Sign in to follow this  
Juje

Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in .....

Recommended Posts

Juje   

Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisayo laga keeni karo karo baarlamaanka gudahiisa iyo Dibaddiisa

 

Arbaco, November 07, 2007(HOL): Kulan ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed ku lahaayeen Xaruntiisa KMG ah ee ADC-da ayaa wuxuu soo gebageboobay goor dhaweyd, iyadooo ay Mudanayaasha isku raaceen go’aanno ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo uu ku jiro qodob ku saabsanaa in la soo dhiso Xukuumad ay xubnaheeda ka imaanayaan Baarlamaanka gudahiisa iyo dibaddiisa.

 

Kulankii maanta oo ay fadhiyeen Xildhibaano gaaraya 226 Mudane, isla markaana uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ayaa lagu soo waramayaa in ay Xildhibaanada inta badan isku raaceen Go’aannadii ka soo baxay shirkii Dib u heshiisiinta, iyadoo Xildhibaanno ka soo horjeeday go’aannadaasna ay u tanaasuleen kuwa taageersanaa.

 

Go’aannada la ansixiyay ee ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ku jira qodob muhiim u ah in la soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Beesha Caalamka, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed ay si weyn u daneynayaan in uu ka yimaado Baarlamaanka dibaddiisa bacdamaa mudadii sedexda sano ahayd ee ay jirtay Dowladda Federaalka ay xubnaha Xukuumadda ka imaanayeen Baarlamaanka gudahiisa.

 

Go’aankan uu maanta gaaray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu meesha ka saarayaa qodob ku qornaa Axdi Qarameedka oo dhigayay in Xubnaha gelaya Xukuumadda ay ka yimaadaan Baarlamaanka gudahiisa, iyadoo taasina ay keentay in ay xubnaha Wasiirada noqda ay mar kale yihiin Xildhibaano ay adag tahay in Xukuumaddooda lala xisaabtamo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmaha soo socda laga dhowrayaa in uu soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay jiraan musharixiin u badan Aqoonyahanno Baarlamaanka Soomaaliya dibadda ka jooga, kuwaasi oo isu soo taagay in ay xilkaas qabtaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Good to see you reporting the decisions reached by the TFG and the Somali Parliament. I hope we can see that light at the end of the tunnel.

 

Baydhabo: Baarlamaanka oo goor dhow ansixiyay in bannaanka laga soo dooran karo Ra'iisul Wasaaraha iyo wasiirada

7. November 2007

 

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Waxaa goor dhow xarunta ADC ee magaalada Baydhabo ku soo gabagabooway fadhigii Baarlamaanka kaasoo maanta ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen qodobkii horyiilay maanta ee ahaa in Ra'iisul Wasaaraha iyo wasiirada dowladda laga soo dooran karo baarlamaanka bannaankiisa.

 

Kulankii Baarlamaanka ee maanta oo ay soo xaadireen 226 Mudane ayaa HAA ku codeeyay in baarlamaanka bannaankiisa laga soo doorto Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirada dowladda iyadoo arintan ay ka danbeysay kadib markii kulankii baarlamaanka ay ka hadleen Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax iyo Cabdullaahi Sh. Ismaaciil oo ku hadlayey magaca kudlada isku duubnimada Baarlamaanka ee taageerayey Ra'iisul Wasaarihii hore iyagoo sheegay in ay ka tanaasuleen fikradii hore, waxayna si cad u sheegeen in ay taageerayaan ajandaha maanta horyaala Baarlamaanka.

 

Kulankii maanta ee xildhibaanada ku yeesheen magaalada Baydhabo ayaa u muuqday in ay ka soo qeybgaleen xildhibaano hal mowqif ka taagan qodobka la ansixiyay iyadoo qodobadii kale ee buugga ku qornaa dib loo dhigay kadib markii la soo jeediyay in laga doodo qodobada kale ee ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta beelaha.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Very good news, this means that the choice is wide open, not entirely limited to 275 heads only... Time to pick the best Somali man for the job and I hope that they will succeed with tha hard tasks that awaits.... I pray for the return of the republic, law and order, peace and prosperity.

 

Wadanka haloo duceeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Emperor:

Time to pick the best Somali man for the job

you mean time to pick up the best Somali man oo u shaqeeya gumeysiga Itoobiya iyo daba-dhilifyada u adeega, waayo TFG kama sugayo inay the best Somali man jago u magacaabaan oo horena loogama baran haddana loogama fadhiyo, haddii aysan sheekadu khiyaali, qiiro iyo isyeelyeel naga ahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Sxb ma inaad fitno katalis iyo dhibaato waligaa ujoogtaa? Aakhirkaa iyo bilowgaagaba waxaad jirtaa sharaysi iyo xumaan abuurid... The TFG is here to stay, live with it, whether you like it or not it is the only body oo sharciyaysan lana aqoonsanyahay Caalamka oo idil, isbadalna waa loo baahanyahay no doubt, marka nin isbadal noocaa abuuri kara Somalina isu keeni kara paragmatic leader ah in Caalamka meeshuu jogaba laga soo doorto ayaan u ololaynayaa adigase waxaad doonaysaa TFG-da inay kala yaacdo qabiilki iyo qurunki iyo dagaalo sokeeyo oo cusub lagu hoobto aad horseedid just because the man on the top is not from your clan...

 

Absolutely predictable iga dheh Somali nin stoog kale ah ayaa loo dooran kulaha, goormaa adiga Somali nin heersare ah udooran jirtay xagee Somali wanaageeda uga fakartay waligaa? Maalinba maro soo xiro, mar waxaa tahay nin qabiil xoraynaayay mar Diinta Islaamka ayaa rabtay mar waxaa tahay nin nationalist ah oo Somalia xoraynaaya... Which one is it?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

I hope they choose Awees or Shariif for prime minister. Bringing the ICU and the TGF together will surely end the slaughter of civilians in Somalia, if they can overcome the distrust and enmity they foster for each other.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Emperor:

^Good to see you reporting the decisions reached by the TFG and the Somali Parliament. I hope we can see that light at the end of the tunnel.

Light...lool! Have you joined the

jehovah witness sxb?

Reporting indeed, but only how the TFG are fcuking up that is all. What is the new PM whether he is brought from Indochina or even further going to do that Geedi has not already done? This TFG is a mess and unrepresentative it shgould be revamped from bottom to top, starting from the chimpamzes in Baydhabo to the old octogenerian.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

Xal ma aha in waligeed dagaal lagu jiro. Halka Itoobiyaankoo baqtiya boqol Soomaliya oo waxba galabsan baa dhimata, haddaan sidaan ku socono yaa dhulkeena u soo haraya?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Juje Say what? the PM is brought from where? Indochina? No mate that was an old rumour, I heard this time round je will be coming from Garowe :D , Juje will get even more diahrea, maya maya only a mere bal inuu madax xanuunka kugu gaboobo...

 

Why don't you just spit it out, Odaga at the top is the whole reason for the never ending insomnia... Insomnia-da unbaad iskala qabsan mar hadii mid kale laguugu sii daro :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Emperor:

Why don't you just spit it out, Odaga at the top is the whole reason for the never ending insomnia... Insomnia-da unbaad iskala qabsan mar hadii mid kale laguugu sii daro
:D

Loooooooooool!

And it will not be wrong to assume that the old man at the top is the one putting a smile in your face. ;):D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Absolutely purely because he's the President of my country, I have that much respect for the republic and conqsequently... Unlike some I don't disrespect a man carrying the weight of my nation on his shoulders, I might disagree at times on some policies but that's entirely different, aight?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Emperor:

^Absolutely purely because he's the President of my country, I have that much respect for the republic and conqsequently

I doubt whether it would have been the same for you had 'Carfaaye' been sitting on that seat.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Doubt iyo malo waa the source of all evil, I say it like I am, adiga all you have to do beleive or not believe me... You could have just wrote I don't believe you.

 

PS: Who is Carfaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Emperor:

^The TFG is here to stay, live with it, whether you like it or not it is the only body oo sharciyaysan lana aqoonsanyahay Caalamka oo idil, isbadalna waa loo baahanyahay no doubt, marka nin isbadal noocaa abuuri kara Somalina isu keeni kara paragmatic leader ah in Caalamka meeshuu jogaba laga soo doorto ayaan u ololaynayaa adigase waxaad doonaysaa TFG-da inay kala yaacdo qabiilki iyo qurunki iyo dagaalo sokeeyo oo cusub lagu hoobto aad horseedid just because the man on the top is not from your clan...

Waa yaab haddii runta laguu sheego ma sharbaa? Simply waxaad Amxaarada iyo odaygan wata, iyo daba-dhilifyada aad la taageereyso malaha qabiil maaha? Adigu ha is kashifin.

RUNTA HADDAAD RABTID ODAYGAAN SOOMAALI KAMA GADI KARTID SUMCADNA FIICANNA MA LEH ADIGUNA MID UMA ABUURI KARTID. TAARIIKHDIISANA WAA LA WADA YAQAANNAA. AQOON,KARTI, HUFNAAN IYO HOGGAANNA SIDUU KA YAHAY HADDAADAN INDHAHA ISKA MALAASAYN WAAD OGTAHAY. HAKA XAJIIMOON HADDII RUNTA LAGA SHEEGAY.

 

Absolutely predictable iga dheh Somali nin stoog kale ah ayaa loo dooran kulaha, goormaa adiga Somali nin heersare ah udooran jirtay xagee Somali wanaageeda uga fakartay waligaa? Maalinba maro soo xiro, mar waxaa tahay nin qabiil xoraynaayay mar Diinta Islaamka ayaa rabtay mar waxaa tahay nin nationalist ah oo Somalia xoraynaaya... Which one is it?

Lol...ninyahow waxaad u hadal egtahay kuwo Soomaalidu ka harsan weysey oo warqado guntiga ku wata oo safiirro ayaa nalaga dhigay ee galgasha waa dowladdiiye dhaha.

 

Waxaa yaab ah Chechniya iyo Afgaanistaan xitaa waa baxsan waayeen. Come on and be honest for once adiga Hiati maa raajicineysey? Adduunoow adduun!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this