Sign in to follow this  
Abdi2005

Hubki iyo maleeshiynki Qanyare oo lugu wareejiyey maxkamad beeshisa

Recommended Posts

Abdi2005   

Mogadishu 05 June. 06 ( Sh.M.Network) Midowga Maxaakiimta islaamiga ayaa saakay subaxanimadii la wareegay gacan ku heynta xaruntii lagu aas-aasay Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ee degmada Deyniile, iyadoo aan wax dagaal ah dhicin, ka dib markii ay is dhiibeen maleeshiyadii Max'ed Qanyare ee ku hartay halkaasi, iyadoo hub fara badana lagu wareejiyay Maxkamadaha.

 

Gawaari dagaal oo aad u fara badan oo ay leeyihiin Midowga Maxkamadaha ayaa saakay waabarihii galay degmada Deyniile, iyadoo Afhayeenka Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada Xuseen Guutaale iyo Faarax Garam garam oo ahaa taliyaha maleeshiyada Max'ed Qanyare ay ku wareejiyeen Midowga Maxaakiimta Gawaari dagaal oo gaareysa 25 baabuur oo kuwa dagaalka iyo qoryaha daran dooriga u dhaca oo aad u fara badan.

 

25 ka baabuur ee dagaalka ah ee lagu wareejiyay Midowga maxaakiimta islaamiga ayaa waxa ay isugu jireen 10 baabuur oo kuwa lidka diyaaradaha ah iyo 15 baabuur oo ay saaran yihiin dhashiikeyaal, iyadoo in ka badan 60 qori oo BKM ah na lagu wareejiyay Maxaakiimta islaamiga, kuwaasi oo uu iska lahaa Max'ed Qanyare Afrax.

 

Wariyeyaal ka tirsan Shabelle ayaa ku sugan degmada Deyniile, kuwaasi oo sawiro iyo war bixino ka soo direy halkaasi oo dhowaan aa idiin soo gudbin doono.

 

Max'ed Qanyare Afrxa ayaa habeen hore isaga baxay degmada Deyniile, ka dib markii uu ka cabsaday in uu ku go'doomo halkaasi.

 

Dhinaca kale Xaruntii Max'ed Qanyare ee Oto Otada ee degmada H/wadaag ayaa sidoo kale Gawaari dagaal oo ku jirtey lagu wareejiyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga.

 

Arintaan ayaa ku soo beegmatay xilli xalay Ra'isulwasaare Geedi uu xilka ka xaquubiyay 4 wasiir oo ka mid ah golihiisa wasiirada oo ay ka mid yihiin Muuse Suudi, Qanyare, Cumar Filish iyo Bootaan Ciise.

 

dagaal181.jpg

Xaruntii Max'ed Qanyare ee lagu aas-aasay isbaheysiga la dagaalanka argagixisada

 

dagaal183.jpg Maleeshiyada Max'ed Qanyare iyo hubkooda oo isku dhiibaaya Maxkamada beeshoda

 

dagaal179.jpg

Qurac ku horyaala xarunta Max'ed Qanyare oo shir uu uga socdo Maxaakiimta islaamka iyo hogaamiyeyaasha dhaqanka beesha dayniile... >>> http://shabellenews.com/2006/june/n7375.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

Originally posted by Nayruus:

Maxamed Qanyare iyo Bootaan Ciise Caalin oo isaga baxay Magaalada Jowhar kuna sii jeeda Ceel-Buur iyadoo Qax balaaranna uu ka soconayo Magaalada Jowhar..

 

The two men in ceel-buur? a city shared by the two clans they held from. I wonder how bootan ciise will be received by his kinsmen who excommunicated him after he refused follow there recommendations to abandon the aliens, now he stand alone and even fighting his own.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qanyare, Bootaan iyo Cabdi-Waal oo ka baxay Jowhar

 

Xubnihii Isbahaysigii la dagaallanka argagixsada ee ku sugnaa Jowhar ayaa magaalada ka baxay sida ay sheegeen dad goob joog ah.

Babuur fara badan, oo u badan kuwa hubeysan, ayaa ka amba baxay guriga martida ee magaalada Jowhar.

 

Maxamed Qanyare Afrax, Botan Ciise Caalin oo labaduba ah Wasiirradii la casilay iyo Cabdi Nuurre Siyaad ayay wararka qaar sheegayaan in ay baabuurtaas la socdaan.

 

Dad jooga magaalada Jowhar ayaa BBC-da u sheegay in malliishiyadii nimankaa la socotay ay sheegeen in ay magaalada isaga tageen, hase yeeshee, lama hubo meesha ay aadeen.

 

Dadka qaar ayaa maalmahanba is weydiinayay sababta ay malliishiyada Maxkamaduhu u daba joogaan Nimanka ilaa Jowhar baqada ku tegey, iyada uu ubno kale oo isbahaysiga ka tirsani ay Muqdisho ku sugan yihiin.

 

Xaaladda Jowhar

Magaalada Jowhar ayaa difaaceedu sii wiiqmay maaddaama ay malliishiyadii nimankaa gelbineysay ay ka wada baxeen.

 

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed-Dheere)ayaa ka maqan magaalada Jowhar tan iyo markii Muqdisho ay la wareegeen Midowga Maxkamaduhu.

 

Maxamed-Dheere oo markii hore u amba baxay Nairobi, ka dibna la sheegay in uu u gudbay Ethiopia, maqnaashahiisa dheeraaday xilligan xasaasiga ah waxaa uu dhaliyay tuhun.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in aaanuu khiyaarkiisa ku maqnayn.

 

Dadka qaar waxay saadaalinayaan in ay halis ugu jiraan in ay isku dhacaan malliishiyaadka Maxkamadaha iyo kuwa Maxamed-Dheere oo isku hor fadhiya meel aan ka fogeyn magaalada Jowhar.

 

QODOBADA WARKA UGU HOREEYA

Qanyare, Bootaan iyo Cabdi-Waal oo ka baxay Jowhar

Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya

Xayiraado la saaray hogamiyayaasha kooxaha

Shirka Soomaalida ee ka dhacaya New York

 

http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2006/06/060613_jowhar.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this