Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Peace negotiations led by the Somaliland elders continue in the buhoodle district

Recommended Posts

Ergada Dhexdhexaadinta oo Tuulada Maygaagle ka Bilawday Wajiga Labaad ee Nabadaynta

Burco (Waaheen)- Ergada ku hawlanayd nabadaynta beelihii dirirtu ku dhex-martay deegaanka Karshaale, ayaa markii u horaysay gaadhay Tuulada Maygaagle oo ku taala meel u dhaxaysa Buuhoodle iyo Qori-lugud, halkaasi oo ay kulankii u horayeey isku hor-fadhiisteen madax-dhaqameedka iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle.

 

Ergadan ayaa tiradoodu gaadhaysay 40-taneeyo xubnood ayaa waxa la sheegay in weftiga ergada Somaliland oo ah Salaadiin iyo Madax-dhaqameed sooc ah oo uu horkacayo Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, ay 10:30 subaxnimo ka dhaqaaqeen magaalada Qorilugud, halkaasi oo ay ku sii hadheen ergadii iyagu ka socday dhinaca gole-dhaqameedka Guurtida, iyaga oo ka dhursugi doona jawiga ay la kulmaan Salaadiintu marka ay qaabisho beesha Buuhoodle.

 

Ergada nabadeed ee Salaadiinta ah ayaa warku waxa uu intaasi ku darayaa in ay shalay gogol kuwada qadeeyeen madax-dhaqameedka deegaanka Buuhoodle, halkaasi oo ay ku bilawdeen wada-hadalkoodii, waxaana loo balansan yahay manta in waxgaradka beesha Buuhoodle ay saxeexaan heshiiska wajiga koowaad ee nabadda, kaasi oo ay si buuxda oo loo dhan yahay ay qalinka ugu duugeen beesha Qorilugud.

 

Warku waxa uu intaa raaciyay in deegaanka Buuhoodle ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo lagu diidan yahay wada-hadalka ergada nabada iyo beesha deegaankaasi ku dhex-maraya Maygaagle oo ay wadaan Kooxda nabad-diidka ah ee SSC.

 

Waxa iyaguna dib ugu soo laabtay magaalada Burco weftigii ka socday dhinaca hogaanka Axsaabta qaranka oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin, iyada oo ay iyana magaalada hore usii joogeen weftigii Wasiirada ahaa ee uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaan-dhiggu.

 

Geesta kale Afar maalmood ayaa laga joogaa maalintii ay ergada nabadeed ee ay magacawday xukuumada Somaliland soo gaadheen magaalada Burco, iyaga oo is qaybiyay, qaarkoodna isla maalintii labaad ee socdaalkoodaba hawshoodii ka bilaabeen deegaanka Qorilugud.

 

Ugu danbeyntii Ergada nabadeed ayaa lagu wadaa inay deegaanadaas ku sugnaadaan illaa xal nabadeed oo dhab ah laga gaadhayo dhex-dhexaadinta dhinacyada ku diriray deegaanka Karshaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

The aggressors must be dealt with by any means necessary. Let it be known peace is a non-discriminatory commodity for the parties in the conflict. Mudane Xaaji, your family should be content with what they have, and leave others to their own devices. However, where you may have differences with other northern communities; available conflict resolution techniques should be deployed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

waxaa maanta oo taariikhdu tahay 22,11,2010 magaalada maygaagle kafurmay

gogol nabadeed oo lagu heshiisinayo beelihii dhawaan dirirtu ku dhexmartay

baliga kalshaale,

labada beelood oo ka soo kala jeeda Bariga Burco iyo buuhoodle

 

hadaba waxaa gogosha dhigay odayaash deeganka buuhoodle.waxayna odayaashu gogoshaa udhigeen madax dhaqameedka soo jeeda dhinaca waqooyi,

 

waftigaas oo ka koobnaa 40 xubnood ayaa waxaa kamid ahaa 13 suldaan. boqoro. cuqaaal. nabadono.culumaa u diin waxayna dhamaantood ka yimaaden deegaanada ay kamid ka yihiin ceerigaabo,sheekh,boorame,saylac,galbeedka burco,iyo deegaano kale oo badan yagoo markii hore ku soo horeeyay labada dhinaca dhica Bariga Burco.

 

Xubnaha oo halkaas ku sugnaa mudo shan casho ah oo ay halkaa ka wadeen arimo nabad galyo iyo xabad joojin hadaba maanta ayaa waxaa ay si rasmiya u soo gaadheen

 

magaalada maygaagle halkaas oo gogol loodhigay ka dib waxaa halkaasi ka furmay wada hadalkii, ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay garaad c/laahi garaad soofe isagoo halkaasi ka soo jeediyay

 

qudbad kooban oo isugu jirta salaan iyo soo dhawayn.intaasi kadib waxaa halkaasi ubaxay hadalka dhinaca kale yagoo halkaa u hadlay suldaan saleeban cali ismaaciil oo isagu ka soo jeeeda gobolka boorame isagoo suldaanku uu halkaa ka soo jeediyay qudbad aad u dheer oo uu kaga hadlayo safarkoodii iyo ujeedada ay usocdeen ay ahayd in ay dhexgalaan dadkaa walaalaha, ee dirirtu dhexmartay si ay uga dhaliyaan nabad.waxaana hadala diisi kamid ahaaa(walaalayaal waxaanu joognay mudo shan habeen ah magaalad qorulugud waxaana halkaa kula shirnay beesha q Bariga Burco waxaanuna kala hadalnay ugu horayn nabad inay qaataan xabad joojina ay sameeyaan taana way naga aqbaleen illaahay mahadii.

 

hadaba walaalayaal waxaan idinkana idinka rabanaa inaad taa mid le eg aad qaadataan xabad joojina aad samaysaan marka aanu intaa idin ka helno baanu wixii kale ee howl ah galaynaa) intaa ka dib waxaa hadalkii ubaxay oo uu ku soo wareegay dhinaca buuhoodle yagoo uu halkaasi uga hadlay caaqil c/laahi xasan qanbi oo isagu sheegay in ay ka aqbileen ismada uuna sheegay inay diyaar u yihiin nabada awalana ayna cidi naga jeclayn

 

hadaba fadhigan ayaa maanta waxaa uu wareegii koowad uu ku dhamaaday xabad joojin ayna isla qaateen labada dhinac ismada dhexdhexaadinta iyo kuwa buuhoodle waxa lasugaana ay tahay hawshii oo lagudo galo waxaana lafilayaa inay inta howshu dhamaanayso joogayan isimadani shirkuna soconayo,

 

Read more + audio and pics

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Taleexi:

The aggressors must be dealt with by any means necessary. Let it be known peace is a non-discriminatory commodity for the parties in the conflict. Mudane Xaaji, your family should be content with what they have, and leave others to their own devices. However, where you may have differences with other northern communities; available conflict resolution techniques should be deployed.

They both fought so there for they are both guilty these are skirmish clan wars this happends between neighboring clans but luckily we have our elders (salaadinta iyo cuqaasha) to resolve these kind of issues and so far everthing is going good , The quriluqud Community and The Buhoodle Community are closely related. And they should work towards peace in their district.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wajigii Labaad Ee Shirka Nabadaynta Beelaha Dirirtu Ku Dhex-martay Degaanka Kalshaale Oo Barito Laysku Soo Hor Fadhiisinaayo Maygaagle.

 

 

Burco(Ramaas) Nov.26, 2010 - Wajigii labaad ee shirka nabadaynta labada beelood ee dirirtu ku dhax-martay deegaanka Kalshaale oo u dhaxeeya degaanada Qorilugud iyo Buuhoodle ayaa maalinta Sabtida ee beri ka furmaaya Tuuladda Maygaale oo 20km u jirta magaalada Buuhoodle ee gobolka Buuhoodle.

Shirkan oo layku soo horfadhiisinaayo guddiyo ka tirsan labada ardaa ee ku dagaalamay deegaanka Kalshaale, ayaa loo balansan yahay in berito madalweyn laysugu keeno, halkaas oo lagu wado in ay ka bilaabmaan wada-hadaladii u horeeyay ee laysku soo hor-fadhiisinayo labada beelood ee walaaha ah. Sidaa waxa Shabakadda Ramaasnews u xaqiijiyay Guddoomiyaha Degamadda Qorilugad Maxamed Cumar Faarax.

Kulanka waxa maamulaya guddi Afartan xubnood gaadhaya oo loo saaray xalinta xiisada ka dhex aloosan labadan beelood, waxaana hogaaminaya Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar. Kuwaas oo maalinta beri ah isugu keenaya 50 Xubnood oo ka kala tirsan labadan dhinac. Inta badan-na Ergooyinkii labada Beelood way gaadheen Maygaagle, inkasta oo ay weli qaar maqan yihiin oo la sugaayo illaa Caawa, waxaana labada dhinac ee dirirtu dhex-martay qolo kasta shirka uga qayb-galaaya 25 Xubnood.

 

Labada beelood ayaa si buuxda ugu hogaansamay una ixtiraamay dhambaaladii nabadeed ee ay ujeedinayeen ergada nabadeyntu, mana jiraan wax cabsi ah oo shirka looga baqaayo in ay dib u dhac ku keenaan, ayuu hadalkiisii ku soo xidhay Guddoomiyaha Degmadda Qorilugad Maxamed Cumar Faarax.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Nabadaynta Ee Maygaagle oo maanta dib u dhac ku yimid

 

Waxaa maanta sababo farsamo darteed dib ugu dhacay kulankii shirka Ee gogasha nabadaynta labada beelood ee daris wadaagta Ah ee Buuhoodle iyo Bariga Burco shirka ayaanay cadayn sababta u baaqday inkastoo ilo xog ogaal ah oo ku dhowdhow ay sheegayaan in sababo farsamo ay ku timid iyadoo la filayay maanta in shirkani uu si toos ah u furmo hadana waxaa la filayaa in uu maalinta barrito furmo,

 

 

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka soo wada qayb galaan dhamaan salaadiinta cuqaasha waxgaradka Beelahan ay dirirtu dhexmartay iyo waliba ergooyin aad u tira badan oo dhex dhexaadinaya si loo soo afmeero colaada halkaasi ka kacday oo ka bilaabantay Baraago halkaasi ay ka qoteen dad iyagu ka soo jeeda deegaanka qori lugud taaso ay ka biyo diid sanaayeen reer buuhoodle oo mudo badan ka hadlay waxayna sababtay isku dhac uu ku daatay dhiig waxaana hada qolo kastaaba ay diyaar u tahay in si nabad ah lagu dhameeyo arintaas

si kastoo ay ahaataba waxaa bulshada labada deegaan ka go,an inay ku wada noolaadaan nabad iyo hashiis kaas oo ay kuwada naaloyn jireen waxaan guurtida halkaasi isugu timid ay dadaal ugu jiraan inay colaadaasi ay ku dhameeyaan hashiis waara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Degaanka Maygaagle oo Si Rasmi ah U Furmay

Sunday, 28 November 2010

Burco-(TogdhNews)-Tuuladda Maygaagle ee ka tirsan Degaanka Buuhoodle, ayaa maanta waxa ka

furmay Shirkii Nabadaynta ee u Dhaxeeyay Labadii Beelood ee dhowaan ku Dagaalamay Degaanka Kalshaale.

 

Shirkan ayaa waxa ka qayb galay Dad gaadhaaya ila Boqol Xubnood, oo isugu jira, Garaaddo, Salaadiin, Cuqaal ,Waxgarad iyo Odayaal ka Socdda Dhinacyaddi Colaadan Dhexmartay.

 

Shirkan ayaa maanta Arimaha ugu Horeeya ee lagu soo qaadi doono, ay ka mid yihiin Dhaarinta 50-Xubnood, oo ka Socdda Beelihii Dagaalku Dhexmaray, ka dibna waxa loogu gudbi doonaa, Kala Qaadista Ciidamada Labadda dhinac ee wali isku hor fadhiya goobihii Colaadu ka dhacday.

 

Shirkan oo la sheegin mudadda u soconaayo, ayaa waxa uu ku soo Beegmay Wakhti ay Magaaladda Buuhoodle, ku sugan yihiin Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasoo la sheegay inay u yimaadaan halkaasi, sidii ay gacan u gaysan lahaayeen Nabadgalyadi Labadan Beelood.

 

Waxa kale Wararku sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ahi yimaadeen Degaanka Buuhoodle, kuwaaso aan Si Rasmi ah loo Ogayn u Jeedadooda.

 

Si kasta ha ahaatee gogashan Nabadeed oo ay dhigeen Madax-dhaqameedka iyo Wax garadka Buuhoodle ayaa ah mid lagu Doonaayo in lagu Dhameeyo colaadi dhowaan ka dhacday Kalshaale, ee dhexmartay Beelaha ka soo kala jeeda Degaamadda Qorilugud iyo Buuhoodle, isla markaana gogoshan Nabadeed ayaa laga fogeeyay Wax kasta oo lug ku leh Arrimo Siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this