Sign in to follow this  
General Duke

New regional governor of BARI, a promising figure

Recommended Posts

dsc01527.jpg&cat=1&pid=8629&cache=falseGovernor of Bari

 

Sheikh C/xaafid”Kalsoonida Shacabka waa mid aad u muhiimsan”

 

March 19, 2010| NEWS: Category

 

Gudoomiyaha gobolka Bari ee u dhowaan Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa waxaa uu ka waramay talaabooyinka ay qaadayaan oo ay ku horumarinayaan gobolka.

 

Isagoo maanta ka qayb qaadanaayay Barnaamijka Dooda Todobaadka ee ka baxa warbaahinta Horseed Media duhur weliba oo Jimce ah ayuu dhagaysteyaasha kaga warbixiyey qorsheyaasha maamulkiisa u degsan iyo qaabka ay u wada shaqayn karaan.

 

Dhagaysteyaasha ayaa iyagu soo galay khadadka Telefoonka,waxaana ay weydiyeen su’aalo la xirrira maamulkiisa waxaa uu ku talaabsan doono iyo waxaa ay damacsanyihin.

 

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn qaatay hadalka,wuxuuna ka hadlay arimo ay ku jirto kalsoonida iyo wada shaqaynta ay ka doonayaan in ay ka helaan shacabka ku dhaqan gobolka gaar ahaan Magaalada xarunta u ah ee Bosaaso.

 

”Horta waxaa muhiim inoo ah in aan ugu horeyn helno kalsoonida shacabkeena ee aan u adeegayno,waxaana ay sahlaysa in aan si wanaagsan u wada shaqayno oo aan gaarno horumar balaaran iyo aaminaad”,ayuu yiri.

 

Wuxuuna hadalkiisa ku daray in maamulkiisa ay sidoo kale xooga saari doonaan horumarinta adeegyada Bulshada iyo sugida nabadgalyada iyagoo garab ka helaaya dhamaan Shacabka kala duwan ee gobolka.

 

Qaar ka mid ah dhagaysteyaasha u surtagashay in ay soo galaan qadadka Telefoonada ayay weydiiyeen Su’aalo u badnaa dhanka wax ka qabashada arimaha Amaanka,waxaana uu ugu jawaabay in ay si aad ah arintaas ka shaqayn doonaan.

 

Sheikh C/xaafid ayaa xusay in dhamaan Shacabka ay waajibaad ka saarantahay in ay garab siiyaan Ciidanka Amaanka si loo sugo nabadgalyada isla markaana laga hortago falalka amaan darada.

 

Ugu dambeynti wuxuu kala dardaarmay Shacabka Reer Bosaaso iyo kuwa gobolka Bari in wax weliba ay tabanayaan usoo gudbiyaan maamulka isla markaana la shaqeeyaan maamulka.

 

Tan iyo marki la magacaabay maamulka cusub ee gobolka Bari waxaa ay wadaan dadaalo la xirrira si ay ugu talaabsan lahaayeen horumar.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aqoon Isweydaarsi ku aadan Horumarinta oo lagu soo Gaba gabeeyey Bosaaso

 

March 18, 2010| NEWS: Category

 

Aqoon Isweydaarsigaan oo ahaa mid soconaayay labo maalmood ayaa maanta kusoo xirmay Hoolka Amal Plaza ee magaaladda Bosaaso,waxaana kasoo qaybgalay Gudoomiyaha gobolka Bari Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf,Taliye Kuxixgeenka Booliska Puntland Gaashanle Sare Maxamed Siciid Jaqanaf,Maamulka degmadda Bosaaso,Saraakil ka socotay Hay’addaha Samafalka iyo martisharaf kala duwan.

 

Duqa cusub ee degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ka hadlay Xaflada ayaa sheegay in qodobada maanta la isla soo qaaday ay ahaayeen qodobo muhiim ah oo la doonayo in ay ku shaqeeyaan maamulka degmada Bosaaso,waxaana uu ganacsatada iyo dadki kasoo qaybgalay ugu baaqay in qodobadaas ay ka qayb qaatan sidii loo horumarin lahaa.

 

Gaba gabada munaasabada ayaa lasoo saaray qoraa ku sabsan Aqoon isweydaarsiga la isku afgaartay,waxaana ay ahayd sidaan;

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga qaabaynta Adeegyada bulshada ee magaalada Bosaaso

Xubnaha Guddiga

1.Dr.Ismaacil Ciise Rooble

2.Dr.Maxamuud Xaaji Yuusuf

3.Dr.Axmed Ciise Maxamuud

4.Cismaan Xaamuud Xoosh

5.Proff Jamaal Xassan Muuse

6.C/risaaq Axmed Xuseen

7.Maxamed Muumin Yuusuf

8.Maxamuud C/laahi Badrudiin

9.Maxamed Axmed Yuusuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

source

 

Ajandaha Dooda

 

*Waxbarashada

 

*Caafimaadka

 

*Biyaha iyo Korontada

 

*Wacyiga Bulshada

 

Ka dib dood iyo falanqayn dheer,guddiga arimaha bulshadu wuxuu soo jeedinaaya qodobadaan soo socda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Boosaaso (RBC Radio) Duqa magaalada Boosaaso Maxamud Faarax Beeldaaje ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo shirkadaha inay maalgashi ku sameeyeen waddooyinka magaalada ka dibna ay kharashaadka kaga baxa ku dallaacaan dowlada hoose si magaalada ay u noqoto mid horumarta.

 

Waxaa uu duqa magaaladu sheegay in maamulka degmada ay diyaar u yihiin in laga bilaabo maalinta Sabtida [20-ka March, 2010] inay qabtaan waraaqada mashaariicda maalgelinta ee ay ganacsatadu ku soo qiimeynayaan dhaqaalaha kaga bixi kara dhismayasha waddooyinka (project proposal), ka dibna dowlada hoose iyo ganacsatadu ku wada xisaabtamaan kharashaadka ku baxa dhismayaasha jidadka.

 

“Ganacsatada waxaan ku wargelineynaa in laga bilaabo Sabtida oo ay taariikhdu tahay 20 March 2010 ay u furan tahay in waraaqahooda hindisaha (project proposal) ay noo soo gudbiyaan, anaguna aan u fududeyno sidii ay hawsha u qaban lahaayeen”, ayuu yiri duqa magaalada Boosaaso Maxamud Faarax Beeldaaje oo u waramay RBC Radio.

 

Duqa magaalada ayaa sidoo kale sheegay in qandaraayada waddooyinka guud ahaan ay furan yihiin, isla markaana ugu yaraan 5 mashruuc oo ku saabsan waddooyin isugu jira kuwo cusub iyo kuwo hore oo dib loo dayactirayo dhowaan la bilaabi doono. Wuxuuna sheegay in cid kasta oo mashaariicdaasi fulineysa heshiis la geli doonaan ka dibna marka ay dhameeyaan hawsha ay dowlada hoose ee Boosaaso siin doonto wixii kharash ah ee ay sheegtaan.

 

“Dowlada hoose ma awoodi karto inay mar qura waddooyinka oo dhan dhisto ama dayactiro laakiin shirkadaha qandaraasyada iyo ganacsatadaba waxay sameyn karaan inay mashruuca fuliyaan ka dibna nagula xisaabtamaan wixii hanti ah ee ka gala”, ayuu yiri Maxamud Faarax Beeldaaje.

 

Waxaa uu duqu intaa ku daray in ujeedada ay dowlada hoose u soo bandhigtay mashaariicda qandaraasyada ee wadooyinka Boosaaso ay tahay si loo helo magaalo waddooyin fiican leh maadaama Boosaaso oo ah magaalada dhaqaale ee Puntland ay u sii koreyso si nidaam darro ah.

 

Duqa Boosaaso waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyey in dowlada hoose qorshaha ugu jirto habeynta dhismayaasha magaalada oo xanibaad ku noqday waddooyinka isagoo sheegay in marka hore dhul banana u diyaarin doonaan ganacsiyada waddooyinka laga dhex sameeyey.

 

Waa markii ugu horeysay oo dowlada hoose ee Boosaaso ganacsatada u bandhigto mashaariicda dhismayaasha wadooyinka oo qaarkood aad u burbursan halka meelaha qaarna aysan waddooyinba lahayn.

 

Waxaana la filayaa in baaqa duqa magaalada Boosaaso ay ka jawaabi doonaan ganacsatada iyo shirkadaha gaarkaee sameeya mashaariicda maalgelinta ee ka hawlgala gobolka kuwaasi sanadihii u dambeeyey sii kordhayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this