Sign in to follow this  
General Duke

Cairo: Egypt to support the TFG institutions

Recommended Posts

QAHIRA:Dowlada Masar iyo Somaliya oo meel isla dhigay Wadashaqeyn furan

Posted to the Web Mar 04, 12:16

 

1706.jpg

 

Qaahira:- Kulan magaalada Qaahira ku dhexmaray Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliya iyo Masar ayaa laga soo saaray warbixin ah wadashaqeyn dhex mari doonta labada dowladood.

 

Kulankan ay yeesheen labada Wasaaradood oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliya Ismaaciil Hure Buubaa iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Masar Mr.Ahmed Abu Qeyta ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta labada maamul.

 

Wasiirka Masar ayaa sheegay in dowladiisa ay ka qeyb qaadan doonto taageerida dowlada Soomaaliya iyo sidii dalka Soomaaliya u xasili lahaa.

 

Dowlada Masar ayaa sidoo kale balan qaaday in ay tababaro u fidin doonto Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee Wasaarada cusub ee Arrimahada dibada ee Federaalka Soomaaliya.

 

Dowladaha Masar iyo Somaaliya ayuu ka dhaxeeyaa xiriir soo jireen ah ayadoo Dowlada Masar horey u sheegtay in ay si buuxda u taageersan tahay qorshaha Dowlada Federaalka ee ah xasilinta dalka Soomaaliya.

 

PP/Hnet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirrada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo maser oo ka wad hadlay arrimaha Soomaaiya

 

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Soomaaliya iyo Masar Ahmed Abul Gheyt iyo Dr. ISmaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa kulan xasasi ah ku qaatay magaalada Qaahira ee xarunta dalka maser

 

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Soomaaliya iyo Masar Ahmed Abul Gheyt iyo Dr. ISmaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa kulan xasasi ah ku qaatay magaalada Qaahira ee xarunta dalka maser,waxaana intii kulankoodu socday ay isla falan qeeyeen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaladda uu haatan marayo dalka Soomaaliya,gaar ahaana guulaha iyo horumarka ay ku tallaabsatay dowaldda federalka tan iyo intii ay soo degtay magaalada Muqdisho.

 

Wasiira arrimaha dibadda masarida ayaa u caddeeyay dhigiisa dalka SOomaaliya in xumuumadda masaaridu ay si buuxda u taageersantahay dowladda federalka SOomaaliya oo ayna ku garab taagantahay howl kasta oo ay u qabanayso shacabka Soomaliyeed.

 

"Masar waxaa ay iminka diyaar u tahay in ay dowladda Soomaaliya ka gacansiiso dhan kasta"ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar Abul Gheyt.

 

Sida uu qoray wargeyska AlAhraam ee kasoo baxa magaalada Qaahira waxaa wasiirka arrimaha dibada maser uu ku celiyay in Masar ayku faraxday markii ay maqashay in dowladda Soomaaliya ay ku dhwaaqaday wada hadal dib u heshiisiin ah oo dhex mara Beelaha SOomaalida.

Wasrika ayaa ballan qday in dowaldda Masar oo kaashanaysa samaynteeda iyo dalalka kale ee Afrikaanka ah ay door lixad leh ka cayari doonto dibu dhiska wasaradihii bur buray ee dalka Soomaaliya iyo waliba tababariida ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

 

Waxaa kaloo uu wasiirkan masarida ahi sheegay in uudalkiisu Soomaaliyaka gacan siin doono dhinaca tayaynta howsha diblomaasiyinta Soomalida oo maser aytababarro siin donto.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mr Buubaa aya u sharraxay dhiggiisa Masar dhaq dhaqaaqayada siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliyaiyo waliba xaladaha kacsn e haatan dalka ka tagan.

 

Wsiirka aya ka dhawaajiyay in dowladda Soomaaliya ee nabadda jecel ay kago'antahay in ay dalka dejiso iyadoo la kaashanayo dhamaanba dhinacyada kala duwan ee bulshada Soomalida.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Egypt to help Somalia government

Sun. March 04, 2007 09:38 am.- By Mohamed Abdi Farah. - Send this news article

 

 

(SomaliNet) The Egyptian foreign minister, Ahmed Abul Gheyt, said on Sunday that his government is ready to help Somalia to build its governmental institutions, the Egyptian media reports.

 

The announcement followed a visit by the Somali’s foreign minister Ismael Mohamud Hure known ‘Buba’ who had talks with his Egyptian counterpart.

 

Both leaders who met in the Egyptian capital of Cairo discussed over how to develop and reconstruct war-torn country, Somalia.

 

Abul Gheyt assured his Somali counterpart that Egypt was firmly standing by the Somali transitional government, adding that his government would take part in helping the Somali people out of the crisis.

 

During the talks, Mr. Buba briefed the Egyptian government about the political, social and economical issues in Somalia and the efforts by the TFG towards pacifying the opposing sides in the country.

 

Abul Gheyt, commended the Somalia government over its plans of holding nation wide reconciliation conference.

 

Somali foreign minister, Buba, explained the political events and the tense situation in his country, expressing how the Somali government was determined in attempting to establish peace and security in the country.

 

The minister promised that Egypt would use its resources and in cooperation with the rest of African countries, it would play affective roles in rebuilding Somalia's ruined ministries and train Somali diplomats who would be involved in the ministries.

 

News Category: Somalia

Latest Headlines

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masar oo sheegtay inay ka qayb qaadayso dib u dhiska dalka Soomaaliya

 

(Cairo)-Wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar Axmed Abul-gheyt iyo wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya horumar iyo dib u dhis loogu samayn lahaa.

 

 

 

Axmed Abul-gheyt oo warfidiyeenada la hadlayey kulankii ay Buubaa yeesheen ka dib ayaa sheegay in dalkiisu uu si dhameystiran u garab taagan yahay isla markaana uu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed sidii uu uga baxi lahaa dhibaatada dabada dheeraatay ee mudada dheer ka taagnayn.

 

 

 

Waxaa kale oo uu sheegay Abul-gheyt in dowladda Masar ay diyaar u tahay in ay kaalin muuqata ka qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

 

 

Waxaa iyana uu sheegay wasiirka arimaha dibada Masar sida ay ugu qanacsan yihiin howlaha dib u heshiisiinta qaran la doonayo in la xalifo farqiga jira iyadoo buu yiri arintaasi xal waara u noqonaysa arimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda.

 

 

 

Abul-gheyt waxa uu muujiyay in dowladdiisa oo kaashaneysa Sanduuqa Masar ee iskaashiga Afrika ay door muuqda ka qaadanayso dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo tababarka diblomaasiyiinta ka shaqeysa wasaaraddaasi.

 

 

 

Waxaa isna dhankiisa wasaaiirka arimaha dibada Soomaaliya Soomaaliya ismaaciil maxamuud Hurre Buubaa waxaa uu ka war bixiyey xaaladda ay haatan Soomaaliya marayso iyo dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto dib u dhiska dalka.

 

 

 

DFS iyo dawladda Masar ayaan xiriirkoodu wanaagsanyn tan markii koonfurta dalka inteeda badan ay la wareegeen Migowgii maxaakiimta islaamiga,taas DFS ay qabtay in masar intaas taageero la garab taagan tahay MMI, waxaana Abul-gheyt u muuqdaa mid shkiga noocaas ah meesha ka saaraya.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali FM meets with his Egyptian counterpart

Last Updated::2007-03-04 12:28:22

 

buubaa.jpg

 

HRNet - Cairo:- A high level meeting between Somalia and its close ally Egypt has been held in Egypt capital Cairo on Saturday to discuss about various issues concerning about the two Arab and African countries.

 

 

The gathering in Cairo was between Ahmed Abul Geyt, the foreign minister of Middle Eastern Arab nation of Egypt and Somali's interim government foreign affairs and international cooperation minister Isma'il Moahmud Hurre Buba.

 

Sources close to the meeting say the two officials talked about developing and rebuilding of the war-ravaged and chaotic state of Somalia.

 

Speaking with the reporters after the meeting Abul Geyt said Egypt is completely stands a side with Somalia and will supports Somalis to get out of in 16 years of anarchy and lawless in their country.

 

"Egypt will play a big and key role of rebuilding Somalia and will fund the national reconciliation process in the failed state of Somalia" Abul Geyt said in the talks with Somali FM.

 

The Egyptian FM also said how the interim Somali government is making the national reconciliation process adding the move will lead Somalia peace and stability after years of violence.

 

Earlier Egypt has reportedly offered to provide transport to countries sending troops to Somalia, which has lacked an effective central authority since the 1991 ouster of military strongman Mohamed Siad Barre.

 

HRNet - News Desk

 

Print This Page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladda Masar oo shaacisay in ay dhaqaale siin doonto xukuumadda Federaalka Somaliya.

 

Dawladda Masar ayaa sheegtay in ay gacan siin doonto dawladda kmg ee Somaliya sidi ay dib ugu soo ceshan laheyn dhammaan waaxihii muhimka ahaa ee dalka Soomaaliya, isla markaan ay dib u dhisi ugu laheyd Soomaaliya.

 

Kulan ay magaalada Qaahira ku yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Somaliya iyo Masar ayey kaga wada xaajoodeen qaabkii ay dawladda Masar ku gacan qaban lahayd dawladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar Axmed Abul Geyth oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in xukuumadda Qaahira ay gacan ka geysan doonto nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya, isagoona adkeeyay in ay shacbiga Somaliyeed garab taagan yihiin mar waliba.

 

Abul Geyth waxaa uu xusay in dawladda Masar ay soo dhawaeynayso hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Yuusuf ee la xiriiray in la qabanayo shir weyne dib u heshiiisiin qaran. Kaasi oo ay kasoo qeybgalaan dhinacyada kala duwan ee Somaalida.

 

Wasirka arrimaha dibadda dawladda Soomaaliya Ismaaciil Max'ud Hurre Buubaa ayaa dhinaciisa sheegay in ay muhiim tahay in ay dalalka Carabtu gacan ka geystaan dib u dhiska Soomaaliya. Waxa mudane Hurre uu uga mahad celiyay ballan qaadyada ay dawladda Masar u sameysay xukuumadda Soomaaliya.

 

Buubaa waxaa uu tilmaamay in dalalka Masar iyo Soomaaliya ay ka dhexeeyaan xiriiro saaxibtinimo oo soo jireen ah. Taasina ay ka dhigeyso in labada dhinac ay isugu kaalmeeyaan.

 

 

 

WardheerNews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

7 cut and paste propoganda and just two replies including mine....that says all@lol..........Duke ma is tiri dadkii waa ka daaleen.

 

Are you going to abandon this as well once laguu magacaabo, xoghayaha daba-galka Shabakadaha Soomaalida, Like the idamaale guy did when he became the spokesman for the puppets of the Tigre militia occupying Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ It's relevant news from many different angles and sources. Egypt behind the TFG atleast diplomatically would be unheard of 3 months ago. No even Djibouti is saying we support the TFG and it's institutions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I think Egypt have said we will support Shacabka Soomaaliyeed rather than dowlad ku sheeg. And they need iney masaakiinta xabsiyadooda ka buuxda ee dalkooda u dhashay xorriyad siiyaan marka hore inteysan Soomaali wax tarin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ LOOOL sxb you and your crazy ideas. They have emphatically saidn they will support Dawlada federalka ku meelgaarka and in that support shacabka soomaaliyeed. All these nations realize whats up. No more ICU no more nonsense and a government that is establishing itself more and more by the day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke, do you seriously think cutting and pasting 7 versions of the same articles is going to convince anyone. the TFG can't do through the gun so what makes you think that your mouse and keyboard wil fare any better?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taco,

Getting more AK-47's isnt going to solve the TFG's problems. they are a bunch of hungry warlords who have no interest in the things the somali people want so spare your diatribe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this