Sign in to follow this  
Qudhac

Garaad Jamac vs faroole...Sidii Qasuusi loo khiyameeyay

Recommended Posts

Qudhac   

Puntland oo inqilaabtay shirkii Garaadada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle uga socday Buuro-Wadal.Warbixin

 

 

Warkii 17-Mar-2010 iyo Qormadii: NEWS

Shir ay Garaadada iyo odayo-dhaqameedka gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle beryahanba uga socday tuulada Buuro-Wadal oo aan sidaas uga fogeyn magaalada Garoowe,ayaa waxa inqilaab siyaasadaysan taladii iyo wixii qodobo lagu lafogurayba kula wareegay maamulka Puntland,kuwaasoo ka faa'iidaystey kala qaybsanaanta odayaasha dhexdooda ah.

 

Shirkaas oo mudo aan sidaas u fogeyn ay dhamaantood ka dhawaajiyeen inay midoobeen oo aan wax khilaaf ahi jirin,ayaa waxa khilaafka odayaashu soo shaac baxay markii la soo gaadhay wakhtigii khusuusida la soo sooci lahaa,iyadoo mar walba marmarsiiyo shirkaas lagu carqaladeeyo la doonayey,oo markii hore qaar garaadadii ka mid ah hawlo loogu diray dhinaca Buuhoodle,qaarna dibadaba loo dhoofiyey,iyada oo ay u yaalaan hawlo muhiim ah,oo shirkii weli socdo.

Intaas markii laga soo gudbay oo loo dhabar adaygay ayaa waxa qorshihii kama danbaysta ahaa noqday in Garaadada qaar shirka si cad u qaadacaan,kuwo kalena arintaas ku raacaan,iyada oo qorshihii ugu weynaa ee khayaamada ama inqilaabka ay dhigeen niman sheeganaya xildhibaano ka tirsan kooxda Muqdisho,oo asal ahaan ka soo jeeda gobolada Puntland,oo ay ku jiraan rag ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,sida Axmed Saakin iyo Deeqa Colujoog oo ah xaaska axmed Cabdi Xaabsade,ay la soo xidhiidheen garaadada,iyagoo u sheegay inay daacad yihiin oo weliba Puntland heshiisiin doonaan,si loogu ogolaado in hogaankii lagu soo dhisay Nayroobi uu ka soo dego Puntland iyo arimo kale oo lagu soo shukaaminayeyba,si loogu hubsado xarunta Faroole ee Garoowe,kadibna saxiix iyo kamarad lala gaadho.

 

Nasiib daro Garaad Jaamac Garaad Cali oo aan mudo cag dhigin xarunta madaxtooyada Puntland,isla markaana horay u sheegay inuu kalsoonidii kala noqday,mar danbana sheegay in maamulka Puntland rag ka tirsani ay u sameeyeen mu'aamaraad loogu gacan gelin lahaa Somaliland,ayaa ogolaaday inuu shirkaas ka qayb galo,meesha uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil isaga oo dhawraya mawqifka beeshiisa,ogna inaanay beeshiisu raali ka ahayn inuu shir u tago madaxtooyada Garoowe,uu keligiis ku hadhay Buuro-Wadal,isagoo ku adkaystay mawqifkiisii.

 

Balse nasiib daro mar kale ayaa Garaad Jaamac galay xaruntii intaas oo jeer dhibka iyo ceebtu ka soo gaadhay,isaga oo ay weheliyaan Garaadadii kale ee shirka Buuro-Wadal la joogay.

Garaad Jaamac ayaa nasiib wanaag markiiba iska gartay sida shirku u eekaan karo,kadib markii uu sida uu sheegay uu meeshii ka waayey isimadii Puntland oo loo balan qaaday inay madasha imaan doonaan,taas bedelkeediina ay kuraastii soo buuxiyeen wasiiro iyo xildhibaano u daacad ah Faroole iyo C/Samad,ay ka mid yihiin labadii nin ee mu'aamaraadkii hore u dhigay ee Halas iyo Dhega-Cade,isla markaana xataa wasiiradii qaar ka maqan yihiin meesha oo rag xul ahi meesha fadhiyaan.

 

Garaad Jaamac ayaa intii aan shirka la furin ka hadlay oo sheegay in sidii lagu soo casuumay aan meesha ka muuqan,oo aan isimadii fadhin,shirka uu u yimid Garoowena aanu kanoo kale ahayn,sidaas daraadeed ay waajib tahay in Garaadadu shirka ka baxaan,oo lagu noqdo Buuro-wadal,codsigaas oo dheg jalaq loo siin waayey,oo lagu yidhi Garaad ha deg degine fadhiiso oo madaxda imaanysa sug,balse markuu ku guuldaraystay inuu ku qanciyo ragii la socday inay shirka ka wada baxaan,ayuu go'aan keligiis ah qaatay oo shirkii ka baxay,mana jirin Garaad la yidhaahdi Baaruud oo shirkaas Garaadku codsaday in loo ogolaado,sida ay warbaahinta qaarkeed sheegeen,arintaas oo ah been abuur lagu khaldayo dadka,si loo qariyo inqilaabka meesha ka dhacay.

Garaadka ayaa dib ugu soo laabtay Buuro-Wadal,iyo khasuusidii la soo xulay,wuxuuna uga waramay sida wax u dhaceen,arintaas oo fajaciso ku noqotay umadii oo dhan.

 

Hadaba maxaa ka dhacay Garoowe markii Garaad Jaamac ka soo baxay?Waxaa isla markiiba la saxiixay go'aamo horay loo diyaariyey oo miiska saarnaa,shirkaasina wax badanba ma socon oo waxaa markiiba diyaar ahaa waraaqda la saxeexayo iyo saxaafada sawirada qaadi lahayd,oo qorshuhu ahaa in sawirku ku dhaco Garaad Jaamac iyo odayaasha kaleba,sidaasna lagu fashiliyo shirarkii hore oo dhan.

 

Hadaba su'aasha is weydiinta leh waxay tahay,Garaadadii dhowaan soo saaray go'aamadii shirkii Buuro-Wadal,isla markaana khusuusida dhaariyey qaarkood,ma Puntland bay weligood u shaqaynayeen oo dhab kama ahayn hawshay ku jireen,mise iyagana waa la khayaameeyey oo arinku sidaan moodayno maaha,oo go'aamadani waa kuwo ay beenin doonaan?

 

Hadii arintu sida la baahiyey ay tahay,oo wixii Buuro-Wadal iyo nayroobi lagu dhisay ay sidaas ku dhamaatay,maxaa la gudboon Garaadada labada ah ee ku sugan Buuro-Wadal?Ma keligood ayaa go'aamadii Buuro-wadal hirgelin doona,mise go'aamo kale ayay qaadan doonaan?Mise waa laga batayoo waa inay u hogaansamaan go'aamada Garoowe,oo ay la shaqeeyaan Puntland?

 

Su'aalahaas iyo kuwo kaloo badan ayaa shacabka ay odayaasha heshiiska la galay maamulka Puntland is weydiinayaan.

Dad badan oo waxgarad ah ayaa ka digay in shirka Buuro-Wadal ee markii horaba lagu qaban lahaa Holhol uu ahaa mid lagu baabi'inayo go'aamadii shirkii Nayroobi,oo Garaadada xataa shirkaas wax ka waday ay yihiin kuwo weli la shaqeeya maamulka Puntland,arintaas oo maanta soo shaac baxday,oo khayaamo aan geedna loogu soo gaban ay sameeyeen odayaashii umadu isha ku haysey,oo taladii beesha ay mar kale u dhiibeen kii halkaas dhigay,oo kala qaybsanaanta iyo khalkhalka siyaasadeed ku abuuray beesha SSC.

 

Hadaba Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac garaad Ismaaciil,oo ka soo jeeda beesha degmada Laascaanood,oo ala ha u naxariistee labadii Garaad ee jagoooyinkan hayey ee ala janadii firdowsa ha ka waraabiyee Garaad C/Qani iyo Garaad Ismaaciil ayan Puntland isku fiicnayn,ayaa maanta gooni loo saaray,iyada oo lagu riixayo inayan ahayn kuwo Puntland daacad u ah,taasoo ah arintii keentay in odayadii hore ay kala dhintaan maamulkaas,taasoo weli sidii u taagan,oo iyagaa tegi waayeye si kastaba loo colaadiyey loona fogeeyey labadaas Garaad oo maanta Buuro-Wadal dhinac ay u dhaafaan garan la'a,oo talo ku cadaatay,mar horena guryahoodii Laascaanood si khayaamo ah looga soo saaray,si iyaga iyo dadka ay u taliyaan loo kala dilo.

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa go'aamada ,maanta Garoowe laga soo saaray ee ah Puntland baa beeshu tahay,iyo iyagaa soo celinaya Laascaanood ay yihiin kuwo aan afka baarkiisa dhaafsiisnayn,oo lagu wiiqayo midayntii la filayey inay ka soo baxdo Buuro-Wadal,taasoo maanta mar kale maamulka Puntland ku guulaystay inuu kala qaybiyo odayaashii halkaas mudada fadhiyey,si beeshu weligeed u ahaato mid aan isu imaan karin oo aan heshiin karin.

Arintaas ka dhacday Garoowe ee lagu inqilaabay shirkii Buuro-Wadal ayaa waxay keentay inay candhuuftoodii dib u liqaan dad badan oo qaarkood markii hore taageersanaan jireen maamulka Somaliland oo filayey in wax beesha u gaar ah la heli karo,oo laga maarmi karo maamulada kale,si beeshu u midowdo.Waxaa iyaguna maanta quus taagan aqoonyahamiin rajo ka qabay in laga xoroobo labada maamul oo talo kale beeshu yeelato si umadaha kale wax loola qaybsado.

"Adeer hadii Puntland muqadas tahay,kuwii aan is lahayn dhinaca Somaliland ka kasbada sow iyana odhan maayaan,Somaliland waa muqadas,oo sidii hore labada maamul loo kala qaybsanana maayo,taasoo ahayd arinta keentay in siyaasiyiintii Garoowe iyo Hargeysa kala joogaan,markaa waxba soomay kordhine nimankaasi Puntland meeshay gesyso baan arki doonaa"sidaas waxaa yidhi waxgarad reer Laascaanood ah oo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qolladan Reer Khusuusi haday rabban inay Somaliland wajihan garrabkan ay faroole saarayaan haday iska dayn lahayeen Meel bay gaadhi lahayeen laakin intay leeyihin faroole wa Tolkayow, Somaliland na waanu necebnahay Shir after shir ka dhaman mayaan nimanka shir shoore. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Hadii arintu sida la baahiyey ay tahay,oo wixii Buuro-Wadal iyo nayroobi lagu dhisay ay sidaas ku dhamaatay,maxaa la gudboon Garaadada labada ah ee ku sugan Buuro-Wadal?Ma keligood ayaa go'aamadii Buuro-wadal hirgelin doona,mise go'aamo kale ayay qaadan doonaan?Mise waa laga batayoo waa inay u hogaansamaan go'aamada Garoowe,oo ay la shaqeeyaan Puntland?

 

Who are they questioning.. I thought they are the source???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this