Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sh. Aweys Injured ??

Recommended Posts

Warar laga helay Ceelbuur,Dhuusamaree b iyo Guriceel ayaa xaqiijiyay inuu dagaalka ku dhaawacmay Xasan Dahir oo gaarigii uu la socday lagu gubay Jiidda Wabxo.

 

11 ka mida Saraakiisha sare ee la socotay Xasan Dahir Aweys ayaa ku geeriyooday dagaalka Wabxo,waxaana idiin soo gudbin doonaa magacyada saraakiishaas iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin dheeriya oo laga helay dhaawaca Xasan Dahir iyo Dagaalka

 

Xasan Dahir Aweys waxaa lagu daweeynayaa Isbitaalka Ceelbuur ee bisha Cas kuna yaala wadada u baxdo galhareeri ee qorax u dhaca

Waxaa la damiyaya guud ahaan Isgaarsiinta Magaaladda Ceelbuur waxayna ila wareedyo muhiima sheegeen inay laba xabadood kaga dhaceen xagasha

Dhismaha Villa Jarmalka ee uu ka dhisan yahay Isbitaalka Bisha Cas ee Ceelbuur guud ahaan lama geli karo,waxaana la dhigay Ciidamo xoogan.

Ila wareedyo muhiima waxay sheegeen in Xasan Dahir ay dhaawacmeen Ciidamo sahana oo taabacsan Ahlusunna xilli uu ku socday wado qarda jeexa.

 

Dagaalka dhexmaray Ahlusunna iyo Xulufadda Xasan Dahir waxaa ku dhintay Saraakiil ay ka mid yihiin Tima Jilic Diga Xeroow oo ka mida Saraakiisha sare ee kooxda la baxday Shabaab una dhashay Murursade iyo Xuseen Dheere oo u dhashay beesha Ceyr **********

Tima Jilic Diga Xeroow,wuxuu ahaa reer Ceelbuur,u dhashay beesha Murursade gaar ahaan Sabti,Abakar,Asraafi il ,wuxuu ku magacaawnaa Abaanduulaha goboladda dhexe ee Somalia.

Hore waxaa guri ceel ugu geeriyooday Tima Jilic Ramaash oo u dhashay beesha Murursade,kana mid ahaa ragga ugu sareeya Shabaab.

Inkastoo labada Timo Jilic ay isku yihiin Jufadda Asraafiil Abakar,hadana kii hore ee Meeydkiisa lagu soo bandhigay Waagacusub wuxuu ahaa reer Mogadishu,gaar ahaan Xaafada Buula Wagac loo yaqaan ama Buulo Asraafiil kuna dhaweyd Warshadda Caanaha Mogadishu.

Ahlusunna waxaa kaga dhaawacmay 33 dagaalyahan halka Xulufadda Xisbul Islaam iyo Shabaab la xaqiijiyay 124 ka mida dagaalyananadooda

Dhaawaca Ahlusunna waxaa la geeyay Guriceel halka kuwa Xasan Dahir lagu daweeynayo Ceelbuur

Dagaal rogaal celisa ayey Ahlusunna ku jiidatay gaari dagaal oo nuuciisu yahay Beebe kaas oo hore god uga dhacay ayna uga carareen Wabxo

Dagaalyahanadda Ahlusunna ee dib u qabsaday Wabxo waxay hore uga gurteen ka gadaal markii ay iska difaaci waayeen weerarkii afaraad oo ay soo galeen guuto caaboon,uuna watay Xasan Turki.

 

Sedexdii rac ee dagaalka ayey Ahlsunna dhulka dhigeen dhimasho iyo dhaawacii ugu badnaa ee Isbaheysatadda Xasan Dahir Aweys hasse yeeshee racii afaraad ayey Isgaarsiintii ka go-day,waxayna taliyeyaasha iclaamiyeen in xeelad dagaal loogu gurto War Xoolo maadama iska warqabkii jarmay,ayna gabaabsi ka noqdeen waxyaabo badan sida Saadkii oo telefoonkiisa hawada ka baxay.

Labada dhinac waxay qaboojiyeen rasaasta,waxaana la hadal hayaa inay sugayaan gurmadyo

 

Muuqaalka guud ee Galgaduud wuxuu u eg yahay in lagu kala baxayo shan saacadood oo saqda dhexe ka bilaabanee kadib sida ay Waagacusub u sheegeen Saraakiil xog ogaala oo ku sii jeeda jiida dagaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sustaining injury at the battle front would most certainly bolster Awey’s claim to jihadist perpetuity and further solidifying his status within the ranks of the resistance movement.

 

Not what Sheikh Shariif should be looking for!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Odagan Daahir Aweeys inuu Khaatimo Xumadaan sidii Aidiid Snr (AUN) xabad dhafoorka kaga dhagayso waan umalaynaayay...

 

But who can trust who, other websites were reporting, Indha'ade and vice governer of Banaadir in Shaaweeye were wounded in the battles of Mogadishu, so who knows what and which source is credible?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

banaanbaxa2.JPG

Dhaawaca Sh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo saacadaha soo socda loo soo duulinayo dalka Jarmalka

 

Sh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ahaa dagaal galiyihii ugu weynaa dowlada KMG ee Somalia ayaa waxa uu ku dhaawacmay dagaal aad u qaraar oo shalay galab ka dhacay aaga degmada Yaaqshiid gaar ahaan isgoyska fagax waxa uuna dhaawacu ka soo gaaray dhanka wajiga iyo feeraha, Waxana hada dhaawaca Sheekha lagu dabiibayaa Xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Cusbilaatlka ciidamada Amisom.

 

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada KMG Sh Shariif Sh Axmed oo ku bixiyay Qarash gaaraya Nus Milyan dollarka mareykanka ah sidii dhaawac Sh:Yususf Indhacade Dibada loogu qaadi lahaa maadaama uu ahaa hogaamiye si weyn dowladu ugu diirsaday mudadii gaabneyd ee uu ka tirsanaa isla markaana guulo waaweyn ka soo hooyay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Laakin dayniile waaye!! :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this