Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Road Construction between Burao and Erigavo - A Great move by locals

Recommended Posts

Ceerigaabo (HWN) Tan iyo Waqtigii gumaystaha ayaa hadal haynta dhibaatadda wadada isku xidha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag iyo Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ahayd dhibaato soo jireen ah oo aan wax lataaban karo laga qaban.

 

1960 ka hor ayaa wadadaas gumaystihii ingiriisku ka samayey Marin Carro Tuur ah , oo dhaantay hadda xalada ay tahay wadadani, oo gaadiidka kala gooshi jirey xiligaas, kuwaas oo qaadi jiray badeecadaha kala duwan ee gobolku u baahan yahay.

 

Carro Tuur waqtigaas la samayey ayaa gabi ahaanba Burburay, iyadoo gaadiidkiina ka diga rogtay wadadaas, meelaha qaar ayaa laga dareemi karaa khadkii wadada ingiriisku dhigay oo aan haatan la’is ticmaalin maalin, iyadoo waqtigaa ahayd wado fiican oo dhibta gaadiidku kala kulmi jiray ay yarayd.

 

Gobolka Sanaag waxa ku xidhnaa ganacsato farabadan oo badeecado kaladuwan kaasoo qaadijiray xeebaha gobolkaas gaar ahaan magaalooyinka Xiis iyo Maydh oo ahaa xaarumo ganacs, marsooyinkan gobolka xeebihiisa ku dherernaa ayaa badeecadaha kasoo degi jiary, gaadhi jireen gobalada dalka oodhan iyo waliba wadamo katirsan Geeska Afrika.Gebi ahaanba goobahaas ayaan hadeer wax ganacsi ahi kajirin.

 

Ganacsatada gobolka Sanaag ayaa haatan kalasoo dega badeecadahooda magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso taasi waxa ay keentay inay gaadiidka kusoo fool leh gobolka ay dhib badan kala kulmaan wadoonka udhaxeeye Ceerigaabo iyo magaala ganacsiyeedka uu gobolku haatan ku xidhan yahay.

 

Hay’adaha deeqda bixiya ee dalka ku sugan ayaa ku andacooda inay sabab utahay wax yaabaha ay deeqaha ugaadhsiin waayaan ay ugu wayntahay wada la’aanta,deeqa aad utirabadan ayaa soo gaadha dalka kaas oo xukuumada ku guul daraysatay inay hay’adahaas ku cadaadiso samaynta wadada isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo.

 

Waqtiyada ugu daran ee ladareemo dhibaatada wadada ayaa ah xiliyada ay roobabku ka hooraan gobolka gaar ahaan xiliyada guga iyo dayrta.waqtigaas ayaa gebi ahaanba waxa xanibma gaadiidka ukala goosha magaalada Ceerigaabo iyo magaaloyinka kale ee ay gaadiidku uga soo qaadan badeecadaha gobalka,sidoo kale xilayadaas waxa cirka isku shareera ascaarta wax walibana qaali ayaay noqdaan arintaas oo ay sababtay hakadka ku yimaada gaadiidka badeecadaa kala waarida.

 

Sanadkii 2002 ayaa hay’ada shaqaalaha aduunka ee magaceeda layidhaaho International Labour Organization (ILO) ay ka bilowday mashruuc lagaga shayqaynayo wadada, barnaamijkan oo laga bilaabay saddex goobood oo kala ah duleedka magaalada Ceerigaabo, tuulada Yufle oo 18km ujirta magaalada Ceerigaabo iyo magaalada Ceel-afwayn oo iyana kadurugsan isla magaalada Ceerigaabo 90km.

 

Hay’adu waxay barnaamijkan oo wadada lagu dhigaayo carro tuur dib ugu bilawday gobalka horaantii sanadkan aynu kujirno ee 2009-ka gaar ahaan labo gobood oo kala ah magaaladda Ceerigaabo iyo tuulada Yufle.

 

Waqtigan xaadirka ah ayaa meelihii shaqada ay ka fulisay hay’adani iyadoo kaashanaysa maamulada dawladaha hoose ee deegaanadaas ayay yihiin meelaha ugu ladan ee gaadiidku si dhibyar umari karo lagana dareemi karo in wax laga qabtay.

 

Si kastaba ha ahaatee arinta dadwaynu aaminsan yahay ayaa ah in wada xaumadu tahay Aafada ugu daran ee gobolka Sanaag haysata.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

InshaAllah, when we have a government of national union, a much-needed focus on infrastructure projects shall be possible.

 

Btw, there have been similar major road works done through a voluntary and non-voluntary basis in Buraan area in the south and the northern mountaineous Geeldoora road of Sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this