Sign in to follow this  
Somalina

Kiinya iyo Jabuuti oo tababaraya Booliiska Soomaaliya

Recommended Posts

Somalina   

2010/11/01 | la daabacay Abdikafar Bar-Kulan

Boolis-300x207.jpg

Ku xigeenka ergeygya guddoomiyaha guddiga midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya Wafula Wamunyinyi iyo taliyaha qeybta ciidanka booliska ee AMISOM Benzu Hudson Siyanzanana ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen magaalada Nayroobi ay kaga hadleen qorshaha midowga Afrika uu wado ee ku saabsan tababarka la siinaayo ciidanka booliska ee dalka Soomaaliya.

Wafula Wamunyinyi ayaa sheegay in booliska Soomaaliya uu ka mid yahay laamaha dowladda ee burburay kadib markii la riday dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991, sidaa darteedna loo baahan yahay in dib u dhis lagu sameeyo ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Tababarka loo sameyn doono booliska ayaa waxaa uu ka dhici doono dalalka Jabuuti iyo Kiinya iyadoo dalka Jabuuti lagu tababari doono taliyayaasha iyo saraakiisha sar sare ee booliska halka xarunta tababarka ee Manyani oo ku taala dalka Kiinyana lagu tababari doono askarta booliska ee caadiga ah.

Wamunyinyi ayaa sheegay in dhulka ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ka qabsadeen maleeshiyaadka mucaaradka ah loo baahan yahay inay ilaaliyaan wadooyinkana ay roondooyin ku sameeyaan ciidanka Booliska ka dib markii uu u soo dhamaado tababarka loo sameynayo.

 

Dhanka kale taliyaha qeybta ciidanka booliska ee AMISOM Benzu Hudson Siyanzanana ayaa sheegay in haatan xoogga booliska ee dalka Soomaaliya uu ka koobanyahay ilaa iyo ku dhawaad 7,000 oo askari kuwaas oo ka mid ah saraakiisha tababarka la siin doono si ay u noqdaan ciidamo ku shaqeeya xeerka askarta ee caalamiga ah.

Saraakiishaas oo qeyb qeyb tababarka u qaadan doono ayaa haatan waxaa loo diyaarinhaya visooyinkoodi oo ay ku tagi lahaayeen wadamaad Kiinya iyo Jabuutui sida uu sheegay Benzu Siyanzanana oo ah taliyaha qeybta ciidanka booliska ee AMISOM.

 

Dowladda KMG ah ayaa dooneysa in ciidamadeeda booliska ay gaarsiiso ilaa iyo 10,000 oo askri waxaana lagu wadaa in tiradaas ay goor dhaw ay gaaran si ay dowlada u hesho boolis suga amniga wadooyinka iyo deegaanada ay militariga ka qabsadeen kooxaha hubeysan ee mucaaradka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ awoowo goormanu somalidiid noqonay, somali aan anagu ahayn ba ma jirto eeh , laakin dee somalidu wa amisom diid manad sida aqoon. Anigu ah nin somaali ah waan ka naxa markan arko xammar oo dhaxal guureysa oo dadyoow oo aan soomaali ahayn oo dadka saanta madow eeh afrikada fog laga keenay ku dhex gaardinayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Nina

 

Somalidiidku waa xaasidiin qabiil baa lafaha ka galy , waxa ee ka xunyihiin oo ka baqayaan inay Dowlad Soomaaliyeed xoogeysatu, waayo Midnimadii iyo Qarankii Soomaaliyeed baa soo noqonaya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Awoowe, anagina waxaa i dhibeysa Ethiopian ka xamaalanaaya dekeda Berbera oo xaaskiisa lacag u diraayo whilst Somaligii Berbera ama tuuloyinka u dhow degenaa uu shaqo la'aan yahay and doesn't know how to feed his family (a real story).

Marka, you should worry about that first, intaad AMISOM ku mashquulsantahay.

Askartan la traingareynayana aad ayey ugu baahan yihiin in la baro the proper way of doing things. Haddana AS kama tirsana mana u socdaan, marka kuwa xumaanta saadalinaaya ayaan ku iri "sakiin laqa Soomalidiidyaho". Warku waa intaas.

 

@Liibaan...you are right... just look at JB puking on every thread about Mogadishu's development.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NinaNC:

Awoowe, anagina waxaa i dhibeysa Ethiopian ka xamaalanaaya dekeda Berbera oo xaaskiisa lacag u diraayo whilst Somaligii Berbera ama tuuloyinka u dhow degenaa uu shaqo la'aan yahay and doesn't know how to feed his family (a real story).

Marka, you should worry about that first, intaad AMISOM ku mashquulsantahay.

Askartan la traingareynayana aad ayey ugu baahan yihiin in la baro the proper way of doing things. Haddana AS kama tirsana mana u socdaan, marka kuwa xumaanta saadalinaaya ayaan ku iri "sakiin laqa Soomalidiidyaho". Warku waa intaas.

 

@Liibaan...you are right... just look at JB puking on every thread about Mogadishu's development.

Awoowo wa si fican ciidankan Booliska eeh la tabba baray wa wax so kordhin kara amniga magaalada muqdisho. Laakin qolyahan afrikanku runti kheyr uma so wadaan , Ninka Ethiopianka eeh ka xamaalanaya somaliland eeh xashiska ka gurayo qori ma sito cinda ma dilayo wa miskin cali beysteyn oo nugu hoos Nool. Laakin waxa weye ina commen interest la yeesho dan guud umada ka dhexeyso oo la isu tanasulo Imika Amisomka dadkay ay leyso ya lo raacaya? ma midowga africa Reer Muqadisho wa inay ka fakiran ayaha mustaqbalkoda iyo maatada marba la qixinayo wa wax laga naxayo runti, Inshallah kheyr beynu rajeyneyna

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

^Waxa ah wax laga naxo awoowe, kuwa walaalahood u laynaya xaasidnimo, isku qarxinaya meel walba, dhacaya xoolihii dadka masaakiinta, caruurtii brainwash gareynaya, doonaya iminka iney dumarka ka qeyb qaataan dhiiga ay cabayaan, and wait for it-----kana amar qaadanaya a CIA operative. Now that is wax laga naxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wa runta ila xad qolyaha irhaabiga ama kooxda al shabaab iskugu yeedha laftigeedu dulmiga iyo dhibaatada lug fara badan bey ku leedahay somaliya, Laakin haka dhigin inay qoladan amisom ay yihin Maaliig soo daahiray ummada somaliyeed loo soo diray Awoowo , alshabaab meelahay ka taliyaan wa nabad buuxda markaad ad runti eegtid jubooyinka shabeelada dhexe dagaalku wuxu markasta ka dhaca Magaalada muqdisho iyo agagaarkeeda iyo gobolada dhexe dhuusamarabeeb galguduuud .As for cia inay lug ku leeyihin alshabaab ta cadayn uma hayno, Nin NC gabadh aad u caqli badan baad tahay umana malayn mayo inad tahay dadka somalida eeh aminsan somalida walo heshiyey oo maraykan iyo kharbiyinta ayaa aan rabin inay marnaba somali dawladi ka dhalan.?

Wa in shacabka loo tudha muhimad wa ta bal aynu eegno xukumada cusub eeh Mr farmaajo iyo qaabku wax u wado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

^horta ma isweydiisaa sababta ay Xamar dagaal ugu socdo marwalba? gobolada aad tiri waa nabadna yaa jooga? ciidan kale?meel teenage girls la iska tooganaaya bilaa sharci, lugaha iyo gacmaha caruurta laga jaraayo maxaa yaala? nabad? AS xoogada dhan waa Muqdishu, ilaa iyo hadana meysan gaarin objective-kii ay isku maaweeliyeen iney gaari karaan. Dagaaladii ilaa iyo hadda qolo meel ku gaartey ma jirto, marka haddii ay dad ka naxaayaan hala heshiiyaan dawlada intey goori goor tahay. ICU heshiis bey doorteen si ay dadkooda dhibka ugu joojiyaan, kuwanina iney sii qarxiyaan dadkooda ayey doorteen. AMISOM-na are not without faults adeer, laakiin waxaan ogahay iney bukaanka iyo maatada ku daaweyaan isbitaalkooda, deeqna siiyaan barakacayaasha, iyo isbitaalada Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this