Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Police Detain Terrorists

Recommended Posts

Hargeysa(HWN):- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa maanta gacanta ku dhigay nin ay sheegeen inay muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku daba-jireen, kaasoo ku hawlanaa samaynta waxyaabo Qarxa, isla markaana waxa ninkaas lagu qabtay Guri ku yaalla Magaaladda Hargeysa, Gurigaas oo ay ka buuxeen walxo laga samayn karo waxyaabaha Qarxa, sida Cadarro, Timir, Xalwad, Dhagaxan qaarkood macdan yihiin, saddex xabbo oo Taleefanada gacanta ah (3 Mobiles), Kamarad, qaar ka mid ah Dawooyinka ay Haweenku isku caddeeyaan.

 

Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa warbaahinta u soo bandhigay guud ahaanba Walxaha uu ninkaasi ku hawlanaa samayntooda, waxaanu Taliyuhu Saxaafadda u sheegay inay Boolis ahaan ninkan dhawaanahanba ku daba jireen sidii loo soo qaban lahaa, ka dib markii ay ka warheleen.

 

Waxa uu Taliyaha oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu sheegay in ninkan ay maanta soo qabteen dhalasho ahaan ka soo jeedo Koonfurta dalka Soomaaliya, una adeegayay cid gaar ah, damacsanaana in uu weerar Argagixisanimo Xarunta Somaliland ee Hargeysa ka fuliyo, taasoo uu Taliyuhu xusay inaanu kaligii u ahayn, hase ahaatee, ay Ciidamadu gacanta ku soo dhigi doonaan cid kasta oo ay isku qorshe ahaayeen ama kula socotay damacsanaanta tallaabooyinka argagixisanimo ee uu waxyaaabihii lagu fulin lahaa ninkani ku hawlanaa.

 

Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad, waxa uu dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyay inay yeeshaan foojignaan, si ay u dareemi karaan cid kasta oo ku hawlan ama isku dayda inay dadka iyo dalka Somaliland waxyeelayso, nabadgalyadoodana khalkhal galiso, lana shaqeeyaan Ciidamada Booliska.

 

Gen: Saqadhi, waxa uu si weyn ugu mahad-celiyay Ciidamada Booliska oo uu sheegay inay door aad u muhiim ah oo wadaniyadi ku dheehan tahay u gutaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana la socdaan, lana socon doonaan cid kasta oo isku dayda inay dhibaato u gaysato dalka iyo dadka Somaliland. Waxaanu Taliyuhu Booliska u soo jeediyay inay sii laban laabaan dedaalkooda, hadh iyo habeenna heegan u ahaadaan ilaalinta dadkooda, dalkooda iyo nabadgalyadooda.

 

Taliyaha Booliska Somaliland, waxa uu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay, in ninkan iyo walxaha lagu qabtay oo isugu jiray, noocyo kala duwan oo Cadarka laysku Udgooneeyo ah, isla markaana Quraarado ku jira, Timir moorgaraysan, Xalwad, noocyo ka mid ah dawooyinka Dumarku u isticmaalaan Qurxinta jidhkooda, iyo waxyaabo kale, ay la baadhayo, ilaa cidda uu u adeegayay, ka dib marka dambigiisa la caddeeyana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

 

Si kastaba ha ahaatee, ninkan ay maanta Booliska Somaliland gacanta ku soo dhigeen isaga oo curiyayaal kala duwan isku farsamaynaya si ay u noqdaan wax loo adeegsan karo in meelo muhiim ah lagu qarxiyo, oo aan magaciisa warbaahinta loo sheegin, ayaa da’ ahaan lagu qiyaasi karaa ilaa 38 Jir ilaa 40 Jir, midabkiisu waa Madaw, muuq ahaanna waxa uu leeyahay Astaan wadaan, ilaa iyo wakhtiganna lama oga cidda uu u adeegayay iyo qorshayaashiisa dhabta ah, hase ahaatee, waxa uu Taliyaha Boolisku caddeeyay in uu ninkani ka mid yahay cadawga Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

well done to sl police and specially secret forces that have to track these crazy maniacs before they strike and kill so many masakiin

 

 

since these fanatics are so eager to die they should strapt all his explosives to him and set it off for him so he can get his wish of being blown to pieces and go to hell withought killing any innocent people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Gurigaas oo ay ka buuxeen walxo laga samayn karo waxyaabaha Qarxa, sida Cadarro, Timir, Xalwad, Dhagaxan qaarkood macdan yihiin, saddex xabbo oo Taleefanada gacanta ah (3 Mobiles), Kamarad, qaar ka mid ah Dawooyinka ay Haweenku isku caddeeyaan.

Timir, Xalwad,?? Dangerous stuff!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by AYOUB:

quote:Gurigaas oo ay ka buuxeen walxo laga samayn karo waxyaabaha Qarxa, sida Cadarro, Timir, Xalwad, Dhagaxan qaarkood macdan yihiin, saddex xabbo oo Taleefanada gacanta ah (3 Mobiles), Kamarad, qaar ka mid ah Dawooyinka ay Haweenku isku caddeeyaan.

Timir, Xalwad,?? Dangerous stuff!
Very. Timirta lafteeda wey finiintaa weliba. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Qudhac:

home made bomb ayaa dee laga sameeyaa waxaa..

True. That's why my toilet is explosion proof.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this