Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: Ras Kamboni Canoole take over city peacefully Al Shabaab leaders leave?

Recommended Posts

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada Hoose ayaa sheegaya in kadib markii xalay 11:00 habeenimo uu soo gaaray magaalada Kismaayo Sh Ahmed Max'ed Islan (Madoobe) oo horkacaaya maleeshiyaad iyo gaadiid dagaal kuwaasoo laba jiho ka soo kala galay magaalada, waxaana la sheegay in Horjoogayaasha Shababka si lama filaan ay ay uga baxeen gudaha magaalada Kismaayo iyagoo dib ugu gurtay dhinaca Goobweyn.

 

 

Xogtaan ayaa Tilmaamatay in dhaqdhaqaaq xoogan iyo dareen colaadeed ay xalay ilaa saakay ka jirto gudaha magaalada, waxaan wararku sheegayaan in maleeshiyaadka Ciidamada uu horkacaayo Sh.Ahmed Madoobe ay ka soo galeen magaalada Kismaayo laba jiho oo kala ah wadadda dheer ee ka timaada Dhoobley iyo dhanka Buula Xaaji waxaana dibada magaalada kaga hortagay oo soo galbiyey Maleeshiyaa dka Mucaskarka raskambooni kuwa Caanoole iyo kuwo kale oo beelaha ah kuna sugnaa agagaarka warshada Hilibka.

 

Maleeshiyaadka Al-Sh abaab ayaan isku dayin in ay horjoogsadaan malees hiyaadka uu wato Sh Ahmed Madoobe waxaana la filayaa in uu saakay kulamo la qaato odaayasha dhaqanka & ergada Xisbul Islaam ee ku sugan magaalada Kismaayo.

 

Wararkii ugu danbeeyey magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxdii Al-Shabaab iyo ciidankoodii ay ka baxeen magaalda Kismaayo waxayna ku sugan yihiin Deegaanka Goobweyn lamana yaqaan sababta ay uga baxeen magaalada Kismaayo, waxeyse wararku intaasi raaciyeen iney aad uga fajicisay tirada Maleeshiyaadka & gaadiidka dagaalka ee Mucaskarada Raskambooni & Caanoole ay soo abaabuleen soona geliyeen gudaha magaalada, waxeyna wada tashi dheer kadib go'aansadeen iney dib uga gurtaan gudaha magaalada oo difaac ka galaan wadada ka timaada magaalada Muqdisho.

 

Xaalada Amaan magaalada Kismaayo ayaa lagu tilmaamay mid kacsan, kadib markii ay dib u gurteen Horjogayaasha & maleeshiyadka Shababka, waxaana magaalada hadda u qeybsan tahay laba qeybood sidii aheyd waagii uu ka talinaayay Col.Barre Hiiraale, waxaana laga cabsi qabaa inuu ka qarxo dagaal lagu hoobto uu dhex mara Maleeshiyaadka labada urur, ilaa hadda ma jiraan cid u istaagtay iney dhex dhexaadiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogaga Al Shabaab oo laga qabsaday Kismayo

27 Sep 27, 2009 - 5:54:40 PM

 

Ciidamo taabacsan Sh. Xasan C/llaahi Xirsi [Turkey] oo ah gudoomiye ku xigeenka Ururka Xisbul Islam iyo Ciidamada Caanoole ayaa si nabadgalyo ah xalay galinkii dambe [sep 27] kula wareegay Magaalada Kismaayo, halkaasoo ay gacanta ku haysay Al-shabaab.

 

Wariyeyaal ku sugan Kismaayo ayaa u xaqiijiyay GO in ciidamo uu wato Sh. Axmed Max'ed Islam [Madoobe] oo taabacsan Sh. Xasan Turkey ay magaalada ku sugan yihiin, iyado saraakiishii Al-shabaab ay aadeen dhanka degmada Jamaame.

 

"Magaalada waxaa soo galay ciidamo fara badan, saraakiishii Al-shabaab xalay ayay isaga baxeen; xarunta maamulka gobolka waxaa ku sugan Sh. Axmed Madoobe" ayuu yiri goobjooge ku sugan Kismaayo oo magaciisa qariyay.

 

Xaalada Magaalada ayaa dagan iyadoo maxaabiistii ku jiray xabsiga la xaqiijiyay in la sii daayay, waxaana mas'uulka la wareegay Kismaayo oo lagu waday inuu maanta shir jaraa'id qabto uu sheegay inuu saxaafada berri la hadli doono.

 

Ururka Al-shabaab ayaan weli ka haldin qaabkii ay Magaalada Kismaayo gacantooda uga baxday, inkastoo wararka laga helayo Baydhabo ay sheegayaan in ciidamo gurmad ah ay kooxdan u dirftay Gobolka J/hoose.

 

Sh. Xasan Tukey ayaa dhawaan sheegay inuusan aqoonsanayn maamulka cusub ee looga dhawaaqay Kismaayo, kaasoo ku biiray maamulada taageersan Al-shabaab ee ka jira gobolada koonfureed ee Somalia.

 

"Magacii maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo waa la badalay, waxaana loo bixiyay - Maamulka Walaayada Kismaayo - waxaana hoostagaynaa Al-shabaab" ayuu Sh. Xasan Yacquub Cali u sheegay warbaahinta laba maalmood ka hor.

 

Idaacadii tageersanayd Al-shabaab ee [Al-Andulus] ayaan maanta u shaqeynayn sidii hore, iyadoo la sheegay inay ka baxayaan Aayado Qur'aan ah, iyadoo inta badan wariyeyaashii idaacadaas aan la garanayn halka ay aadeen.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka dhaqaalaha leh ee Somalia, waxaana muddo sanad ka hor laga qabsaday ciidamo taabacsan Col. Barre Hiiraale oo ka tirsan xildhibaanada

 

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

I am very sure the clanist called Axmed Madoobe will be taught a tough lesson. He miscalculated by bringing clan militias to a peaceful city.

I thought he was a jihadist. :confused: :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

I am very sure the clanist called Axmed Madoobe will be taught a tough lesson. He miscalculated by bringing clan militias to a peaceful city.

It is Al-shabaab who took over the existing admin by force. Ahmed Madoobe is just taking it back for H.Islam and not, as you put it, for his clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The news is quite contradictory and makes little sense as to who is in charge of the strategic port city but the halcyon days of Kismayo is spinning out of hand.

We knew all along that the two radical groups and their unholy alliance had run the city administration and maintained bases inside the city and its environs.

 

The news seems to accentuate that the Islamic Party militia came back with vengeance and drove al-Shabaabs out not by force but its use should it become necessary.

I do think a prior conflict of interest over the creation of the new admin won't suffice its esclation into an irreversible cleavage. If their split becomes reality, it's a boon for the TFG as the Islamic Party is believed to have a clannish leaning and power ambitions beyond this new aspect of Somalia's internationalized conflict. And it might simply vanish from the scene just like the former Islamic groups of Khalid bin Walid and Juba Islamic Brotherhood Movement. .

Share this post


Link to post
Share on other sites

We have have to observe the situation over the next few days and see how things turn out. Al Shabaab need to compromise and so do the other religious/clan based militia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

these deluded khawaarij are destroying the city. Congratulations to them for bringing clans back to Kismaayo which we all know is an explosive thing in the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

We will see how they manage this political deadlock in kismayo and see how they divide kismayo power-sharing system. Let just hope it is fair division of power for all respective stakeholders and cooperation can exist among all.

 

Their needs to be cooperative environment between all the stakeholders, and to achieve this is by being fair and dividing power to all so they feel apart of the system and not isolated from the system.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Warar si xoogan la’isula dhexmarayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ay ka baxeen magaalada, dhanka kale waftigii Sh. Axmed Madoobe ayaa la kullansan madaxdii Xisbul Islaam ee Xamar ka timid.

 

Hubanti la’aan ayaa ka jirta halka ay ku dambeeyeen mas’uuliyiintii maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ee kazoo jeedey Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin , iyadoo aysan ku sugneyn goobihii maamulka looga talinayay, dadka magaalada ayaa si weyn isula dhexmaraya in ay magaalada isaga baxeen, wararka qaar ayaaba tibaaxaya in xalayto afayeenkii maamulka Sh. Xassan Yacquub uu kasii gudbayay magaalada Jillib, balse ma jirto cid KismaayoNews warkaasi u xaqiijisey oo madaxbanaan.

 

 

Dhanka kale waxaanan muuqan warar aroortii soo baxay oo sheegayay in manta fagaaraha berta Xoriyada lagu qaban doono isu imaatin balaaran oo looga dhawaaqi lahaa maamul goboleed Xisbul Islaam hoos taga.

 

 

Illo xog-ogaal ah oo aanu dhawaan la xarirney oo aad ugu dhow Sh. Axmed Madoobe ayaa KismaayoNews u sheegey in waftiga Sheekha uu manta la kulansanyahay mas’uuliyiinta Xisbul Islaam ee Xamar ka timid e Kismaayo ku sugnaa, mar aan weeydiiney suurtogalnimada in ay maamul ku dhawaaqaan ayuu yiri “uma badna, waxaan fileynaa in ay ku dhawaaqayaan maamul Xisbiga ah oo labada gobol ah, hase yeeshee tan ku saabsan maamulka Magaalada ma ahn arrin hadda miiska saran”.

 

 

Mar aan sidoo kale wax ka weeydiiney waxa ka jirra warar sheegayay in xoogaga Xisbul Islaam ay la wareegeen goobaha muhiimka ah sida dekeda iyo Garoonka ayuu yiri “Garoonka waa ay soo mareen, lagana yaabee in ay ciidamadooda fadhiyaan laakiin dekeda meeysan gaarin ogaanteey, mana jirto wax xiisad ah oo taagan”. Ayuu yiri mas’uulkani oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa.

 

 

Dhanka kale KismaayoNews waxay fahamsantahay in magaalada ay xasilantahay, ganacsigana uu si caadi ah u socdo.

 

 

Waxaan kaloo fahamsanahay in uusan jirin wax wadahadal toos ah oo ka dhaxeeya labbada dhinacinaba ha yaraatee.

 

 

Waftigii iyo ciidamadii xalayto soo galay lama uusan socon Amiir Sh. Xassan Turki, waxaana naloo xaqiijiyey in uusan safarka soo galin markii horaba sida warbaahinta ay faafisey markii hore.

 

 

Ciidamo maamulka Kismaayo uu leeyahay oo shalayto gudoomiye ku xigeenka maamulka Sh. Cabdiqani Kabojacel iyo taliye ciidan oo lagu magacaabo ay ka saareen magaalada ayaa la sheegey in aysan wax dhibaato ah geeysan sidii markii hore la filayay, sababta ayaa wararka qaarkood ku sheegayaan in ciidamada ay amar diideeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Basically the city is divided into two....waa la is hor fadhiyaa. So who is right ?

 

 

Wali waxaa ay dhiilo colaadeed ka taagan tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay qeybo kamid ah soo galeen maleeshiya beeleedyo uu hoggaaminayo Axmed Madoobe oo doonayo in hab qabiil uu magaalada ku qabsado sida lagu eedeynayo.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee ay Gedoweb heshay caawo ayaa sheegayo in xiisadu ay kacday maanta markii xalay uu mar qura magaalada soo galeen tiro yar oo baabuur Tikniko ah oo galbineyso Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo la aamisan yahay in uu ka soo tagay halka ay ehalkiisu degaan ee Afmadow kadib guuldarooyin ka soo wajahay in uu helo ciidan uu Kismaayo ku weeraro.

 

Magaalada ayaa caawo wararka naga soo gaaro waxay tibaaxayaan in difaacyo adag la isugu jira, ciidamada Al-Shabaab ayaa difaacooda ugu xooggan ka galay agagaarka hotelka Tawakal oo ah goob u dhaw dekedda caalamiga ah ee Kismaayo, xaafadda ugu dhismaha qurxan Kismaayo ee Guul-Wade, Calanle iyo bartamaha Faanoole.

 

Maleeshiyooyinka Kaambooniyiinta ayaa wararku qeexayaan in ay difaacyo ka xirteen xaafadda Farjano, agagaaraha madaxtooyada, xerada Congo iyo Masjidka Suuq Yaasiin sida dad goob-joogayaal ah oo Kismaayo si wanaagsan u yaqaano ay tibaaxayaan.

 

Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan oo magacooda qariyey waxay wacad ku mareen in ay Kismaayo ka difaacayaan waxa ay ugu yeereen ******** magac diimeed huwan oo doonayo in ay magaalada fara maroorsadaan.

 

Waxaa jiray warar maantadii hore ay qoreen qaar kamid ah bogaga Websites-ka oo lagu sheegayey in Al-Shabaab ay Kismaayo ka baxeen wararkaas ayaa mas’uuliyiinta hadashay ay ku tilmaameen kuwa been abuur ah.

 

Xaaladda Kismaayo lama oga waxay ku dambeyn doonta. Shacabku dagaal waa ka soo daaleen, waxayna ku baaqayaan in laga shaqeeyo wax kasta oo xasilooni lagu heli karo.Waxaana socda dadaal lagu baajinayo in uusan dagaal dhicin.

 

C/llaahi Axmed Culusow

Muqdisho

 

Source Gedoweb

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this