Sign in to follow this  
Gabbal

Bashiir Raage loses strongholds?

Recommended Posts

Gabbal   

Gaadiidka xamuulka oo maanta bilaabay inay ka howlgalaan wadada isku xirta Ceel Macaan iyo Isgoyska SOS kaddib markii wadadaas ay la wareegeen ciidamada Abuukar Cumar Cadaan.

 

March 25, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Gaadiidka xamuulka oo aan Afar cisho socon ayaa maanta bilaabay inay ka howlgalaan wadada isku xirta Ceel Macaan iyo Isgoyska SOS kaddib markii wadadaas ay la wareegeen ciidamada Abuukar Cumar Cadaan.

 

Gaadiid siday rashin iyo bagaash kala duwan oo maanta bilaabay inay isticmaalaan maalintii afaraad kaddib markii ay saameyn ku yeesheen dagaalada ka soconayey duleedka magaalada Muqdisho iyadoo gaadiidkaas ay go’doon ku ahaayeen dekadda.

 

Shalay iyo Doraad ayaa waxaa jiray gaadiid ka soo qaaday dekadda kuwaas oo marayey wada u dhaxeysa Kaaraan iyo Ceel Macaan balse maanta ma jirin wax gaadiid ah oo mareyey halkaas.

 

Deegaanka Galgalato ayaa maanta lagu arkayey gaadiid u badan Booyado kuwaas oo ku sii jeeday dekadda Ceel macaan halkaas oo ay ka soo daabulayeen shidaal.

 

Gaadiidka maanta bilaawday inay isticmaalaan wadada u dhaxeysa SOS iyo Ceel macaan ayaa timid kaddib markii halkaas gacanta ku dhigeen ciidamo ka amar qaata Abuukar Cumar Cadaan oo gacan ka helaya maxkamadaha Islaamiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

HornAfrik + Radio Shabelle only report "victories" on the Abuukar Cadaani/Islamic courts' side. I wonder why...

 

But, in this bloody quagmire, there are no "victors" at all. Only tens of dead bodies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ I think the reports are accurate. It seesm for all the talk Bashir has gone the way of Qaynyare. However as you said the peopel are the ones who are losing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

HornAfrik + Radio Shabelle only report "victories" on the Abuukar Cadaani/Islamic courts' side. I wonder why...

Maybe because they are against Isbahasiga Shaydaanka. :D

 

I know where you are getting at sxb, but couldn't it be that simple enough?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

 

Wouldn't it make it Isbahaysiga Shaydaanka #2, after you-know-who's Isbahaysi? :rolleyes:

 

And no, it can't be that "simple" enough. Something's always been fishy about the Somali radio stations/websites' agendas when push comes to shove. All of a sudden, SBC ain't reporting a bloody conflict less than 50 KM from Bossaso. And all of a sudden, HornAfrik + Radio Shabelle are busy reporting "victories" on the side of the Maxkamadaha and neither one of them reports the "victories" claimed by the Isbahaysiga. Strange, too, that neither HornAfrik nor Shabelle reports Isbahaysiga spokesman's comment about the involvement of militias loyal to Indhocade and Goobaale.

 

They all need Ethics of Journalism 101.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu danbeeyay: Dhowaan ayaa rasaas xoog leh ay ka dhaceysaa goobihii dagaalka ee labada dhinac isku hayeen, waxayna wararkii ugu danbeeyay ee hadda uun soo dhacay sheegayaa in dagaalku ka socdo duleedka Galgalato.

 

Ciidamada sida weyn u dagaalamaya ee soo rogaal celiyay dhinaca Bashiir Raage ayaa ah maleeshiyo raacsan Muuse Suudi oo Balcad ka timid, maleeshiyo raacsan Maxamed Dheere oo Jowhar ka timid iyo maleeshiyo taabacsan ganacsade C/rashiid Ilqeyte.

 

Wadadda Bari ee tagta Dekadda Ceelmacaan ayaa dagaalka ugu weyni ka socdaa oo qolo waliba ay dooneysaa inay qabsato, iyadoo saaka u gacan gashay dhinaca Maxkamadaha ayaa wararka soo dhacaya ka waramayaan dagaalo qaraar oo ka socda.

 

 

Wixii soo kordha waad la socon doontaan

 

 

 

YOL =Muqdisho=

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wouldn't it make it Isbahaysiga Shaydaanka #2, after you-know-who's Isbahaysi?

Bring me proof that the IDJ captures and ships wadaadada Islaamka under the pretext of fighting terrorism and I will be forced to agree with you. ;)

 

 

And all of a sudden, HornAfrik + Radio Shabelle are busy reporting "victories" on the side of the Maxkamadaha and neither one of them reports the "victories" claimed by the Isbahaysiga.

I have not really been keeping up with Somali news these days but my understanding is that there was never a clear "victory" prior to this, or atleast since the start of this latest skirmish. All that has been going on is riixmo and after glacing at those news sites, they seemed to have been reporting objectively.

 

Strange, too, that neither HornAfrik nor Shabelle reports Isbahaysiga spokesman's comment about the involvement of militias loyal to Indhocade and Goobaale.

Ah, this is out of the blue huh? They clearly reported the spokesman's press release and even in Shabelle (my first link) it says: "Xuseen Guutaale ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/hoose Sheekh Yuusuf Indho Cadde iyo abaanduulaha ciidamada isbaheysiga D/jubba Maxamed Rooble Jimcaale in ay ka qeyb qaadanayaan dagaaladaasi."

 

Although I don't understand why the spokesman should be making fuss of support being given to Cadaan when clearly Raage has been getting that and more. If this was a fair battle between two businessmen (Abukar Cadan and Bashir Rage) why does the spokesman of the Isbahaysiga La Dagaalanka Argagixisada need to speak on behalf of Bashir? Has not the "anti-terror" alliance militias and forces loyal to Mohamed Dhere and Muse Suudi been fighting on behalf of Raage? Why the fuss, then, of court militias and militias loyal to court supporters joining on the side of Cadaan when Cadaan is financier of court objectives in the capital?

 

p.s. This in no way means Indhacade and Goobaale are or are not actually part of the fighting. I was merely scoffing at that allegation and trying to put new light into it.

 

Gedonet is reporting that, while Bashir has been receiving support from "anti-terror" militias, so to has Cadaan been receiving support from Islamic Courts' militias and only that.

 

 

Dagaal Qaraar Oo Maalintii Afaraad Ka Socda Waqooyiga Magaalada Muqdisho

 

Dagaalkii u dhaxeeyay maleeshiyooyinka Abuukar Cumar Caddaan iyo Bashiir Raage Shiiraar ayaa galay maalintii afaraad iyada uu dagaal aad ugu culus kuwii maalmihii hore dhacayey uu ku dhex marayo degaano ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho. Labada maleeshiyo ayaa isku adeegsaday hubab waaweyn oo dhawaaqiisu runtii qalqal weyn iyo barakac badan ka dhaliyey degaanada u dhow dhow goobaha ay ku dagaalamayaan iyo weliba guud ahaan magaalada Muqdisho.

 

Maleeshiyada Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa waxa ay taageero ka helayaan maleeshiyada Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho halka maleeshiyooyinka Bashiir Raage oo gacan ka helayaan maleeshiyooyinka taabacsan kooxda la magac baxday Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ay xoogga saarayaan inay difaacaan waddo ay ku taal dekedda dabiiciga ee Ceel Macaan.

 

Warar goor dhow laga sii daayey qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegaya in ay dekadda Ceel Macaan yo waliba garoonka Cisaleey ay gacanta u gashay maleeshiyooyinkii Abuukar Cumar Cadaani.

 

Dagaalka ayaa ah midkii ugu xoog badnaa ee ka dhaca in muddo ah magaalada Muqdisho ayaa yaa weli socda, waxaana la soo sheegaya in qasaaro badan uu geystay dagaalkii maanta. Dhimashada iyo dhaawac ayaa ilo xogogaal ahi ay sheegayaan inay dhimashadu ay iminka kor u dhaaftay 300 qof iyo ayadoo dhowaacana uu intaasi ka badan yahay.

 

Gedonet News Desk

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Aden Shire is also falsifying reports that members of the entity he heads are taking part in the fighting in the capital.

 

 

Baaq Uu Wasiirka Dib U Dhiska Xildhibaan Barre Hiiraale U Jeediyay Dhinacyada Ku Dagaallamaya Muqdisho

 

Wasiirka wasaaradda dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda federaalka ku meel gaarka ah, ahna guddoomiyaha isbahaysiga dooxada Jubba xildhibaan Barre Aadan Shire ayaa waxa uu markii ugu horreysay maanta ka hadlay dagaallada u dhexeeya labada garab ee kala taageersan Bashiir Raage Shiiraar iyo Abuukar Cumar Caddaan ee ka socda magaalada Muqdisho.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in dagaalladaas Muqdisha ka socda maalinkii 4aad ay yihiin dagaallo nasiib darro ah, waxase ka sii daran inay sii socdaan ayuu raaciyay, waxana uu intaas ku daray in dagaalladaas oo ay dad badan oo rayid ahi ku dhinteen oo ay ka mid tahay Aamina Sahra Macallin C/qaadir oo 3 bilood jirta 3 xabbadoodna ay ku dhaceen oo iminka taalla isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisha in loo baahan yahay in dadka rayidka ah loo naxo oo la badbaadiyo.

 

Mar uu ka hadlayay qasaaraha dagaalkaas ayaa waxa uu Barre Hiiraale sheegay in ay hanti badan ku baaba'day oo weliba ay dad rayid ah leeyihiin, waxana ku dhintay dad ku dhow boqol qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

 

Wasiirka waxa uu baaq u jeediyay dhinacyada is haya ee ku hardamaya magaalada Muqdisho dhinaceeda bari ee dagaalkoodu uu 4 maalin jirsaday, waxa uu ugu baaqay dhinacyada is hayaa inay si shuruud la'aan ah dagaalka u joojiyaan, isla markaasna khilaafkooda ka wada hadlaan, kuna dhameeyaay jawi xasilloon.

 

Mar aannu wax ka weydiinnay wasiirka in Isbahaysiga dooxada Jubba uu ka qayb galay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in aanay arrintaasi jirin isla markaasna taliyaha ciidammada isbahaysiga dooxada Jubba Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) uu iminka ku sugan yahay degaanka Ceeljaalle ee gobolka Shabeellada Hoose isla markaasna uu fasax kaga maqan yahay isbahaysiga dooxada Jubba isla markaasna uu reerkiisa halkaas u deggan yahay.

 

Ma ahan oo keliya wasiirka cidda baaqa u direysa garabyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale baaq kaas la mid ah u diraya dhinacyada isku haya Muqdisho ururrada bulshada rayidka ah ee magaalada Kismaayo iyo aqoonyahanno ku sugan Kismaayo.

 

Baaqyadanna waxa ay ku soo beegmayaan xilli dagaalkii Muqdisho uu sii xoogeysanayo oo uu galabta oo Sabti ahna mar kale dib uga billowday degaanka Galgalato.

 

A T

Kismaayo

Isbahaysiga Dooxada Jubba oo war ka soo saaray dagaalka Muqdisho

 

Kismaayo - 25.March.2006 Guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxada Jubba ahna wasiirka dib u dejinta iyo dib u dhiska dawladda federaalka Soomaaliya Barre

Aadan Shire ayaa war ka soo saaray dagaalka maalintii Afrkaad ka soconaya magaalada Muqdisho.

 

Barre Aadan Shire waxaa uu sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid nasiib darro ah dadka Soomaaliyeedna aanay ku haboonaynin xilligan loo bilaabo dagaal sokeeye oo hor leh.

 

Wasiirka ayaa baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho,
waxana uu beeniyey warar goor soo horreysey soo baxay oo sheegaya in uu taageerayo dhinac kamid ah dadka isku haya magaalada Muqdisho.

 

Leyla Shiikh Aadan

SBC Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammo ka amarqaata Bashiir Raage Shiiraar oo dib ugu laabtay goobo muhim ah oo maanta laga qabsaday

Posted to the Web Mar 25, 18:23

 

 

Muqdisho (PP) - Gallinkii dambe ee maanta oo uu ka dhacay duleedka Muqdisho dagaal aad u xoog badan oo u dhexeeya malleeshiyooyin kala taageersan labada ganacsade ee Bashiir Raage Shiiraar iyo Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa ciidammada taageersan Bashiir Raage waxay dib u qabsadeen goobo laga qabsaday.

 

Warar ka soo baxay ilo ku dhowdhow Bashiir Raage Shiiraar oo soo gaaray Puntlandpost ayaa sheegaya in ciidammadii taageersanaa Ganacsade Bashiir Raage oo galabta laga qabsaday deegaanno badan oo ay horay u haysteen oo uu ka mid ahaa jirdka sida tooska ah u taga Dekedda Ceel-macaan ay dib gacantooda ugu soo celiyeen.

 

Xubnaha aan wararka ka helnay ayaa sheegaya in aanay jirin warar uu sii daayay Maxamuud Cumar Caddaan oo ay walaalo yihiin Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo ahaa in Garoonka diyaaradaha ee Cisaley ay la wareegeen isla markaana ay iyagu ka taliyaan, waxayna xubnahaan warka na soo gaarsiiyay ay sheegayaan inay iyagu weli ka taliyaan garoonka diyaaradaha ee Cisaley oo aanu dagaal ka dhicin agagaarka Garoonka Cisaley.

 

Sidoo kale warar madax bannaan oo aan ka helnay dad deggen deegaannadii maanta lagu diriray ayaa u xaqiijiyay Puntlandpost in maanta laga qabsaday ciidammada Bashiir Raage jidkii aadayay garoonka Diyaaradah ee Cisaley iyo Dekedda Macmalka ah ee Ceel-macaan, waxaana dadkaas oo goobjoogayaal ah ay sheegeen in dagaal xoog badan oo galabta dhacay dib ay ugu qabsadeen goobihii horay looga cayriyay Ciidammada Bashiir Raage haddana ay xasilloon tahay deegaannadaas oo uu dagaalku ka durtay xaafaddooda.

 

Dhanka Maxkmadaha Islaamiga ah ayaan iyagu hadal ka soo saarin dagaalkii galabta ka dhacay deegannadii maanta lagu dagaalamay, iyagoo sheegay inay iyagu meesha ku sugan yihiin oo qura, balse aan wax hadal ah oo dheeraad ah ka bixinayn dagaalkii galabta oo ahaa mid qaraar.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia

Contect: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Hadii wax kala "qabsasho" wax tareyso, oo hiilis iyo wax kale loo joogin meesha lagu haayo, kii Cali iyo Caydiid ayee wax tari lahayd. Xamar qof wax kala qabsan karo ayaaba iska yar, especially since it is now perceived to be a very tribal wars.

 

Caddaani, though reputedly being one of the most powerful man in Xamar, is increasingly becoming a parial in his clan, getting fighters from beesha ee Maxkamadaha u badan yihiin, including that Goobaale oo awalba Kismaayo iyo Baraawe dadka heysto kasoo direen and Indhacadde's militia oo asagana mar horeba galay. Xataa waxaa ku jiro freelancing militias oo qabiilnimo usoo galay, la jirina kuwa Maxkamadaha. Plus Bootaan Ciise's [Xaaraan Kunaax] qabiil's militia, oo SooS xukumay dhanka Huriwaa, waxey la heshiiyeen Maxkamadaha. Another subtle gesture in uu dagaalkaan si weyn qabiil iskugu balaarin doono.

 

Max'ed Dheere asaga waaba la kasay oo mana is qarin, laakiin sababta uu Indhacadde isku qarinaayo ayaan la yaabay, as Shabeelle was reporting or trying to dissuade as a reporting, the other day.

 

Maxaa la kala qabsanaa, ka ahayn another Xamar 'green line' cusub bilowdo. Wixii laga soo kabsan jiray dhan the last ten years is at risk. Isku socosho dambe ma jirto. Jidadkii ugu muhiimsanaa koonfurta ku yaalay, sida Jidka Tarbuunka; Jidka Wadnaha [kan Sanca kasoo baxo ilaa Isbitaal Digfeer tago, oo soo wada marana isgoysyada Siinaay, H/wadaag, Bakaaraha, Kaasa Balbalaare]; Jidka Sodonka; Jidka Warshadaha; jidadkii Xamarjajab iyo Xamarweyne wada aadaaye dhanka Lambar Afar markii laga tago oo Dekeda ku dhacaaye.

 

Awalba jidadkaas qabiilo qaas oo Maxkamadaha u dhaw ayaa heystay, weyna ugu fududaatay inay Maxkamadaha jidgooyo dhigtaan.

 

Codetalker, Shabeelle was always pro-Maxkamadaha, pro-Indhacadde. It is not ashamed to be pro-to-its-qabiil's owners.

 

Hornafrik ayaaba sometimes dhaanto, being a little non-sensational sometimes. Shabeelle waxaan ka quursaday when it still kept calling Shaaweey the 'mayor' of Xamar or Firinbi the 'guddoomiyaha' of Xamar. Or vice versa.

 

Dayniile.com waa aragtaa qeylada iyo huu-haada ka socoto. Ar maxee sanafsanyihiin.

 

The only sites in Xamar that I can think of that can closely come to report facts truly are Hiiraan and Midnimo.

 

Teeda kalena dagaalkaan dad badan bee fikradahee Xamar ka qabeen is badali doono, oo quursasho ugu dambeyn ka gaari doono. Xamar wey soo kabsaneysay, wixii tobankii sano dhan horumar lagu gaaray laba bilood ayee ku baabi'i doonaan, so far as it seems.

 

Waxaasna waxaa ugu sii daran qaar ku jiro baaba 'Islaam' iyo 'jihaad' sheeganaayo. Waxaaba kasii daran dad inta ku jiro ayaaba fikradaas laga gaday. Taloow Soomaali iska aamin fududaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

According to Dayniile, Xaaraan-ku-naax's militias are engaging court fighters.

 

That is another example why, even though you are more then eager to pit the ideologies of the sides as qabil-based, it is not, atleast from the Maxkamada side.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If you read closely, that article was posted on Maarso 23. Heshiiska ee gaareen Maxkamadaha iyo Bootaan Ciise's qolo was yesterday, Maarso 24.

 

Since aad Hornafrik ka heshid, inta ka aqriso.

 

Meesha haduu qabiil jirin, maxaa Indhacadde geeye? Maxaa geeye Goobaale? Maxaa other freelance militias ku biiriye qabiil ahaan? Kuwaas maa wadaado kuu ah? Ilqeyre kaliya ayaa taakuleyn yar dhiibtay dhanka kale.

 

Eebe ha qaboojiye dagaalka. Kuwa huu-haadana qurbo ka wado Eebe ha caafiyo. Aamiin labadaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ MMA you are right to a certain extent howevr the main players are all from the same clan, Mohamed Dheere +Raage Vs Cadani + Shiekh Sharif.

 

Its a very complex situation but this has been a struggle between the two alliances with the warlords coming of bad again.. check dayniile.com

 

The news in both roups have both agreed to stop hostalities ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

If you read closely, that article was posted on Maarso 23. Heshiiska ee gaareen Maxkamadaha iyo Bootaan Ciise's qolo was yesterday, Maarso 24.

 

Since aad Hornafrik ka heshid,
ka aqriso.

 

Meesha haduu qabiil jirin, maxaa Indhacadde geeye? Maxaa geeye Goobaale? Maxaa other freelance militias ku biiriye qabiil ahaan? Kuwaas maa wadaado kuu ah? Ilqeyre kaliya ayaa taakuleyn yar dhiibtay dhanka kale.

 

Eebe ha qaboojiye dagaalka. Kuwa huu-haadana qurbo ka wado Eebe ha caafiyo. Aamiin labadaba.

For one I do not see any heshis signed between Xaaraan-ku-naax and the courts' and I would stay in my position until I see heshis signed between his person and the courts. Warlords and Businessmen have no loyalty to "qolo" until the going gets tough when they call ranks from among them. Ninba shaqsi ayuu u shaqeeyaa, midkastana waa calooshi-u-shaqeyste.

 

As for materialized or perceived support being given to the courts', Miskin do not play devil's advocate. You know exactly why Indhacade, and Goobaale, if they have joined or are planning to join, would join.

 

Are not the courts facing against the combined militias of Qanyare, Muse Sude, Mohamed Dhere, Bashir Rage, Xaaraan-ku-naax (lineage wise near Indhacade/Goobaale), Cabdulkhadir Ilqyte (lineage wise near Indhacade/Goobaale), and etc?

 

Why should it, then, be surprising when the courts' get support?

 

Also take into consideration that the head of the courts (Sheikh Sharif) and Abubakar Cadaan are linage wise nearer Musi Sudi/Maxamed Dhere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this