Sign in to follow this  
Gabbal

TFG envoy led by Gacmadheere, Col Isaak Biixi welcomed in Kismaayo.

Recommended Posts

Gabbal   

Wafdi Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Soo Gaaray Magaalada Kismaayo

Apr 25,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Wafdi balaaran oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano oo ay hogaaminayaan Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guleed (Gacmo-dheere) iyo Col.Xildhibaan Cabdirisaaq ***** Biixi ayaa soo gaaray maanta magaalada Kismaayo. Wafdigan oo qeybtiisii hore ka yimaadeen dhanka magaalda Muqdisho ayaa soo marey magaalda Baydhabo oo oo xubnaha baarlamaanku ka soo raaceen. Wafdigan oo isla maantaba soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa aad loogu soo dhaweeyay halkaas ayagoo gudo galay wadahadalo ay la leeyihiin xoogaga gacanta ku haya magaalada iyo duqayda beelaha Kismaayo.

 

Hawsha wafdigani maahan mid qeexan ama la shaaciyay,lamana garanayo heerka ay gaarsiisan tahay awooda ay u leeyihiin inay xaliyaan arrinta maamulka ee saldhiga u ah khilaafka Kismaayo. Dhanka kale Saraakiishii ciidamada dowladda ee ayagu ka baxay magaalada Kismaayo kadib isku dhicii hubaysnaa ee maalin ka hor dhacay ayaa lagu soo waramayaa inay gaareen magaalda Jilib ayagoo kusii jeeda dhanka magaalda Muqdisho.

 

Magaalada Kismaayo ayaa mudadan danbaba uu ka taagnaa muran iyo cabasho ku aadan maamulkii uu wareegtada ku soo magacaabay Madaxweynaha DFKG Cabdulahi Yusuf Axmed. Magaalda Kismaayo ayaa waqtigii ugu dheeraa waxaa gacanta ku hayay Isbahaysigii Dooxada Jubba ee uu hogaaminayay Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ah iminka Wasiirka Gaashaan-dhiga ee DFKG.

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wararkii Ugu Dambeeyey Iyo Wafdigii Dowladda Ee Soo Gaaray Magaalada Kismaayo

Apr 25,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Wararka hordhaca oo ka soo baxaya shirkii nabadeynta colaadaha magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay in wafdiga dowladda federaalka Soomaliya oo uu hormuudka ka yahay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Maxamuud Gacmadheere lagu saari doono guddi dhexdhexaad ah oo aheyn beelaha ******* oo ayagu dhageysan doono, baaritaanna ku sameyn doono waxyaabahii dhaliyey iska horimaadkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

 

Wafdiga oo galabta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa caawa fadhigooda ugu horeeya la yeelan doono mid ka beelaha magaalada ku sugan oo ay marka hore dhageysan doonaan waxyaabaha ay tabanayaan dhankooda kadibna ay beelaha kale ******* ayaguna ay la yeelan doonaan kulmo kale duwan oo ay dhankooda dhageysan doonaan.

 

Xildhibaan Cabdirizaq ***** Biixi oo goor dhoweyd u waramayey Gedonet asaga oo ku sugan hoteelka uu degan yahay ayaa sheegay in xildhibaanada beelaha ******* oo uu tiradooda ku sheegay afar xildhibaan oo ka soo raacay wafdiga magaalada Baydhabo inay ayagu ay xiriirin doonaan beelahooda iyo guddiga dhexdhexaadinta oo dhamaan lawado dhageysan doono waxyaabaha lakala tabanayo oo dagaalkii magaalada Kismaayo ka dhacay dhaliyey iyo sidii mustaqbal looga hortagi lahaa in iska horimaadkaasoo kale uusan ka dhicin magaalada Kismaayo.

 

Dhanka kale, Nabadoon Cabdi Warsame Gurux oo u waramayey Gedonet ayaa sheegay inay dhankooda ay diyaariyeen oo iska xuleen guddi la xaajooda wafdiga dowladda federaalka Soomaliya oo ay dhankooda diyaar u yihiin inay doonayaan in la soo afjaro colaadaha ka aloosan magaalada Kismaayo.

 

Wararka uga dambeeya shirarka wafdiga iyo beelaha magaalada Kismaayo..Halkan kale soco.

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti kasocda dawlada soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

Posted to the MOL April 25, 2007, 1:01 pm

 

Wafti balaaran oo kasocda dawlada soomaaliya ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo e xarunta gobalka jubada hoose

 

Waftigan ayaa diyaarad kasoo raacay magaalada muqdisho waxaana hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha ee dawlada soomaaliya Maxamed maxamuud guuleed {gacmadheere}

 

 

waftiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dawlada soomaaliya oo ku sugnaa halkaasi tan iyo markii ay magaaladaas lawareegeen maleeshiyoouin beeleed waxaa sidoo kalle sugayey amaanka magaalada ciidamo ka tursan dawlada oo ayaguna aan ka bixin magaalada.

 

 

Gacmadheere oo saxaafada la hadalay markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee kismaayo ayaa sgeegay inuu socdaalkoodu yahay shaqo dawladeed islamarkaana ay xalinayaan dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada

 

 

masuuliyiinta safarka ku wehliya wasiirka ayaa waxaa ka mida wasiirka warfaafinta ee dawlada soomaaliya iyo waliba general gabra oo ah taliyaha ciidamada dawlada ethiopia

 

 

Magaalada kismaayo ayaa maalin ka hor waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada dawlada soomaaliya balse markii dambe isku badalay mid beeleed

 

 

waxaana magaalada lawareegay ciidan beeleed ayadoo ciidamadii kalana iyo masuuliyiin ka tirsanaa dawlada ay ku maqanyihiin gobadalada jubada dhexe

 

 

si kastaba ha ahaatee imaanshiyaha masuuliyiintaan ayaa muujinaysa ina kismaayo aysan ka bixin gacanta dawlada waxay sidoo kalle meesha ka saaraysaa cabsi farabadan oo maleeshiyooyinka iyo dadka kismaayo ka qabeen in ciidamada maqan ay dagaal culkus kula wareegaan

 

 

Rabiile Gabanow

 

 

Mudugonline Media Center Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol@ at boosaaso and Gedo New centres. lol@ Wafti. Shufto maa iska dhahdid waftiyoow xaal qaado ha sugin waayin iyagoo la afduubto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib dont insult people, the envoy has important personalities and you have no right to insult them. Also whats so funny about a Bossaos or Gedo media centres?

 

I dont get such comments.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Abwaan what other describtion do these stooges fit in besides Shufto and criminals and dabadhilifs??? do ur profiling

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Tahliil:

Abwaan what other describtion do these stooges fit in besides Shufto and criminals and dabadhilifs??? do ur profiling

Nothing else but shufto sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this