Sign in to follow this  
MoonLight1

Bililiqo xoogan oo ka socota JOWHAR.

Recommended Posts

Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar oo bililiqaysanaya xarumaha maamulka iyo saldhigga magaalada.

 

 

Kadib markii saacad kahor ay magaalada Jowhar la wareegeen xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa magaalada ka dhacay isbadal dhanka maamulka ah.

 

Dadweyne fara badan aya ku xoomay xarumaha maamulka, waxaana magaalada ka socota bililiqo xooggan, bililiqada ayaa ka socota xarumaha muhiimka ah ee magaalada sida xarunta maamulka, saldhigga Booliska iyo xabsiga magaalada.

 

Qof goob jooge ah oo ku sugan magaalada ayaa xaqjiiyey bililiqada ay dadweynaha kula kacayaan xarumaha maamulka ee magaalada Jowhar.

 

Wadooyinka magaalada ayaa waxaa lagu arkayaa gaadiidka dagaalka oo ay wataan xoogagga Al-shabaab kuwaas oo si raxan raxan ah u maraya waddooyinka.

 

Maxaabiis ku xirneyd saldhigga magaalada iyo xabsiga ayaa oodda laga qaaday kuwaas oo ku eedaysanaa dambiyo kala duwan.

 

Saraakiisha Al-shabaab kama aysan hadlin bililiqada ka socota magaalada Jowhar oo ay saacado kahor la wareegeen.

 

Si kastaba ha ahaatee isbadalka ka dhacay magaalada Jowhar ayaa saameyn ku yeeshay magaalada, waxaana magaalada weli laga dareemayaa xiisad iyo kacsanaan.

 

 

Boondheere.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this