Sign in to follow this  
Maaddeey

Gedo's Hisbul Islam On Ahmed Madoobe

Recommended Posts

Maaddeey   

Muqdisho, Somalia (AOL) -Ururka Xisbul Gobalka Gedo ayaa si kulul ugasoo horjeestay War dhawaan kasoo yeeray saraakiil katirsan Xisbul Islaamka ku sugan magaalada Muqdisho oo sheegayay in ay mas'uul kayihiin dagaaladii dhawaan Jubbooyinka ka dhacay.

 

Gudoomiyaha Xisbul islaam gobalka Gedo Sheekh Farxaan Ciilmooge ayaa degmada Luuq gobalkaasi Gedo ka sheegay in Ururkooda uusan kamid ahayn Axmed Max'med Islaam Axmed Madoobe oo Jubbooyinka kula dagaalamay Shabaabul Mujaahidiin.

 

Isagoo Waraysi siinayay Weriye Axmed Cumar Saalixi oo Shabelle katirsan ayuu Farxaan Ciilmooge sheegay in Axmed Madoobe uu la shaqeeyo wadamada Deriska la ah Somalida sida Itoobiya iyo Kenya oo dagaal kala dhexeeya islaamiyiinta.

 

"Axmed Madoobe waa Nin shaqsi ah oo dagaal lagalay Mujaahidiinta qaybo kamid ah codka laga helay waa si macluum ah,Ninkaasi waa Nin u shaqaynaya dowladaha deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya oo calaaqaad laleh Ninkaas Xisbiga kama tirsana wuxuu doonayaa in uu Mujaahidiinta isku diro wuuna ogyhay in uusan Xisbul ahayne wuxuu rabaa xumaan"ayuu yiri Farxaan Ciilmooge oo hadal dheer ka yiri dagaalada Jubbooyinka.

 

Gudoomiyaha Xisbul islaam gobalka Gedo wuxuu sheegay in Afhayeenka Xisbul Islaam Maxamed Macalin uusan aragti dheer lahayn islamarkaana uu ku deg dego Hadalada uu Idaacadaha ka jeediyo oo colaad dhalinaya sida uu hadalka u dhigay.

 

Ugu dambayntii Xisbul Islaamka Gedo waxay ugu baaqeen xoogaga islaamiyiinta ah in ay wadahadal yeeshaan oo ay Midoobaan si ay uga adaakaadan Cadaw ay ula jeedaan dowladda KMG Somalia iyo Ciidamada AMISOM.

 

Kalahadalka Xisbul islaam ayaa muujinaya in Khilaaf xoogan uu u dhexeeyo Xisbiga kaas oo ku aadan qaabka loola loolami karo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo koonfurta Somalia ka maamusho deegaano badan.

 

Daahir Guuleed

Wararkamaanta@hotmail.com

Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this