Sign in to follow this  
Cige

Is this is the ENd of Al-ittihad

Recommended Posts

Cige   

Maxaa kala socotaa Culumada Itixaadka ee isugu timid Xajka iyo Badbaadintooda ku aadan Xisbul islaam? Warbixin Xasaasi ah Posted to the Web Nov 29, 15:12

 

Culumo waaweyn oo ka tirsan Ururka Al-Itixaad ee haatan loo yaqaano Al-Ictisaam ayaa kulan balaaran ku yeelan doona Magaalada Barakeysan ee Makka Al-Mukarrama marka laga faaruqo acmaasha Xajka oo iminka gabagabo ah.

 

 

Culumadan oo sanad walba isugu yimaada xajka kuna kala dab qaata iskana wareysta xaalada siyaasadeed ee wadanku marayo iyo horumarka ururkooda ayaa sanadkan kulankoodu ahmiyad gooni ah leeyahay maadaama Xisbul islaam horyaalaan caqabado culus oo kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab ayna ugu horeyso dagaalka iminka socda ee ay ku gacan sareeyaan Al-Shabaab.

 

 

Ururka Al-Ictisaam ayaa ah halbowlaha xisbul islaam, siyaasada lagu hago xisbul islaam ayaa gabi ahaanba ka soo fusha Culumada Ictisaamka ee badankoodu ka qeyb gali doonaan kulankan.

 

 

Ajandaha kulankan ayaa lagu falan qeyn doonaa qaabka ugu macquulsan ee lagu samata bixin karo Ururka Xisbul islaam ayadoo culumadu ku kala aragti duwan tahay qaabkii loo wajihi lahaa arrintan.

 

 

Culumada qaar ayaa qaba in la sii xoojiyo dagaalada lagula jiro Al-Shabaab oo la isku aruuriyo ciidanka iyo Horjoogayaasha kala firdhaday laakiin taageeradaas ay noqoto mid hoose maadaama shacabka taageero looga helayn dagaalka kooxdooda iyo Al-Shabaab u dhaxeeya.

 

 

Halka qaar kalena ay arkaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab in uusan qurxooneyn oo aan xiligiisa la joogin si deg deg ahna loo joojiyo lana xoojiyo dagaalka uu Sh Aweys kula jiro Dowlada Sh Shariif, waxaadna moodaa in Culumada Ictisaamka badankoodu ay ku taamayaan fikirkaas.

 

 

Waxaan meesha ka marneyn in Culumada Ictisaamka ee kulanka leh ay ku jiraan rag gabi ahaanba u janjeera afkaarta Al-Shabaab iyo Al-qaacida, kuwaasoo caqabad ku ah go'aan kasta oo ay gaaraan raga kale, horayna u fashiliyay go'aamo hore.

 

 

Sida loo badinayo waxey Culumada Ictisaamku soo saari doonaan Bayaan ay ku cambaareenayaan Dagaalada ka dhex qarxay ragii ay horay u siiyeen shaabada Mujaahidnimada.

 

 

Hadey ku guuleysan waayaan in ay soo saaraan Bayaan Wadajir ah ayey u badan tahay in ay sii wadaan xamlo ay goor dhow bilaabeen culumo ayaga kamid ah sida Sh Umal iyo Sh Xasan Daahir Aweys, xamladaas oo isugu jirta Muxaadarooyin iyo Barnaamijyo wacyi galin ah laguna cambaareynayo dagaalada ka dhex aloosan Xisbul islaam iyo Al-Shabaab si toosana tooshka loogu ifinayo Al-Shabaab iyo Dowlada KMG ee Soomaaliya.

 

 

Sh Aweys ayaa si gaara uga sheega saxaafada in aan loo baahneyn dagaalka ka dhex socda ayaga iyo Al-Shabaab, badalkeedana xooga la saaro dagaalada kale, waana fikirka ay inta badan qabaan Ictisaamka.

 

 

Waxaa kale oo la filayaa in Culumada Ictisaamka ay dib u soo nooleeyaan Barnaamijyo la huwiyay magaca Culumada Soomaaliyeed kuwaasoo laga dhigayo Culumo dhexdhexaad ka ah arrinta Xisbul islaam iyo Al-Shabaab si Xisbul islaam looga badbaadiyo xabada Al-Shabaab.

 

 

Culumada Ictisaamka iyo Xisbul islaam ayaa khibrad weyn ku leh sida wax loogu kala furdaamiyo magaca Culumada Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in saamiga ugu weyn ee Hay'ada la magac baxday Culumada Soomaaliyeed ay leeyihiin Al-Ictisaam, wadaadka madaxda ka ahna uu yahay Amiirka ugu sareeya ee Al-Ictisaam.

 

 

Sidoo kale Xisbul islaam oo arrimahaas usii gogol xaaraya ayaa baryhihii u dambeeyay saxaafada ka sheegayay in dib loo soo nooleynayo dowrkii Culumada Soomaaliyeed, taasoo ay ula jeedaan Culumadooda Itixaadka ah.

 

 

Dadka qaar ayaan ku baraarug saneyn waxa ay salka ku hayso qeyla dhaanta ka soo yeeraysa Culumada Ictisaamka ee cambaareynaysa Dagaalada u dhaxeeya Xisbul islaam iyo Al-Shabaab, ayagoo dadka u tusaya in labadan koox ee warmaha isla dhacaya ay yihiin rajadii ummada sidaas darteedna ay waajib tahay joojinta dhiigooda.

 

 

Qeyla dhaanta Culumada Ictisaamka ayaa ku qotonta in xabadu ku socoto ururkooda Xisbul islaam, waxaana khatar weyn ku sugan mustaqbalkooda siyaasadeed kaasoo ku xiran jiritaanka xisbul islaam iyo sida ay uga muuqdaan wadanka, waana arrin caadi ah in nin walba qeyla dhaamiyo markey ku jiifto.

 

 

Mida kale Culumada Ictisaamka ayaan horay uga digin ama uga qeyla dhaamin dagaalo badan oo ay ku xasuuqeen Shacabka Soomaaliyeed sida dagaalkii ay Araare kula galeen Allah ha u naxariistee Gen Ceydiid iyo dagalaadii Gobolka Bari, Gedo iyo dagaaladii Maxkamadaha islaamiga la galeen Qab-qablayaasha Muqdisho bilowgii 2006da.

 

 

Dad badan ayaa la yaaban in Sh Umal iyo Sh Xasan Daahir Aweys iyo culumo kale ay Ictisaamka isla yihiin oo intaas aamusnaa ay iminka afka furteen kana digayaan dagaalka ay Shabaabku ku baacsanayaan Xisbul islaam.

 

 

Jawaabta ayaa si cad looga helayaa qoraalkan iyo hadii dib loo raaco dagaaladii ay Itixaadku ama Ictisaamku soo galeen.

 

 

Ugu dambeyn Culumada Ictisaamka ayaa lagu yaqaanaa in aysan ka hadal dagaalada ay ku gacan sareeyaan oo ay ka heli karaan fursad siyaasadeed mana arkaan in laga hadlo oo laga xisaabtamo dhibatooyinkii ay horay u geysteen, taas badalkeedana waxey sameeyeen in ay badasheen shaatiga oo ay la baxaan magacyo kale sida Al-Ictisaam, Hay'ada Culumada Soomaaliyeed, Xisbul islaam iyo magacyo kale oo aan la soo koobi karin si ay u noqdaan ururo cusub oo xalay dhaley ah.

 

 

Waxaa haboon in aan lagu kadsoomin magacyada iyo shaatiyada cusub ee la isu huwanayo balse dib loo jaleeco taariikhda lana ogaado in magaca uusan xaqiiqda wax ka badalin.

 

 

 

 

 

Miisaanka.com miisaanka@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't know if it is the end since everything in Somalia is not that predictable. What is true however is that they are being sidelined by Al-Shabaab almost to the point of no return. Aweys joins no military or economic prowess anymore and Turki is talking to Al-Shabaab as we speak.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Addunyadu aammin ma leh.... No one has ever .... ever predicted they will face such humiliation at the hands of their students .... kabohooday ka carareen ......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

I didn't realize Al-Shabaab were in the tabloid business. They claim war xasaasi iyo sir fakatay on every gossip they run.

 

Neither Shabaab nor xisbul islam is culumo Soomaaliyeed or remotely considered one. These are militias fighting for power and fame. Aweys has his own plans and doesn't represent culumo Soomaaliyeed. And the child soldiers, they have the black flag. Culumada Soomaalida don't have a gun pointed at the beautiful blue sky falg. Soomaalida culumadooda wey qadariyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Kanzy,

 

It is funny how you sound like you are just figuring all that out. This should've been clear to everybody from get go. Xisbul Islam and Alshabaab are there for money/power/ideology-that-came-from-and-is-managed-by-foreigners. Al-shabaab is worse though.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Sorry, I misread your comment. I was under the impression you were talking about Al-shabaab vs HI.

 

To answer your question of what is the link between Al-Itihaad and Hisbul Islam, the answer is they are the same. HI = Alitihaad with just different name.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Hassan Turki, Hassan D. Aweys, and the most of HI leadership were Itihaad. They have been defeated by the Xabashida in Gedo region in late 1990's. The entire Al-itihaad organization has been dismantled militarily. They recently came back with this new name. Find me one Al-itihaad leader that is not HI now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I agree with you they WERE all Al-itihad members but due to some khilaaf, they formed this Hizbul Islam thing ........ that is why they have their own urur which is different from that of Al-ittihad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this