Sign in to follow this  
Siciid1986

Gobolka Sanaag ayaa raxmadii roobku ku hoortay kadib markii abaaro ba’an laga ....

Recommended Posts

Gobolka Sanaag ayaa raxmadii roobku ku hoortay kadib markii abaaro ba’an laga soo doogay

 

roob2.JPG

 

Ceerigaabo-(Sanaag.org) Gebi ahaanba dalku wuxuu soo maray xaalaado ba’an oo abaaro ah kuwaas oo saameeyey naf iyo maalba,dad aad utira badan oo xoolo dhaqato ah ayaa saben xumaadkii abaaruhu sababeen inay xoolahoodii ka madhaan oo ay caydhoobaan kadibna soo galaan magaalooyinka si ay ugu badbaadiyaan naftooda.

Gaar ahaan xooladhatadii gobalka sanaag ayaa miciinsaday waqtigii abaaruu dheceen buuraha kaymalayda ah ee silsilada golis,si ay xoolahooda wixii abaaraha kabad baaday ay uga raadiyaan baad iyo biyo,- waqtigaa xooolaha ayaa ka sinmay dhimashada waxana yaraaday neef mac oo saylad lasoo taago .

Salaadaha rabi bariga ah ee roobdoonta ah ayaa magaalo walba laga tukan jiray iyadoo si is daba jooga wajibaadka loo gudanayo kadib markii cirka dhibic laga waayay .wadada u dhaxaysa magaalada ceerigaabo iyo Burco, ayaa gadiidku sigan jiray inuu boodhka ku dhaabmo abaaro awgood, Xooluhuna ay gabi aahan ka hayaameen jiidaahaas oo biyo laa’antu waqtiga abaaraha u dheertahay.

Raxmada ilaahay lagama quustee xili uu dadku yidiidilo beelay ayaa roobabkii cuurteen dhamaan gobolda jamhuuriyada Somaaliland marka laga reebo meelo yar oo sida ilo xogogaali sheegayaan aan wali roobab fiicani ka di’in.

 

Magaalada Ceerigaabo ee xaarunta goboka Sanaag ayaa waxa kada’ay roobab laxaadkooda iyo biyahoodu aanay ka di’in mudo laga joogo 12 sano , roobabka oo kada’ay degmada Ceerigaabo bishii October ee 2009-ka, raxmadan ayaan degmooyinka kale gobolku laqabin degmada Ceerigaabo,gaar ahaan degmooyinka bariga sida Badhan Laas-qoray iyo Dhahar,sidaa waxa shabekada wararka ee Sanaagnews u xaqiijiyey Cabdiqaadir Maxamed Ibraahim oo katirsan degmada Badhan ee bariga gobolka sanaag wuxuuna sheegay in waqtigan degmooyinka barigu ay weli ku jiraan xaalad biyo dhaamis,xoolaha iyo dadkuba waxay la’il daran yihiin abaarihii lasoodhafay oo wali degmada wax roobab ah lagu mahayo,ayuu yidhi.

C/qaadir waxa uu intaa raaciyay dadkii abaaruhu barakiciyeen kumay soo laaban degmada Badhan iyo waliba degmooyinka kale bariga gobolka sanaag,dedkii deegaamadan waxay ubara keceen meelo ay kamitay degmada Ceerigaabo oo masaafo dheer noo jirta ayuu yidhi.

 

Iyadoo soo guurtadii badan koodii ku kala laabteen degaamadoodii ayaa waxa jir wali dad aan xarumahoodii wax roobab ahi ka di,in, oo olihii degaamadaasi ay6 wali dulsaar ku yihiin degaamo kale sida dadkii ka soo guuray bariga gobolka Sanaag.

 

Si kastaba ha ahaatee Gobolka Sanaag ayaan raxmadda Roobabka kawada sinayn oo meelaha Qaar ayaan raxmada roobabku ku dul Hogan sida ila xogo gala oo war galeen noo xaqii jiyeen, iyadoo degmooyinka qaar lagu jiro xaalad barwaaqo sida degmadda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

 

 

Cumar Siciid Nuur

 

Sanaagnews.com/office

 

Ceerigaabo/Somaliland

 

http://www.sanaag.org/details.asp?id=1222&dt=news

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this