Sign in to follow this  
General Duke

RRA leaders arrive in region:+ other news from Baidoa

Recommended Posts

Nairobi:Wasiiro ka tirsan DFKMG ah ee Soomaaliya oo saaka u dhoofay gobolka Bakool

- Monday, March 28, 2005 at 12:05

 

Nairobi(Allpuntland)-Waxaa saaka ka dhoofay magaalada Nairobi Wasiiro ka tirsan xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya iyagoo ku sii jeeda Gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya.

 

Wasiiradaan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Beeraha ee Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud),Wasiirka Garsoorka Shiikh Aadan Maxamed Nuur(Aadan Madoobe),Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deeroow ***** iyo xubno kale.

 

Socdaalka wefdigaan ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu ka danbeeyey dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee u dhexeeyey maleeshiyo taageersan Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo kuwo raacsan Wasiiradan saaka baxay oo dagaal labo maalmood ah ka dib ay sababtay inay magaalada ka baxaan maleeshiyooyinkii raacsanaa Wasiirada,ka dib markii maleeshiyooyin aad u farabadan oo uu wato guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ay u soo gurmadeen maleeshiyadii Xildhibaan Xaabsade oo ay ******** inay magaalada ku soo fool leeyihiin.

 

Lama yaqaan Wasiirada maanta ku laabtay deegaanada ay ka soo jeedaan ee Bay iyo Bakool inay irdaha u furi doonto dagaal dhexmara iyaga iyo kuwa ka soo duuley Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir ama inay ku tirtirsiin doonaan in kooxaha dibedda gobolka ka yimid inay si nabad ah uga baxaan deegaanka si aan dhiig danbe uga dhex daadan kuwa soo duuley iyo dadka deegaanka oo weli xusuusan dhibaatadii loo geystey gobolladaas markii maleeshiyooyin aan deegaanka u dhalani ay qabsadeen balse dagaal dhiig badani ku daatay ka dib ay dadka reer Bay iyo Bakool ugu danbayntii kaga saareen maleeshiyooyinkii sababay in magaalada Baydhabo loo bixiyo magaaladii dhimashada.

 

Waxaa isaguna u dhoofay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe guddoomiyaha guddiga siyaasadda ee gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamed Ibraahim Xabeeb(Maxamed Dheere) si uu ugu sii gogol xaaro dawladda FKMG ah oo dhowaan u kicitimi doonta halkaas si ugu sii hakato inta magaala madaxdu ka xasilayso iyadoo aysan meesha ka marnayn colaadaha ka soo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobollada Koonfurta Soomaaliya oo sababay inay magaalada Baydhabo gacanta ku dhigaan maleehiyooyin garabsanaya kooxo ka soo gurmaday deegaanno kale iyagoo muujinaya isbahaysi ku qotoma siyaasaddii laga soo gudbey ee ku salaysnayd qabaliga iyo is jiidjiidka iyo kooxaysiga, tani oo irdaha u furi karta in si degdeg ah loo hirgeliyo dalabkii xukuumadda Soomaaliya ee ciidammada shisheeye maadaama ay dhabowdey fikirkii ahaa inaan Soomaaliya ,gaar ahaana gobollada Koonfurta dawlad laga hirgelin karin ilaa hubka laga dhigo kooxaha hubaysan ee iyagu u heellan fashilinta dawlad kasta oo Soomaaliya ka dhalata maadaama ay ku naaxaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee masaakiinta ee iyagu u baahan dawladda iyo kala danbaynta.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col. Xassan Shaatiguduud oo sheegay inuu xoog ciidan uga saari doono magaalada Baydhabo xoogag qabsaday

 

Nairobi :- Col. Xassan Maxamed Shaati Guduud oo ah wasiirka Beeraha ee dowlada Federaalka ahna Hogaamiyaha garabkii ururka RRA ee shalay laga saaray magaalada Baydhabo, wuxuuna hogaamiyahaasi sheegay inuu adeegsan doono awood ciidan sidii uu dib u qabsan lahaa magaaladaasi.

 

Col.Shaatiguduud oo ay dagaalo ku dhexmareen ninka ay isku beesha yihiin isla markaana ay kuwada jiraan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Mr.Maxamed Ibraahin Xaabsade ayuu sheegay in hogaamiyahaasi kasoo horjeeda uu adeegsaday xoogag kasoo duulay magaalada Marka.

 

Shaatiguduud ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in maleeshiyooyinka beesha Cayr ee ka amar qaata Yusuf Siyaad Indhocade oo ah ninka gacanta ku haya magaalada Marka ay ahaayeen kuwii shalay qabsaday magaalada isla markaana gacanta siiyey ninka ay iska soo horjeedaan ee Xaabsade.

 

Korneylka ayaa hadalkiisa ku daray in xiisada laga aloosay magaalada Baydhabo ay qeyb ka tahay dadaal ay ugu jiraan qaar kamid ah hogaamiye kooxeedka in ay ku burburiyaan dowlada lagu dhisay dalka Kenya.

 

Baydhabo oo kamid ah goobihii ay daneenaysay xukuumada in ay u guurta ayaa dagaal iyo xiisad colaadeed laga keciyey ayuu yiri Shaatigaduud oo ku nuux nuuxsaday in uu la dagaalami doono ciidamada kasoo horjeeda wuxuuna ugu baaqay shacabka deegaankaasi in ay iska caabiyaan xooga qabsaday ee isbaheysiga la baxay Samatabixinta.

 

Shaatiguduud ayaa ku eedeeyey Yusuf Indho-Cade oo ah ninka ay gacansaarka leeyihiin Xaabsade inuu wado qorshooyin uu fulinayo ayna ka danbeeyaan xubno kale oo ka shaqeenaya sidii lagu majo xaabin lahaa dowlada Soomaaliyeed, waa suu hadalka u dhigayee.

 

Isbaheysi hadii lagu qabsaday Baydhabo anaguna Isbaheysi kale ayaanu sameysaneynaa ayuu yiri SHaatiguduud oo shaaciyey inuu dagaalkan sii socon doono illaa kooxaha kasoo horjeedo laga xoreeyo deegaanada ay qabsadeen, waa suu hadalka u dhigayee.

 

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayey shalay gacanta ku dhigeen maleeshiyooyinka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo waliba maleeshiyooyin ka yimid magaalada Marka oo uu hogaaminayo Yusuf Indho-cade.

 

Balse Mr.Indhocade oo xalay saxaafada la hadlay ayaa beeninyey in uu magaaladaasi Baydhabo wax dagaal ah u yimid, asagoo markaa sheegay inuu wado dhex dhexaadin, waa sida uu hadalka u dhigayee.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere oo maleeshiyadiisa heega geliyey iyo dhaq dhaqaaq ka socda Jawhar

 

Muqdisho :- Maleeshiyooyinka ciidamada Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa bilaabay diyaar garow culus oo ay wadaan isla markaana waxaana laga baqayaa in ay ciidamadaasi u baxaan dhanka magaalada Baydhabo.

 

Gawaari gaaraya 14 oo ah kuwa Tiknikada loo yaqaan ayaa gaaray magaalada Jawhar ayagoo ka ambobaxay shalay magaaladan Muqdisho, tiknikadan oo ah kuwa ka amar qaata Maxamed Dheere ayaa la sheegay in ay ku biireen ciidamada hogaamiyaasi oo heegan sare la geliyey.

 

Maxamed Dheere oo dhawaan kasoo noqday magaalada Nairobi oo uu safar ugu maqnaan todobaadkii lasoo dhaafay ayaa la sheegayaa inuu damacsan yahay in uu ka qeyb qaato dagaalada ka socda magaalada Baydhabo ee gobalka Bay.

 

Magaalada Baydhabo ayey shalay gacanta ku dhigeen Maleeshiyada Xaabsade iyo kuwa Yusuf Indhocade oo gacansiiyey, waxaana lagu wada in maleeshiyooyinka Maxamed Dheere ay dhici karto in ay taageero ciidan u fidiyaan garabta Shaatiguduud oo shalay awood ciidan looga saaray magaalada Baydhabo.

 

Maxamed Dheere ayaa kamid ah hogaamiyaasha sida fir fircoon u taageera dowlada lagu dhisay dalka Kenya ee Federaalka Soomaaliya, wuxuuna gacanta ku hayaan magaalada Jawhar oo kamid ah labada magaalo ay xukuumada Federaalka qorsheyso in ay xarumo ka sameysato.

 

Magaalada labaad oo ah Baydhabo ayaa hada gacanta u gashay maleeshiyooyinka ama Hogaamiyaasa dhanka siyaasada kasoo horjeeda in xukuumada Federaalka ay timaado magaalooyinka Jawhar iyo Baydhabo taasoo laga yaabo in ay dhaliso dagaalo horleh oo dhexmara maleeshiyooyinka ay kala hogaamiyaan ragga dhanka siyaasada isaga soo horjeeda.

 

Col.Shaatiguduud oo ciidamadiisa shalay laga saaray magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu asaguna sameysan doono Isbaheysi milatari kadib markii ay shalay isku kaashadeen isbaheysiga Xaabsade iyo Yusuf Indho-cade.

 

Isbaheysigan uu ka dhawaajiyey Shaatiguduud ayaa loo badinayaa in uu noqon doono Maxamed Dheere oo kamid ah hogaamiyaasha awooda ciidan kuleh gobalka Shabeelada Dhexe iyo qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyadkii Lix sano ka hor laga xoreeyey Baydhabo oo mar kale dib u qabsadey.

 

Shacabka Digil iyo Mirifle qaasatan kuwa Baydhabo ayaa maanta ku waa bariistey waji aan farxad lahayn iyo murugo hor leh ka dib markii indhaha ay saareen ********tii 1999 ay ka xoresyteen degaankooda oo saakeyto dib u qabsadey.

 

Sanadkii 1995tii ayaa Gen Ceydiid oo ay wehliyaan beel ka mid ah beelaha Digil iyo Mirifle oo ay colaad ka dhexeysey keeneen magaalada Baydhabo, dhacdadaas ayaa maanta markale laga dhabeeyey markii mid ka mid ah kooxaha isku haaya siyaasada Digil iyo Mirifle ay maciin bideen kuwii hore looga xoreeyey degaanka.

 

Maleeshiyadkan saaka magaalada Baydhabo ku waa bariistey ayaa wax hogaaminayey Yusuf Indha- Cade oo ninka beeshiisu xoga ku heysata gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana qorshahan wax ka wada ganacsato uu ka mid yahay Xuseen Gooley, Deylaaf iyo Madaxweyniihii lagu so doortey Carta C/qaasim Salaat.

 

Dadka magaalada ayaa bilaabey qaxid la mid ah tii ka dhacdey 1995-tii, maleeshiyaadka saaka magaalada soo galey ayay waxay bililiqo u geesteen baqaaro ku yaaley suuqa magaalada Baydhabo.

 

Xiriir aan la yeelanay dad jooga magaalada ayaa ii sheegey ineysan u dul qaadan doonin gacan sedexaad oo soo fara gelisa arimaha Digil iyo Mirifle, waxayna ii sheegeen iney ka xureyn doonaan dhulkooda.

 

Dhinaca kale warar aynu ka helney ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in tegitaanka kooxdan ay wehlin doonto kuwo kale oo maalmaha soo socda ka tegi doonaan magaalada Muqdisho iyo Kismaayo taasoo looga gol leeyahay in ciidamada Uganda iyo Suudaan ee tagaya dalka Somaliya dhamaadka bisha Abril looga hor joogsado.

 

Waxaa dhowaan digniin ku aadan ciidamdas jeediyey Col Xasan Dahir Aweys oo Mareykanka ugu jiraan liiska argagixisada caalamka, wuxuuna sheegey inuu la dagaalami doono ciidamada shisheeye ee la keenayo dalka.

 

Maanta waxa taariikhihi madmadoobaa ee soo marey beelaha Digil iyo Mirifle ugu darsantey tu kale aanan la ogeyn sida ay uga bixi doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col Shaatiguduud, Sheekh Aadan Madoobe, C/lla Deerow ***** , Shekkh Mader oo Duhurnimadii Maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Xudur.

 

Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo ka soo jeedda gobolada Bay iyo Bakool, ayaa maanta gaaray magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool kadib markii ay ka soo kictimeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Wasiirada gaaray magaalada Xuddur ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Beeraha Col Xasan Maxamed Nuur (shaatiguduud), Wasiirka Garsoorka iyo Caddaalada Sheekh Aadan Maxed Nuur (Sh.Madoobde) Wasiirka Gaadiidka dhulka iyo Cirka Ibraahim Aadan Xasan (kiishbur) Wasiirka dib u heshiisiinta iyo xiriirka jaaliayadaha Sheekh Aadan Sheekh Mad-deer, Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federalka Cabdalla Deerow ***** iyo xildhibaano kale oo Baarlamanka ka tirsan,waxaana halkaas ku soo dhaweeyay xubo ka tirsan Maamulka magaalada hudur.

 

Soo laabashada wasiirada iyo xildhibaanada ayaa ku soo aadey, xilli labadii maalmood ee laga soo gudbey magaalada Baydhabo ay ka socdeen dagaalo geystey dhimasho iyo dhaawac, oo isla markaana mid ka mid ah labadii dhinac ee ku dagaalamayay ka baxeen magaalada, taasoo ay ku tilmaameen xeelad dagaal,waxaana hadda magaalada Baydhabo gacanta ku haaya Labo maleeshiye kala taageerta Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Sheekh Yuusuf Indha Cadde.

 

Sababta wafdigan manta u yimid ayaa lagu sheegay inay tahay sidii dagaal ugaga hortagi lahaayeen kooxda la sheegay inay gobolka Baay kaga soo duuleen dhanka iyo magaalada muqdisho, waxaana dhagaha u taagan oo la sugaya dagaalka ka dhici doona magaalada Baydhabo.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubno ka tirsan Wasiirada Xukuummadda FKMG ah oo saaka u kicitimay Gobolka bakool

Posted to the Web Mar 28, 15:04

 

 

Nairobi:-Wefti ka socda Dawladda FKMG ah oo ka koobnaa Golaha wasiirada iyo baarlamaanka ayaa waxay saaka u dhoofeen Gobolka Bakool,iyagoo halkaasi u aaday arrimo la xiriira dagaaladii ka soo cusboonaaday Goboladaasi gaar ahaan Magaalada baydhabo.

 

Wefgtiga oo ka koobnaa 11 xubnood ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Beeraha Xasan Maxamed Nuur(Shaati-gaduud),Wasiirka Garsoorka Sh.Aadan Maxamed Nuur(Sh.Aadan-madoobe),Wasiirka Dib u Heshiisiinta iyo Jaaliyadda Dibedda

Sh.Aadan Sh.Maxamed,Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka

Cabdalle Deerow ***** iyo xubno kale.

 

Socdaalka weftigaan ayaa waxa uu ka salka ku hayaa sida warar madaxbanaan sheegayaan dagaalkii dhawaan ka dhacay Gobolka Bay ee ay Magaalada Baydhabo ugu gacan gashay Garabka RRAda ee uu hoggaamiyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade,ayna isaga baxeen ciidamadii ka amarqaadan jiray Sh.Aadan Madoobe iyo Shaati-gaduud ka dib markii soo gaareen halkaasi Maleeshiyooyin uu horkacayo Yuusuf Indhacade oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose,kuwaasoo gacan siinayey dhinaca magaalada ku haray ee Xaabsade balse Indhacade ayaa isagu sheegay inuu halkaasi u tagay inuu dhexdhexaadiyo labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

 

 

[Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha,Axmed Maxamed Cabdi oo maanta saxaafaddu wax ka weydiisay ujeedada ka dambeysa safarka Xubnihii maanta u socdaalay Gobolka Bakool ayaa waxa uu sehegay inay halkaasi u aadeen sidii looga saari lahaa Maleeshiyooyinka qabsaday Magaalada baydhabo ee ka amarqaata Sh.Yuusuf oo ah nin Al-itaxaad ah waa sida uu hadalka u dhigaye,islamarkaasna aysan dadka deegaanka Bay iyo Bakool aqbali karin in dhulkooda xoog lagu qabsadoisagoo meesha ka saaray inay wax wada hadal ah lala galo ciidamada gacanta ku haya magaalada.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

The pearl-eyed "Sheekh" made a huge, huge blunder. Entering an already burning flame of internal squabbling could possibly be his last political card's spade. I see Qoryooleey, Awdheegle, Daafeed, Marka, Afgooye, Baraawe waa ku filnaan weysay, but as it had been said:

 

"Cagtii joogsan weydo mar bay ceeb la kulantaa."

 

Pray for the innocent Soomaalis, the soon-to-be victims of all but expected blood that will soon spill once again.

 

In early 1991, Cumar Jees and his minion "Junior" Sayidka came. God knows what they did.

 

In 1995, Caydiid, led by the same endowed mentality factions kistoo loo soo dhaabtay $$, came and the unspeakable cruelty followed is fresh in many people's memory.

 

And now, our pearl-eyed "wadaad" apparently hadn't learned a lesson yet.

Share this post


Link to post
Share on other sites
OG_Girl   

Just names and faces changed but they all are same... Aided, Yusuf, Bare,Jees... and list will be very long!! God helps!

 

Salam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well I see the current show down in the Riverine region as the final decider. The winners shall rule, the loosers shall bite the dust.

 

The only wildcard so far is Ethiopia, will it interfere and save her boys from an imminent Morgan like humiliation despite the UN Weapons Embargo? Time will tell.

 

As for the phantom government, it can secure all the external help it wants but at the end of the day what you have on the ground is all that counts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well I see the current show down in the Riverine region as the final decider. The winners shall rule, the loosers shall bite the dust.

 

lol. Maybe you are right for once, however the groups from Xamar have shown their hand way to soon. Attacking Baidoa will unite the RRA under the banner of the government. Ethipia support is there as it always was for Inda Cade/Dahir Aways represent reminants of the Al-Itixad.

 

As for the government, its ministers from Bay& Bakool are united against this threat and that is all is needed..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ lol@for once

 

If things remain as they are at the moment, Golaha Samata Bixinta will have no much problems in routing the SRRC out of the last 2 regions that come under their rule, namely Shabeele-Dhexe and Bakool.

 

But as I said things will take a different face if Ethiopia gets itself involved in the Somali politcal quagmire. We will see how things go.

 

Surely, without the Golaha Samatabixinta, the powerbrokers in the far South, the phantom government will only exist in name only and will probably remain in exile.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Samata Bixinta will have no much problems in routing the SRRC out of the last 2 regions that come under their rule, namely Shabeele-Dhexe and Bakool.

My goodness what a thing to say, nothing has even happened yet and my man is mentioning the who?

 

If yesterday even RRA were defeated then I would have worried, if a force other than Inda Cade got involved it would have been news. But a man who is in a precarious position in MARKA, makes no difefrence to the big picture.

 

The government has not even come yet, but be assured Abdullahi wont stay in Nairobi any longer than he needs to.

 

In the art of war, one should never attack least he is ready. There is doubt in your answers, what will Ethiopia do keeps ending your sentinces destroying any shred of confidence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Duke_Valantino:

Ethipia support is there as it always was for Inda Cade/Dahir Aways represent
reminants of the Al-Itixad.
[/QB]

General Duke, you confuse what is a legitimate Islamic organization with a bunch of scofflaws who disguise as a wadaado! Al-Itihad, mind you, is an Islamist party that had its ups and down in the course of the civil war, but a genuine one. So would you care to do little distinction before you throw them in to the mix?

 

As for the latest news and the invasion of Baidoba, I take it as a prelude (as odd as it may sound) for the restoration of government! These are, indeed, testing times. The leaders of Somali anarchy will make their desperate stand to preserve their loot as they know the stakes have never been any higher. The government will also make its stand, as there’s no going back. Although I am not keen on the old man, I sure think this government as the last hope for Somali people. At this point of Somali politics, I am beyond personalities and stick with the big picture.

 

So far things are going as I expected (except this unreasonable insistence for Ethiopian troops from governments part and little delayed relocation) and this latest adventure of invading Baidoba is no more than a waning and fruitless effort from that ilk’s part. They are not going to die quite. A naissance, to be sure, that will be reduced in due time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this