Sign in to follow this  
Meiji

Kismanyo: Religious warlords declare ''Jihad'' on eachother!

Recommended Posts

Meiji   

Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Ciidamada Ururka Xizbul Islaam ee ku sugan magaaladaas

 

Arbaco, September 30, 2009(HOL): Afhayeeenka maamulka Islaamiga ah ee magalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa saaka shaaca ka qaaday in ay dagaal ku qaadi doonaan ciidamada uu wato Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo muddooyinkii ugu danbeyay ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo.

 

Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu wado dagaal ku saleysan hab beeleed isagoona ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo in ay ka qeybqaataan dagaalkaasi uu ku tilmaamay in uu yahay mid jihaad ah isla markaasina lagu difaacayo sida uu u yiri diinta iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Kismaayo.

 

Sidoo kale Shiikh Xasan Yacquub ayaa ku celceliyay in ay bilaabi doonaan dagaalka isagoona ku adkeeyay dadka shacabka ah in ay ka qeyb qaataan dagaalkaasi, isagoona ku hanjabay in saacadaha soo socda aysan ku wada sugnaan doonin iyaga iyo Ciidamada uu hoggaaminayo Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)

 

Sheekh Xasan Yacquub ayaa ugu dambeyntii waxa uu sheegay in tan iyo intii ay soo galeen gudaha magaalada xoogagga uu horkacayo Axmed Madoobe ay dadka shacabka ahaa ka tageen waxyaabo badan oo diini ah oo horay ay maamulku u fareen, wuxuuna tusaale u soo qaatay gabdhaha muslimka ah oo uu sheegay in ay gabi ahaanba dhigeen dharkii asturnaa iyo xijaabadii, tuugada iyo dilalka oo ku soo batay gudaha magaalada iyo waxyaabo kale oo aan waafaqsanayn ku dhaqanka shareecada islaamka waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Hadalkani maanta ka soo yeeray afhayeenka maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa ku aadanaa dagaal ka dhan ah xoogagga Xizbul Islaam ee ku sugan gudaha magaalada Kismaayo uu ku soobeegmayaa xilli dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xooggan laga dareemayo gudaha magaalada, iyadoo saaka albaabada la isugu dhuftay dhamaan goobihii waxbarasho, kuwii ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqii magaalada ee la xiriiray dhaqdhaqaaaqa bulshada.

 

Waxaana iminka ay magaaladu gashay gabi ahaanba xiisad kacsanaan iyo jawi colaadeed ah, ayadoo la dareemayo diyaargarowga iyo tallaabooyinka militari ee ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Let the religious pretenders expose their hypocricy and warlord tendencies.

 

 

Soon or later, they will battle in Gedo, Baay/Bakool, Hiiraan, Banadir, Middle Shabelle and the Somali nation shall see that they are no different than the previous power-hungry thugs!

 

The only thing keeping the unholy alliance intact is their opposition to the foreign-created regime. Once that unifying opponent leaves the scene, the alliance of convenience will break apart and the religious warlords will fight each other.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Maamulka Islaamiga ee Kismaayo oo shacabka Magaaladaasi ugu baaqay in ay iska difaacaan weerar uu sheegay in uu soo qaaday Sheekh Axmed Islaam.

Posted: 9/30/2009 11:50:00 AM

 

Shabelle: KISMAAYO

Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa shacabka Magaaladaasi waxaa uu ugu baaqay in ay iska difaacaan dulmi uu sheegay in uu ku hayo Sheekh Axmed Islaam oo ka mid ah garabyada hubaysan ee halkaasi ku sugan

 

 

 

Afhayeenka Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo Saakay la hadlayay Idaacada Andulus ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu Walaalayada Islaamiga ee ka arimisa gobolada Jubooyinka uu ugu baaqay in ay difaacdaan maamulkooda mudada sanadka ah ka soo jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

 

 

Sheekh Xasan Yacquub ayaa hadalkiisa waxaa uu ku weeraray Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Madoobe) oo ka mid ah saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ee jooga Magaalada Kismaayo,waxaana uu ku eedeeyay in haatan wado qorshayaal qabiil taasoo uu ku doonayo in lagu bur buriyo walaayada islaamiga ee Magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

“Waxaa la rabay Qoryaha ay wataan hadii ay qoryo masulimiin yihiin oo kuwa shareecada islaamka lagu difaacayo yihiin in ay ku jiihiiyaan Xaduudaha ay ka soo kaceen ee dhooblay iyo kuwa kale oo ay dhoobanyihiin kuwii nasaarada ahaa”ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub Cali.

 

 

 

Waxaa uu tilmaamay in hadii aan la difaacin shacabka Magaalada Kismaayo in ay dib u soo laaban doonto dhibaatooyinkii horay magaaladaasi ugu taagnaa taasoo uu sheegay in shacabka lagu xasuusinayo burcadnimadii ka jirtay Magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay isagoo intaasi ku daray in arinka haatan la hurinayo uu yahay arin qabiil.

 

 

 

Sheekh ayaa waxaa uu tilmaamay in arintaani ay go’aan ka tahay Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo isagoo shacabkana u sheegay in hadii ay is garab taagi waayaan ay iyagu ka go’antahay in ay dagaalamaan oo ay isdifaacaan.

 

 

 

Afhayeenka maamulka islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ku eedeeyay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) in uu bur burinayo Maamulka Islaamiga ee ka jirta Magaalada Kismaayo.

 

 

 

Marka laga soo tago baaqaan isdifaacida ee ka yimid maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ay sheegayaan in saakay la kala diray dhamaan ardaydii iskuulaadka ku yaala magaalada Kismaayo iyadoo laga cabsi qabo dagaal saakay halkaasi ka dhaca.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Maamulka hore ee magaalada Kismaayo oo ku baaqay Dagaal ka dhan ah Ururka Xizbul Islaam

Posted to the Web Sep 30, 09:29

 

 

Kismaayo:-Afhayeenka Maamulkii hore ee Magaalada Kismaayo Xassan Yacquub ayaa waxaa uu saaka weerar aflagaado ah ku qaaday Sh axmed Madoobe oo ah madaxda Ururka Xizbul Islaami isagoo ku tilmaamay nin qabiil u adeegaya arinkaas oo Saraakiisha Ururka Xizbul Islaam ee ku sugan Magaalada Kismaayo ay aad ula yaabeen.

 

 

Afhayeenka Maamulkii hore ee Magaalada Kismaayo Xassan Yacquub Cali ayaa waxaa uu saaka la hadlay idaacada ay leeyihiin kooxda Al-shabaab oo ku taal Kismaayo laguna magaacbo Andulus isagoo ugu baaqay Walaayaadla juboyinka iyo dadweynaha ku dhaqan Kismaayo in ay difaacaan maamulka Kismaayo arin kaas oo ay saraakiisha Ururka Xizbul Islaam ay ku sheegeen daandaanis iyo dagaal lagu baaqayo oo aan ciribtiisa laga shalaayi doono

 

 

Afhayeenka Al-shabaab Xassan Yacquub ayaa yiri “Axmed Madoobe ciidanka iyo Qorayaha uu wato muxuu ugala yimid xuduuda dalka Soomaaliya hadii wax loo socdo diin tahay maxaase loogu difaaci waayey meelaha gaaladu dhooban tahay”. haddii aan la difaacin magaalada Kismaayo iyo maamulkeedu waxaa ay Kismaayo ku laaban doontaa waqtigii burcadnimada iyo dhac.

 

 

Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Maamulkii hore ee Magaalada Kismaayo Xassan Yacquub Cali ayaa waxaa aad ula yaabay ganacsato iyo odayaal ka dhex dhexaad ka waday xoogagga Islaamiyiinta arinka ayaa laga baqayaan in dagaal uu ka dhex huriyo xoogagga Islaamiyiinta maadaam Al-shabaab ay jabiyeen balantii ay la galeen Odayaasha iyo ganacsatada magaalada Kismaayo.

 

Wixii faah faahin kala soco Halgan.net

 

Halgan.net

Cabdi Yare

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Afhayeenka Al-shabaab Xassan Yacquub ayaa yiri “Axmed Madoobe ciidanka iyo Qorayaha uu wato muxuu ugala yimid xuduuda dalka Soomaaliya hadii wax loo socdo diin tahay maxaase loogu difaaci waayey meelaha gaaladu dhooban tahay”.

The same question can be asked to the extremist Alshabab.

 

Why did they not fight in Ceel-Gaal/Jawiil/Dho obleey (border-towns) and are they preoccupied with taking over Ceel Buur and Ceeldheer (Galgaduud)?

 

Why were they preoccupied with taking over M.Shabelle that had an Islamic administration instead of focusing on the AMISOM presence in Mogadishu?

 

The same reasons they have brought forward yesterday, can be brought forward by Xisbi Islam in their drive to take over Kismaanyo port-city.

 

ITS ALL ABOUT POLITICAL POWER, RELIGION IS THE CONVENIENT VEHICLE SOME PRETENDERS WANT TO USE TO ATTAIN THAT POWER. THE OLD VEHICLE CLAN WAS INEFFECTIVE THUS THE NEED FOR THE RELIGIOUS VEHICLE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

War deg deg ah: Maamulka Islaamiga Kismaayo oo yeeriyay seerigii dagaalka iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka bilowday

 

Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa goor dhow ku dhawaaqay dagaal ay la galayaan Ciidamada uu wato Sheekh Axmed Islaan oo ay ku tilmaameen nin qorsheynaya inuu bur buriyo Maamulka Islaamiga Kismaayo.

 

Sheekh Xasan Yacquub ayaa goor dhow Idaacada Andulus ee ku hadasha Afka Xarakada Alshabaab ka yeeriyay seeriga dagaalka, isagoo sheegay in lama huraan tahay in dagaal la galaan Sheekh Axmed Islaan oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam.

 

"Ninkaan Axmed Madoobe la yiraa, wuxuu magaalada ka bilaabay qas iyo fowdo, ciidamadiisana waxay dib ugu celin rabaan burcadnimadii, sidaas darteed wuxuu maamulka go'aansaday inuu la dagaalamo"ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

 

Xasan Yacquub ayaa ku eedeeyay Sheekh Axmed Madoobe inuu hab qabiil wax u wado, isagoo sheegay in deegaanadiisa uu uga soo tagay bur burinta Maamulka Islaamiga.

 

Waxaa uu ugu baaqay Ururka Xisbul Islaam in aysan ku taageereyn tallaabooyinka uu wado Axmed Islaam isla markaana aysan garab siin, waxaana uu ku hanjabay in dagaal ay la galayaan.

 

Kadib markii hadalka Xasan Yaqcuub magaalada laga maqlay ayaa durba waxaa bilowday dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow dagaal, iyadoo gebi ahaanba ay xirmeen isu socodkii gaadiidka, waxaana la kala fasaxay Ardaydii Iskuulaadka magaalada.

 

Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jirta Kismaayo ayaa ah mid aan ka fursan karin dagaalo ka dhex dhaca Islaamiyiintii markii hore ku mideysneyd dagaalkii Kismaayo, hase ahaatee isku qoomay Kheyraadka Magaalada.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
kyz   

Meiji, situation is not black and white it dark black& light black.

Alshabaab is dark black, that means they are terrorist, irreconcilable, and they take their orders direcly from ninkii assaga ahaa toora boora :D .

xisbul islam ak , caanole, raascanboni are lighter blak , although they are exrimest hardliners, thay can be dealt with because their motivations are politics they want have their say in the afairs of the country and that is fair enough , therefore I see this fight as blessing in diguse, it is good news for the goverment and all peace loving people this will weaken the islamist and they will forced to negotiate from position of weakness .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Other religious warlord camp talk back!

 

---

 

Ururka Xisbul islaam oo shaaca ka qaaday in hadii dagaal uu ka qarxo Kismaayo uu wada saamaynayo deegaanada ay ku wada suganyihiin iyaga iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

Shabelle: MUQDISHO

Ururka Xisbul islaam ayaa goordhow shaaca ka qaaday in hadii dagaal uu ka qarxo magaalada Kismaayo uu ku faafayo deegaanada ay ku wada suganyihiin iyaga iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

 

 

Afhayeenka Golaha Shuurada Ururka Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Cadoow oo shir jaraa’id qadka taleefanka ugu qabtay bahda warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Ururka Xisbul Islaam uu cadeynayo hadii dagaal uu ka qarxo magaalada Kismaayo uu saamaynayo dhamaan goobaha ay ku wada suganyihiin ciidamadooda iyo kuwa xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

 

 

Sidoo kale Sheekh Ismaaciil Cadoow ayaa waxaa uu tilmaamay in mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo uu guuxeedu ahaa in xisbul Islaam uu ku biiro Xukuumadda Sheekh Shariif ama Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ama uu ka mid noqdo Shacabka,waxaana uu intaasi ku daray in hadalada magaalada Kismaayo ka soo baxayo ay u muuqdaan mid loogu baaqayo in ay hubka iska wareejiyeen Ururka Xisbul Islaam islamarkaana uu yahay arin aan u cuntamayn.

 

 

 

Afhayeenka golaha Shuurada Ururka Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Cadoow oo hadaladiisu ay u muuqdeen in uu ka digayay in ay dhacaan qatarahaasi ayaa hadana waxaa uu tilmaamay in hadii ay u fursan waayaan naftooda ay ka xigaan in ay is daafacaan.

 

 

 

Hadalka ka soo baxay Ururka Xisbul Islaam ayaa u muuqda in uu imaanayo waxyar ka dib markii Afhayeenka Maamulka Islaamiga ee Kismaayo uu ku baaqay dagaal is difaacid ah oo ka dhan ah Sheekh Axmed Madoobe oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam ee ku sugan Magaalada Kismaayo.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Hisbul Islam Threatens All Out War Against al-Shabaab

 

Hiiraan Online

Wednesday, September 30, 2009

 

 

MOGADISHU (HOL) - In a press conference via telephone, the spokesman for the Consultative Committee of Hisbul Islam Sheik Ismail Haji Adow told reporters in Mogadishu that if a war breaks between Hisbul Islam and al-Shabaab forces in Kismayo, the war would not be limited to the city of Kismaayo but instead would affect all the regions the two groups control jointly.

 

Sheik Ismail said that recent reports from Kismayo (al-Shabaab) said that Hisbul Islam choose between joining the Transitional Federal Government (TFG) or al-Shabaab or disarm and become civilians. The spokesman added that if their forces are attacked, they will defend themselves but that their forces are not interested in attacking al-Shabaab forces.

 

The comments from the spokesman for Hisbul Islam follow this morning’s announcement by a spokesman from the administration that controls the city of Kismayo Sheik Hasan Ya’qub Ali who said that al-Shabaab forces will attack Hisbul Islam forces in Kismayo.

 

Lately there has been disagreement that increasingly has become heated between Hisbul Islam and al-Shabaab over the future of the strategic port city of Kismaayo.

 

HOL is closely following the situation and will post any update as soon as possible.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Are they fighting yet and who is right?

(Yeah, yeah, I know nobody is right but just humour me and tell me who is in the wrong here).

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ :D (you are thick).

I asked you to humour me, you oaf. These reports must have at least stated who was the aggressor in this instance. Was it Al Shabab or was it Hezbu-el-Islam?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by NGONGE:

(Yeah, yeah, I know nobody is right but just humour me and tell me who is in the wrong here).

War kuwi mesha jogey ma aragtey, inti lo yimid ayey cararen. Dabadeed wey so laba kacleyeen , hada kuwi dulanka aha aya cararaya. And they are both right cause they are 'mujahiids'.

I hope you are amused.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Horaan kuu sheegay, if my own mother died in a funny way, I would still be amused. Taa ka soco and lets focus on Kismayo. Al Shabab were in control but they refused to let the other boys have a chunk of the booty, right? He who fires the first bullet must be in the wrong (regardless of your disagreement with their overall ideas).

 

But, what would this mean for Somalia? Positive news? Bad news? Too early to say?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this