaflad uu kula wareegay ambalaaskii u horeeyey ee Cisbitaalka Berbera yeesho sedexdii sano ee la soo dhaafay oo ay ugu deeqday Gabadh reer Saaxil ah oo Degen Kenya, maantana illaahay amarkii waxay leedahay labo ambalaas.

 

Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Somaliland waxay labaduba isku raaceen waxqabadkii Marxuumka iyagoo amaan badan ugu soo jeediyey Wadada Madarka Berbera safaradii ay ku yimaadeen Magaalada Berbera.

 

Cabdale Maxamed Sandheere oo marxuumka ka hadlay ayaa yidhi “Wuxuu qabtay wax aanu qaban kari waynay labayadii Maayar ee ka horeeyey waxaanu ahaa nin muwaadin ah oo jecel Berbera horumarkeeda iyo wax u qabashadooda”

 

 

maayarkaBerbera5.jpg

maayarkaBerbera.jpg

maayarkaBerbera3.jpg

maayarkaBerbera4.jpg

MaayarkaBerbera1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this