Sign in to follow this  
Jacaylbaro

71 Somalilanders Graduate from India

Recommended Posts

Hydrabad (Somalilandpress) — 71 Arday oo ka mid ah Ardayda reer Somaliland ee wadanka Hindiya Waxbarashada ugu baxay ayaa ka Qalin-jebiyay Jaamacadaha Wadankaasi, iyaga oo bartay Culuunta kala duwan ee ay ka mid yihiin Dhaqaalaha (Commerce), Barashada Culuunta Computerka (Computer Science), Habka Baadhitaanka Caafimaadka (Medical Laboratory), Culuunta Barashada Siyaasada (Political Scince), Injineernimada iyo Culuun kale oo tiro badan oo wadanku aad ugu baahan yahay, baahiyo badana ****oli doonta marka ay soo guryo-noqdaan.

 

Tirada Ardaydan Qalin-jebisay oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee Arday reer Somaliland ah oo ka soo qalin-jebiya Jaamacadaha Hindiya, ayaa waxa loo qabtay Munaasibad aad u qurux badan oo Shahaadooyinka lagu gudoonsiiyay, Ardayduna ugu dabaal-dageen dhamaystirka Culuuntooda, xafladaasina waxay ka dhacday magaalada Hyderabad Hoteel ku yaala oo loo yaqaano TajBajira oo ah Hoteelka ugu wayn wadanka Hindiya.

 

Hoolka ay Munaasibadani ka Dhacday ayaa sida Sawirada ka Muuqata waxa lagu Xardhay Calanka Somaliland, iyada oo Gidaaradana la Sudhay Sawirada 3 Madaxweyne ee soo Maray Somaliland oo Laba ka mid ah Geeriyoodeen Alle ha u naxariisteen Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo waliba Madaxweynaha wali xukunka talada wadanka haya ee Daahir Rayaale Kaahin.

 

 

Hadaba Warbixinta Xafladaas oo Somalilandpress si gaar ah u soo gaadhay ayaa waxa ka waramaya Axmed Aw Jaamac oo ka mid ah Ardayda Qalin-jebisay waxaana uu ku bilaabay warbixintiisa: “Xafladu waxay ku bilaaban tahay jawi dagan oo si heer sare loo soo agaasimay, waxaanay ka dhacaday Hotelka Taj banjira oo ah hotelada ugu sareeya dalkan India, kuna yaala magaalda Hyderabad, waxa xaflada bilaabay oo xidhiidhiyaha xaflada ahaa Mr Xasan Cabdiqadir Kaarshe, oo Micrafoonka ku soo dhaweeyey professorada ka socday jaamacadaha ay ka qalin-jabiyeen ardaydan, marka hore waxa stageka lagu soo dhaweeyey The new Vice-Chancellor of Osmania University T.Tirupati Rao. Waxa mar labaad Micrafoonka lagu soo dhaweeyey principilada cellegeyada kala duwan ee Osmania University oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

 

Hadaba sidii caadada ahayd waxa lagu bilaabay xaflada Quraanka kariimka ah oo uu akhriyay sheekh Cabdiqani Cabdilahi, ka dib waxa si sawaxan ku jirto oo xamaadaysan lagu soo dhaweeyay stageka vice chacellor of osmania oo halkaa ka soo jeediyay Khudbada aad u wada taabatay ardayda taaas oo uu kaga hadlay muhiimada ay waxbarashadu leedahay iyo siyaabaha looga faa.iidaysto, Mr T.Tirupati Rato isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay ay yihiin Ardaydani kuwo leh mustaqbal ifaaya. waxa uu yidhi waxaad tihiin madaxwaynayaashii iyo safiiradii beri ee dalkiina Hooyo, waxa uu ardayda ku booriyay in ay waxbarashada sii wataan oo ay ka gaadhan heer sare ilaa P.H.D, isla markaa waxay ardaydii qalin jabinaysay isku dartay sacab iyo sawaxan iyagoo ay ka muuqatay ardayda runtii shucuur aad u saraysa oo ay ku faraxsanaayeen sida ay hadafkooda u gaadheen.

 

Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Osmania Mr T.Tirupati Rato

 

Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Osmania Mr T.Tirupati Rato

 

Hadaba Mr T.Tirupati Rato waxa uu yidhi (Marna ilaawi mayno arday kasta oo wax ka bartay jaaamacadan Osmanai liiskaygana waa noogu jiraa idinkuna hana ilaawina,

 

ka dib Mr Xasan waxa uu stageka ku soo dhaweeyay mar labaad Mr T.Tirupati Rato si uu ardayda u gudoonsiyo shahaadooyinka, isla markaa ardaydii ayaa mid-mid loo gudoonsiiyay shahaadooyinkii;

 

Iyadoo xafladu badhtanka markaysa, Khudbado badan ay soo jeediyeen principalada collegeyada ay ardaydu dhigato ka dib stageka waxa lagu soo dhaweeyay Mr Baashe Maxamud Faarax

 

 

Mr baashe waxa uu soo jeediyay Khudbadan ku saabsan Jamuuriyada Somaliland iyadoo professorada halkaa joogay inay yidhaahdaan Republic Of Somaliladn Hindidii qaarkood ay ku adkaatay markii ay khudbada soo jeedinayeen. Laakiin iyada oo ay ku adagtay ay lahaayeen, Somaliland si hagar la’aan ah, ardayduna markay maqlaan somaliland ay sacabka tumayeen.

 

Masuuliyiintii ka qayb-galay Xaflada oo u taagan Dhegaysiga Telefoonkii Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada Somaliland Maxamuud Garaad Jaamac

 

Masuuliyiintii ka qayb-galay Xaflada oo u taagan Dhegaysiga Telefoonkii Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada Somaliland Maxamuud Garaad Jaamac

 

Markay saacadu ku dhawayd Tobankii Habeenimo waxa khadka Telphoneka soo galay Wasiiruhu Dawlaha Wasaaraada Waxbarashada Somaliland MD Maxamud Garaad Jaamac. Wasiirku waxa uu markii ugu horaysay ardayda ugu hanbalyeeyay xafladooda Graduationka ee ay ugu dabal dagayeen,

 

waxa uu wasiirku sheegay in uu dalkii u baahan yahay arday wax baratay oo leh xirfado kala duwan,

 

waxaanay ardaydu aad iyo aad ugu bogeen hanbalyada Wasiirka maadama uu matalayay shacbi waynaha Somaliland. Wasiirku waxa u halkaa ardayda ku siyay waano iyo dardaaran ku saabsan ardayda si ay aqoonta ay barteen ugu faa’iideeyan dalkooda hooyo.

 

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Oday Maxamed Cumar Guuled oo halkaa ka soo jeediyay talo iyo tusaalooyin ku saabsan waxbarashada, kuna guubaabiyay ardayda inay dalkoodii hooyo ku taageeran aqoonta ay ka barteen qurbaha.

 

waxaa halkaa lagu soo bandhigay madashaas Riwaayad xiiso badan oo ka hadlaysa waxbarashada iyo daruufaha kala duwan ee ardayda haysata, waxayna ahayd riwaayad loo wada bogay oo xiiso badan.

 

waxa halkaa lagu soo ban-dhigay khudbado ku saabsan waxbarashada iyo gabayaba oo ay soo jeediyeen ardayda wax ka barata wadanka india, isla markaa waxa stageka lagu soo dhaweeyay Mr Khaalid Abdirahaman Muhumed oo halkaa hanbalyo iyo tahniyad kala yimid xukuumada iyo labada xisbi qaran ee jamuuriyada Somaliland ardayda ujeediyay.

 

Ugu Dambayntii waxa Xaflada lagu soo dhaweeyay Mr khaliif Cabdi Sheekh oo ku hadlaayay magacaga

 

gudiga qaban qaabada xaflada. waxaana uu sheegay sida hawshan loo galay iyo sida ardayda somaliland ugu farxeen in ay gooni u qabsadaan, madaama ay ardaydu ka yimaadeen Jamuuriyad madax banaan oo la yidhaahdo Somaliland.

 

Mr khaliif waxa uu sheegay in halkaa laga si wado xaflada qalin jabinta oo aanay tani noqon tii ugu danbaysay uguna horaysay, waxaanu hanbalyeeyay ardaydii qalan jabisay iyo kuwii ka soo qayb galayba. isagoo ku hadlaya magaca gudida qaban qaabada.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

LIST OF THE GRADUATES

 

 

1. Cismaan Cabdi Guure : Bachelor of commerce B com

2. C /risaaq Daahir Khaliif : Bachelor of commerce B com

3. Khaalid C/raxmaan Muxumed : Bachelor of commerce B com

4. Xuseen Cabdi Cigaal : Bachelor of commerce B com

5. C/risaaq Cali Cumanr : Bachelor of commerce B com

6. C/kariim Qorane Aadan : Bachelor of commerce B com

7. Ahmed Aw jaamac Cabdi : Bachelor of commerce B com

8. C/raxmaan Ahmed sheekh Cabdi : Bachelor of commerce B com

9. C/salaan Maxamed Axmed : Bachelor of commerce B com

10. Xuseen C/qaadir Kaarshe : Bachelor of computer Application BCA

11. Cali Maxamed Axmad : Bachelor of social work profession Bsw

12. Madar Cabdi Madar : Bachelor of social work profession Bsw

13. Khalif Abdi sh Maxamud : Bachelor of social work profession Bsw

14. Axmed Nuur Muuse shire : Bachelor of social work profession Bsw

15. Maxamad aadan cilmi : Bachelor of social work profession Bsw

16. Maxamuud xaaji muuse : Bachelor of commerce B com

17. C/laahi abshir axmad : BSC information technology Bsc IT

18. Yusuuf sh ibraahim sh yusuf : BSC Information technology Bsc IT

19. C/salaan c/laahi jaamac : Bachelor Medical Imaginary Technology Bsc MIT

20. Ibraaim cali ismaacill : Bachelor of Commerce B.com

21. Yusuf cabdi muuse : Bachelor Political science BA

22. Guled maxamud qaalib : Bachelor of commerce E com

23. Faysal maxamed xuseen : Bachelor of commerce B com

24. Maxamed cumer xuseen : Bachelor of commerce B com

25. Maxamad saalax cabdi : Bachelor of computer application BCA

26. Jama Dayib Ahmed : Bachelor of computer application BCA

27. Axmad maxamad cabdi : Bachelor of computer application BCA

28. Maxamad koosaar xasan : Bachelor of computer application BCA

29. C/salaan maxamad ismaacill : Bachelor of computer application BCA

30. Mukhtaar cabdi xasan : MBA finance MBA

31. C/qaadir cusmaan maxamud : Bachelor of computer application BCA

32. Xasan c/qaadir kaarshe : Bachelor of social work profession Bsw

33. C/qaadir Axmed muxumed : Bachelor of computer application BCA

34. Najax aadan diiriye : Bachelor of computer science BSC

35. C/casiis haarun biixi : Bachelor of computer application BCA

36. Siciid maxamed fagande : Bachelor of computer application BCA

37. Faysal c/raxmaan muxumad : Bachelor of computer application BCA

38. Maxamud maxamed ciise : B.Tech “ECE Engineering” Engineer

39. Aadan bashe carab : B.Tech “ECE Engineering” Engineer

40. Khaalid cali quule : Bachelor of computer science Bsc

41. C/xakiin colhaye : Bachelor of computer science Bsc

42. Bile axmed bile : PGD in phycian assistant

43. Maxamed aadan cali :

44. Cali caano dhame : BSC information technology Bsc IT

45. Yusuuf maxamed xasan Msc(IT)

46. Mustufe c/kariim cabdilahi : BSC medical laboratory technology Bsc MLT

47. Ibraahim sheekh c/wahaab : BSC medical laboratory technology Bsc MLT

48. C/rashiid maxamuud ciise : B.Tech “ECE Engineering” Engineer

49. Axmed nuur maxamed : Bachelor of geology

50. C/waxiid sh cabdi abubakar : MBA marketing MBA

51. Khaalid cali boodhle : BSC information technology Bsc IT

52. Axmed maxamuud ismaciil : Bachelor of commerce B com

53. Cusmaan maxamed axmed : MBA MBA

54. Maxamed cabdi cilmi : Bachelor of computer science Bsc

55. Cabdilahi cabdi xandule : Bachelor of computer application BCA

56. Mustafe barre xuseen : BSC information technology Bsc IT

57. Ibraahim xasan odowaa : E commerce E com

58. Maxamed siciid : MBA marketing MBA

59. Mukhtaar Gazali : BSC information technology Bsc IT

60. Zakaria cali : Bachelor of computer application BCA

61. Axmed kuwaiti :BSC information technology Bsc IT

62. Yaasir abdi Yaasir : civil Engineering Engineering

63. Hodan Abdillaahi carab : Bachelor Of Commerce B com

64. Liiban maxamed yousuf M.B.A

65. Cismaan maxamed korse M.B.A

66. Ahmed weerar raabi B.B.A(Bachelor of bussines administration)

67. Baashe maxamud faarax M.B.A

68. Ahmed ismacil adan IT(Information technology)

69. Mawliid Cali Maxamed B.B.A(Bachelor of bussines administration)

70. Cumar Cabdilah Aadan Garow B.com(Bachelor of commerce)

71. Cabdicasiis cali ahmed Microbology

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor:

Masha'allah and congrats to them, the future of our nation...

You're calling bunch of seperatists the "future of our nation"? Sh!t don't add up.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AfricaOwn:

quote:Originally posted by Emperor:

Masha'allah and congrats to them, the future of our nation...

You're calling bunch of seperatists the "future of our nation"? Sh!t don't add up.
Doesn't matter if they are separatists or not, the people who will benefit will be Somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Big ups to the new graduates and those who supported them finacially.

 

I recognize alot of these names.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

^^^Almost 100% of those graduates from India and other third world countries go back home.

Share this post


Link to post
Share on other sites

now you know that is not the case. I was taking a certification class for a summer gig today and there was not 1 but 3 Cuban doctors in the class. The is the fate of the professional class of the third world: run from home, end up in a warehouse/taxi/or God knows what in dark cold place at night because of language barriers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this