Sign in to follow this  
General Duke

Bay Bakool : National Troops chase terror groups in region

Recommended Posts

cidankadowlada5.jpgCiidamada dowladda oo gacanta ku dhigay inta badan gobolada Bay iyo Bakool

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 25-Oktober-08

 

 

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ay saakay waberigii gudaha u galeen halkaasi ciidammada dowladda KMG ah oo kaashanaya ciidammada Itoobiya, kadib markii mudooyinkii ugu dambeeyey ay kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda islamarkaana gacanta ku hayay deegaano ka tirsan degmada Xudur.

 

Ciidammada dowladda ayaa la sheegayaa in ay si nabad ah ku galeen degmada Xudur iyadoo aysan jirin wax dagaalo ah oo ay la galeen kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya in ey maqlayeen rasaas goos-goos ah oo ay ridayeen ciidammada dowladda, waxaana ciidammadaasi horkacayay ku simaha gudoomiyaha gobolkaasi Shiine Macallin Nuurow.

 

Ciidammada gaaray degmada Xudur ayaa markii ay shalay cagta soo mariyeen deegaano ka mid ah Waajid, ayaa waxay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha Waajid la sheegay iney ku dileen mid ka mid ah ilaalada garoonkaasi iyadoo laba kalena ay ku dhaaweceen.

 

Waxaa sidoo kale saakay deggan xaaladda deegaanada ku dhow-dhow degmada Bardaale oo ay shalay dagaallo ka dhaceen, iyadoo khasaaraha ka dhashay dagaaladii shalay inta laga warqabo ay ku geeriyoodeen in ka bdan shan qof oo u badan dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay iyo dhaawaca 10- kale.

 

Inta badan gobolada Bay iyo Bakool ayaa iminka u muuqda kuwo gacanta u galay ciidamada dowladda federalka, waxaana deegaano ka mid ah goboladaasi mudooyinkii ugu dambeeyay haystay kooxda Al-Shabaab oo hadba degmo ama tuulo tagi jiray.

 

Maamulka gobolada Bay iyo Bakool ayaa doonaya sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen maamulada degmoyinka qaarkood oo ay xoogagga islaamiyiinta ku qasbeen iney iska casilaan .

 

C/laahi Xasan Baliil

Baliilkhan10@Hotmail.Com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo sheegay in dhamaan degmooyinka gobalka Bay ay gacanta ugu jiraan dowladda Soomaaliya.

 

Afhayeenka ugu sareeya ciidamada booliska dowladda federalka Soomaaliya cabdulaahi Xasan Bariise oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen howlgallo lagu sifeynayay kooxo dowladda kasoo hor jeeda oo saameyn ku yeeshay qaar ka mida degmooyinka gobalka Bay.

 

Afhayeenka ugu sareeya ciidamada booliska dowladda federalka Soomaaliya cabdulaahi Xasan Bariise oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen howlgallo lagu sifeynayay kooxo dowladda kasoo hor jeeda oo saameyn ku yeeshay qaar ka mida degmooyinka gobalka Bay.

 

Afhayeenku waxaa uu sheegay in degmooyinka kala ah Qansax dheere, Ufurow, Buur Hakaba iyo Bardaale ay haatan ku jiraan gacanta ciidamada amaanka qaranka ee shalay laga saaray maliishiyooyinkii shabaabiyiinta ee dhawaanahan ku sugnaa.

 

“Qoloyinkii nabad diidka ahaa ee marba dhan u carari jiray waa laga sifeeyay degmooyinkaas”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Col Bariise oo maanta saxaafada la hadlayay.

 

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo beegmaya iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ciidamada qaranku howlgallo baaxad leh ka fulinayeen degmooyinkan ka tirsan gobalka Bay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Faahfaahin ku saabsan Howlgalladii ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee Baay & Bakool.

23. oktober 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa saaka ka baxay Magaalada Baydhabo, waxa ayna adeen degmooyinka gobalkaasi.

 

Maamulka gobalka Baay ayaa xaqiijiyey in ay inta badan ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya la wareegeen degmooyin ka mid ah gobalka Baay, waxa ayna tibaaxayaan warar hoose in ay jiraan meelaha qaarkood oo ay ka dhaceen dagaalo xoog leh.

 

Ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ayaa isku fidiyey dhul balaaran oo kuyaala qaar ka mid ah degmooyinka gobalada Baay & Bakool, waxa ayna wara sheegayaan in ay ciidamadan yihiin kuwa xoog leh.

 

Maanta ayaa hawada laga saaray dhamaanba Isgaarsiinta deegaanada Baay & Bakool, waxaana aan la garan karin sababaha ka dambeeya, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku amreen Shirkadaha Isgaarsiinta in la jaro dhamaanba Adeegyadooda tan & inta ay socdaan dadaalada amaanka lugu sugayo.

 

Degmada Diinsoor ayaa ka mid ah meelaha ku soo laabatay gacanta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya,waxaana warkan sheegtay mid ka mid ah maamulka degmada Baydhabo oo diiday in la xigto Magaciisa.

 

Majiraan warar Madax banaan oo la heli karo maadaama ay goobahan yihiin kuwa dhamaantood aysan ka shaqeyneyn Isgaarsiintii, waxaana xun hawada Raadyayaasha Halow-Halowga loo yaqaano.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hamza, when ever these gangs meet the troops they run to the bushes or hide. How brave of them that they send mortars into peoples home and markets.

 

They should be targeted and executed. Untill then its cat and mouse.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by hamza9163:

Been, islamaantay ku noqdeen baidoa.

lol Xamza u sheeg indhahaa lays tirayaa.

 

 

iyo weliba sidoo kale:

 

loool...Masawirka kore miyuusan u ekayn kii Ciidammada Maraykanka ee Jabuuti tababaraa ay siiyeen askarta Jabuuti?

 

Waa la ogyahay kuwa Koobiga ah ee Itoobiya soo tababartay iyo kuwa kale ee kaakiga qaataaba inaysan xiran tuutaha noocan ah ee saxaraha lagu xirto amase Tuute-Carabiga loo yaqaan.

 

lol...just piece of Information.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   
Originally posted by General Duke:

[QB] Even anti government portals like Waagacusub are reporting this..

 

lol...government...which 1?

 

Waagacusub is a shabaab hater waa la ogyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

The Copy 'N Paste clown's inherent propensity to howl irrationally at every article that mentions Al-Shabaab in a negative light shows no signs of abating! This,of course, is only surpassed by his propensity to exaggerate!

 

Sing along with me,

 

The dullard among the crowd

The Copy n' Paste clown

cloaked in oblivion as a gown

The General will soon start to drown

And lose the folly for which he is renowned

 

eclipsed by perpetual darkness

his comments are often worthless

His uncle's regime is now anchorless

And runs like a headless chicken, aimless

clouded by shadows of Shabaab in adroitness

 

The dullard among the crowd

The Copy n' Paste clown....

 

 

The dullard among the crowd

The Copy n' Paste clown....

 

la la, la, la la, la...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this