Sign in to follow this  
General Duke

40 fighters defect from Somaliland, why??

Recommended Posts

Laaska: Racii Labaad ee Ciidamo Soomaliland ka amar qaadan Jiray oo usoo baxsaday Puntland

Wednesday, July 12, 2006

 

 

Laascaanood (AllPuntland) Maanta Galinkii hore ilaa 40 askari watana gawaarida dagaalka oo ka tirsanaa ciidanka maamulka la baxay Somaliland ee xooga ku fadhiyay deegaanka Ari-Cadeeya ee duleedka Laascaanood xarunta gobolka Sool ayaa usoo baxsaday dhanka Puntland iyagoo usoo galay Daraawiishta difaaca jiida Ari-cadeeye, iyadoo Daraawiishtuna usoo gudbiyay taliskooda gobolka Sool oo fadhiya magaalada Laascaanood oo isaguna ciidankaas usii gudbiyay taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo fadhigiisu yahay xarunta Puntland ee Garoowe.

 

Laakiin Caawa maqribnimadii warar aanu ka helnay deegaanka Abeesalay ee isla aagaas ayaa sheegaya in halkaasi ay iyana soo gaareen Rac (Koox)labaad oo ciidan kale oo ka soo baxsaday dhanka Somaliland.

 

Wali ma hayno tirada saxda ah ee ciidankaan maqribnimada kasoo baxsaday Soomaaliland, laakiin taliyaha Daraawiishta aaga Laascaanood ayaa saxaafada u sheegay in ciidankani ay kasoo talaabeen maqribkii masaafo 2 KM ah una soo gudbeen dhanka jiida ay difaaca kaga jiraan Daraawiishta Puntland, wuxuu sheegay isagoo markaas joogay Laascaanood in uu barito war rasmiya ka bixin doono ciidanka labaad ee isla maanta usoo galay.

 

Ciidamada kasoo tagay Somaliland ee soo galay maamul goboleedka Puntland ayaa kooxdaan maqribka soo gashay ka dhigaya kooxdii 4 aad, iyadoo la sheegay sababta ay u soo talabeen inay tahay ka gadaal markii maamulka Hargaysa uu ku ilaaway furinta.

 

Sargaal u hadlay Daraawiishta Puntland ayaa saxaafada u sheegay in arimaha ciidankaan ay la wareegeen saraakiisha Puntland loona sameeyay soo dhawayn wacan.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidan ka soo baxsaday Somaliland oo soo gaarey Garoowe

 

Garowe-12.July.2006 Ciidamo ka tirsanaa maamulka Somaliland ayaa iyagoo baxsad ah soo gaarey xarunta maamul goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe.

Taliyaha Taliska Guud ee Puntland Dhamme Siciid Maxamed Jaamac ayaa isagoo ku sugan taliska 54-aad ee magaalada Garoowe SBC u sheegay in ciidamadaasi soo baxsaday ay tiradoodu tahay 40 waxaynta wateen laba baabuur oo kuwa militariga ah.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in Ciidamadan soo baxsaday ay deegaan ahaan isugu jiraan kuwo u dhashay magaalooyinka Burco iyo Laas Caanood.

 

"Waxay noo sheegeen in ay ka soo baxsadeen saldhigyadii ay ku sugnaayeen ka dib markii ay la kulmeen xaalado dhinaca daryeelka ciidamada ah" sidaasi waxaa SBC u sheegay Dhamme Siciid Maxamed Jaamac.

 

Taliyuhu wuxuu intaasi ku daray in ciidamadaasi ay u sheegeen inay jiraan ilaa 12 askari oo iyaguna ka soo goostay dhinaca Somaliland, kuwaasoo wata ayuu yiri hal baabuur.

 

Wuxuuna intaa ku daray in ciidamada soo baxsaday ay taladooda la wareegeen saraakiisha sar sare ee ciidamada Puntland, waxaana haatan lagu biiriyay ayuu yiri ciidamada Puntland.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamo ka soo baxsada dhinaca Somaliland ay soo galaan Puntland.

 

Bishii hore ayay ahayd markii labo nin ay la oo wata baabuur ay ka soo baxsadeen dhinaca Somaliland kuwaasoo soo galay dhinaca Puntland.

 

Jawaabtii Somaliland ay ka bixisay waxay ahayd inay tallaabo ka qaadi doonto Puntland haddii dib loogu soo celin waayo ragga ka soo baxsaday iyo baabuurkooda.

 

SBC News Room

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii 3aad oo kasoo baxsada Somaliland oo soo gaaray Garowe

Last Updated::2006-07-12 13:26:20

 

Garowe:- Ciidamo Gaaraya 40 oo kasoo baxsaday dhinaca maamulka la baxay Soomaliland ayaa soo galay Caasimada Puntland ee Garowe.

 

Ciidamadan oo wata labo gaadiid ah ayaa la sheegay in ay hada ku sugan yihiin Taliska dhexe ee Daraawshiita Puntland ee magaalada Garowe.

 

Taliyaha Taliska Guud ee Puntland Dhamme Siciid Maxamed Jaamac ayaa isagoo ku sugan taliska 54-aad ee Garowe saxaafada u sheegay in ciidamadan ay hada arrimahooda la wareegeen Saraakiisha Puntland.

 

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kooxdii sadexaad oo kasoo baxsatay Somaliland oo soo gasha dhinaca Puntland.

 

Horey ayey u jireen 12 askari oo Somaliland ah oo kasoo gashay dhinaca Waqooyi Galbeed oo soo galay Puntland.

 

Waxaana kasii horeeyey labo askari oo Puntland lasoo galay Gaari tikniko ah, kuwaasi oo ayaguna ku biiray ciidamada Puntland.

 

Dhamme Siciid Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ciidamadan ay lasoo gudboonaatay duruufo badan taasi oo ku khasabtay in ay usoo galaan ciidamada Puntland.

 

Ciidamadan ayaa isugu jira kuwa kasoo jeeda gobalka iyo Togdheer gaar ahaan magaalada Burco.

 

Ciidamadan soo galay Puntland ayaa kusoo aaday wakhti uu magaalada Garowe dib ugu soo noqday Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Muse Xirsi (Gen.Cadde Musse).

 

Madaxweynaha Puntland oo horey uga hadlay hanjabaad uga timid dhinaca Somaliland oo sheegay in hadii Puntland ay dib usoo celin waayan ciidamada soo baxsaday ay dagaal qaadi doonaan, ayaa sheegay in Puntland aysan cidna gardareysaneyn balse is difaaci doonto.

 

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in dadka ku dhaqan Somaliland iyo Puntland ay yihiin kuwo Somali wada ah oo walaalo ah isla markaana ixtiraam ka dhaxeeyo, balse wuxuu digniin horey u siiyey Maamulka Somaliland inuu isku dayo inuu xiisado abuuro taasi ay Puntland diyaar u tahay in ay jawaabta ku haboon ka bixiso.

 

Madaxweynaha Puntland oo horey uga hadlay ciidamada dhinaca Puntland soo galay ayaa sheegay in dadkaasi aan la celin doonin, isla markaana aysan labada maamul ee Puntland iyo Soomaaliland aysan ka dhaxeyn sharuuc ay ciidamada isugu celiyaan.

 

Saraakiisha Ciidamada Darawiishta Puntland ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan ciidamadan usoo galay isla markaana ay ku biirayaan ciidamada difaaca hore ee Puntland.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

askar reer Soomaliland ah oo oodda soo goostay oo soo gaaray Garoowe

 

 

Garoowe:-Waxaa soo garay magaalada Xarunta ah ee Garoowe Ciidan la sheegay inay ka soofakadeen maamulka Somaliland, kuwaas oo soo gaaray Qaybta 54aadoo saldhig u ah ciidanka maamulka Puntland.

 

Mauul ka tirsan ciidnka Puntland oo lagu magacaabo Siciid Maxamed Jaamac ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in ciidan tiradodu garayso ilaa 60 oo fakad ahi ay soo gaareen isla qabyta 54aad ee Garoowe, waxana ay wateen buu yiri laba baabuur oo kuwa milatriga ah weli ma cadda inay inay yihiin kuwo qoryaha waaweyn xanbaara iyo in kale, waxaanu sheegay in ciidankaasi ay yihiin dhalasho ahaan kuwo ka soo jeeda deegaanka Burco iyo Laascaanod.

 

Ciidamadan ayaa sheegay inay la kulmeen dhibaatooyin xagga dhaqaalaha ah, waxaana ay sheegeen inuusan jirin wax daryeel ah oo ay ka helaan maamlka Sooomaaliland.

 

Maahan mar kii ugu horaysay ee soo fakadaan Ciidan ka so baxsaday dhinaca Soomaaliland Bishii aan ka soo gudubnay bay ahayd kolkii laba nin ay la soo fakadeen baabuur uu qori saaran yahay, taasi oo muran ka dhex aloostay labada maamul ee deriska ah.

 

Xarunta war qabka Waayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice development Duke, laakiin allow me in aan u jilciyo the "somali challenged folks" amongst us!

 

Reliable reports coming from the central command of the armed forces of the Puntland State of Somalia have confirmed, that some 40+ Somaliland militias with two armoured vehicles have defected to the Puntland State of Somalia.

 

They were welcomed at the 54 army compound just outside the capital city of Garoowe of the Puntland State of Somalia, which is also the central command for the Puntland armed forces. High ranking individuals in the Puntland forces subsequentley took charge of the Somaliland militia, that has defected to the Puntland State of Somalia. Reports confirm, that they've been already integrated into the security apparatus of the Puntland State of Somalia.

 

The militias, that have defected from Somaliland also told central command of the armed forces of Puntland, that a second group of defectees are on their way to Puntland aswell, although their numbers haven't been confirmed.

 

On the other hand reports coming from Laaska also say, that the second group of defectees have been sighted and also welcomed into Puntland controlled areas. Their numbers and strength have still not been confirmed but a spokesman for the army said, that there will be a subsequent press conference tommorrow inshallaah by the person subsequently in charge of this whole affair.

 

The reason for the mass defection of Somaliland armed forces into Puntland is due to mistreatment, lack of care and moral, resources, health and wages the defectees told high ranking Puntland army officials!

 

The majority of the defected soldiers are from Hargeisa, Burca and some pockets from Sool region.

 

This isn't the first time, Somaliland soldiers have given themselves up to Puntland or expressed to join the Puntland Dervishes!

 

Earlier this month two men from Burca district with a vehicle expressed their wish to join the Puntland Dervishes. Subsequently there was a threat coming out from the Somaliland VP, who vowed, that the Puntland State of Somalia will face enormous consequences if they did not return the two soldiers and the vehicle within 24 hours, however Puntland declined and the threat of an outright attack hasn't yet materialised, although several weeks have passed now.

 

It's not the first time Somliland officials declared 'war' and hostilites on Puntland, if certain ultimatums are not met!

 

It was a couple of month ago, when the Somaliland Sports minister vowed to attack Puntland, which again never materiliased!

 

A oppostion politician also made frequent and several threatening comments, which never came true!

 

On the other hand a female politician, who works part-time in the morning as the Foreign minister/secretary of Somaliland and in the afternoon as a midwife, made also a warning and a act of declaration of war and hostilities a couple of years ago, which again never materiliased.

 

So what will the actions be this time around? More threats, that will not be kept again? Or will they realise, their embarrassing situation and give up their dream?

 

This are questions, that will unfold and we will find answers to inshallaah in the next coming couple of days and weeks!

Share this post


Link to post
Share on other sites

The majority of the defected soldiers are from Hargeisa, Burca and some pockets from Sool region

LOL

 

You wished. Sxb, there were only two men from that said city and these two men are today regretting of what they done. They thought they would sell one of the armed vehicles to Puntland melitias but that wasn't the case, the vehicle was confescated by the melitias and the two men are left stranded in nomansland.

 

 

Anyways, the locals were known to defect to either side of the devide every now and then, what makes it different this time? Wasn't it just 2 months ago when 3 armed vehicles with 9 men defected to Somaliland side?

 

You are talking about mere soldiers, but we have seen even Puntland ministers defect into Somaliland. This is old news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Putting a brave face on ot mate... :D

Old news you say, if it was all normal why on earth did your VP and minister of defence make all those load threats..Hummm, its a bad set back for the secesionists..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well Suldaanka, I wouldn't be surprised if they would start all defecting to Puntland now! Afterall the grass is much, much more greener in Puntland. :D

 

Tell me, I forgot what was their actual number/strength again?

 

Maybe a fellow seccesionist can help you out! Ah, I got it now: 30000 + reserves!

 

The comics in Hargeisa, have now exhausted all their warmongering would be warlords to go forward to the press to declare "war and severe consequences" on Puntland State of Somalia!

 

Already the sports-minister, VP, defence minister, opposition leaders, president and the lady, who works part-time as your foreign minister and in the afternoon as a midwife have been eagerly declaring war on Puntland State of Somalia, but their threats have turned out to be just what they were 'threats', without any weight!

 

I guess now it's the diasporas time, maybe you Suldaanka in your capacity as a 'flag bearer' for the seccesionist can make some 'threats', afterall you can't fail as you got nothing to lose. Try it out, maybe your threats won't sound that empty, s-tupid and comical afterall, as the ones preceeding you before!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Awoowe don't get ahead of yourself... talo weeyan.

 

LOL @ Puntland greener... good for you sxb. Enjoy it. smile.gif

 

Duke

My old pal, me putting on a brave face? LOL LOL

 

Sxb its old news that the locals change sides every now and then, but what was news to everyone was the two naive or rather foolish men that misguidedly thought they would sell an SL Army Vehicle to the enemy. What lured them, is said, was some connections they had with some locals who told them that Puntland was buying Tikono due to the Islamic Courts successes earlier in last month.

 

Anyways, I am sure they realise now of what they had done and how foolish they were. I can only imagine how much they are regretting of their shameful actions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Lol@Suldaanka

 

Local’s kulaha, spoken like a true colonialist, I am glad you are not denying your heritage bro smile.gif

 

This is good news, the more people that realize that the secession is a one way path to destruction the better.

 

I welcome these developments.

 

Suldaanka, denying the truth does not make one look braver. Yes these guys defected, so ask your self why would so many defects with their weapons and everything.

 

Maybe its time you collected some money to pay the wages of these poor souls.

 

Maybe then they wouldn’t defect. Rhetoric’s don't fill stomachs.

 

These gaps in the front line due to the defections need some filling, so why don't you join the war Suldaanka and take the other apologists with you smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldanka, I thought the people from SOOL were part of Somaliland? Come on brother, lets all live together, we are after all Somali's and it is our Land..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this