Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

They are gone ...

Recommended Posts

Tababarihii iyo Ciyaartoydii Soomaaliya uga qeybgashay ciyaarihii Olombikada adduunka oo goostay

 

Talaado, August 31, 2004

 

Tababarihii ciyaartoyda ciyaaraha fudud Maxamed Faarax Cajab iyo Fartuun Abuukar Cumar oo magaca Qaranka Soomaaliyeed ku meteleysay ciyaarihii Olombikada Adduunka ee lagu qabtay dalka Greece ayaa ka goostay wafdigii ay la socdeen.

 

Labadaasi xubnood ayaa la sheegay in ay u sii baqooleen dalal kale oo Yurub ah, inkastoo uu arrintaasi beeniyay madaxii wafdigaas Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in tababaruhu uu fasax weydiistay markii ciyaaruhu dhamaadeen, lana fasaxay, halka gabadha uu ku tilmaamay in ay daqiiqadihii ugu dambeeyay baskii soo qaadayay uu ka soo tegay.

 

Goosashada ciyaartoyda iyo mas'uuliyiinta Isboortiga Soomaaliyeed ayaa iska noqday wax caadi ah iyo fursad lala fiirsado ka qeybgalka tartamada caalamiga ah, iyadoo beryahaan dambena ay jireen warar sheegaya in Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) Xiriirro ka mid ah ay safarradda ceynkaas oo kale ah u isticmaalaan qaab ganacsi ah, iyagoo dad dibadaha ku geeya, isla markaana mararka qaarkood ku dara wafdiga Isboorti ee ciyaaraha caalami ah Soomaaliya uga qeybgelaya dad aanan ehel u ahayn Isboortiga.

 

a ahan markii ugu horeysay ee ay goostaan ciyaartoy iyo mas'uuliyiin Soomaaliyeed oo dalalka dibadda u tegay ka qeybgalka ciyaaraha caalamiga ah, waxaana la xusuusan yahay in labo jeer oo hadda ka horeysay oo Soomaaliyana ay ka qeybgashay ciyaaraha Olombikada Adduunka ay labaduba baxsanayeen ciyaartoydii Soomaaliya uga qeybgashay tartamadaas, waana arrin fadeexad ku ah Isboortiga Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

E-mail: sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

ceebeey tacaal, waa wax lala yaabo, amakaag waji qabsi baa iga soo haray walaahi, yesterday we were happy that they lost their qualifying games, and today..... iga dhaaf yaakhey maba ka hadlaayi arrintaan!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa dal loo shaqayn oo magaciisa kor loo soo qaadi dadkii loo xil saaratay baaba iyagii iska baxsanaya e,.,,,,, hadii ay baxayaan may sidooda kele meelahaa is xambaar ugu baxaan maxay sumcadda iyo magaca dadka iyo dalka ugu ciyaarayaan ........

Share this post


Link to post
Share on other sites
H   

wegeeeeeeeeeeeeeer see now no somali athletes will be allowed any where else 'cuz if what Libaax-Sankataabte posted is real then what a big shame it is for us all.................

Share this post


Link to post
Share on other sites
:D LooL qoftii xariiqda markey ka baxdey aan u sacabtumeyney oo dhaheyney magaca wadanka somalia oo burbursan bey ku orodeysaa...... ileyn filin ayey wadatey... ileyn ba waaye olombikada .. waxaan ka baqaa iney shiinaha markey olombikadu ka dheceyso ey iska dhiibaan... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

olombiga danbe waa shiinaha,markaa haday baxsadaan xagay tegi..lol

mongolia ay galaayaan oo dhaqaala ahaan soomaaliya ayaaba dhaanto lool, danbaaba dheh wey na ceebeeyeen wallaahi kuwan ciyaartooyna ma ahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this