Sign in to follow this  
Juje

Who is your money on..?

Recommended Posts

sunaari   

Let these old guys settle their political differences and give peace and stability chance. Somalis from sixtheen years old to 100 years old can't compromise for the sake of incosent and children killed daily in their watch, but I believe if situation detriorates, AY is going to be the winner since many of TFG functions put thier support his leadership. However, Cade is very clean, honest and doesn't know how to bring those AY supports on board for his mission, plus he is appointee unlike AY who was elected in Kenya by the parliament. I am very optomistic tension will die down soon and local, international media will stop preaching gloom and doom situation in TFG and Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Dowladda Itoobiya oo soo faragelisay Khilaafkii soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo ra’iisal wasaare Nuurcadde.

gabre.jpg

Posted: 8/10/2008 2:32:00 PM

 

Shebelle: MUQDISHO

Dowladda Itoobiya ayaa soo faragelisay Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka.

Sida ay shabelle u xaqiijiyee ilo wareedyo kudhaw Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho labo sarkaal oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo katirsan Hoggaanka Ciidamada Itoobiya ee kusugan gudaha wadanka Soomaaliya.

Labadani Sarkaal oo midkood uu yahay Janeraalka caanka ah ee lagu magacaabo Jeneraal Gabre ayaa waxa ay si toos ah u tageen Xarunta Madaxtooyada halkaasi oo ay kulamo kala gooni gooni ah ay kula qaadanayaan Madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuurcadde).

Warar kudhaw saraakiisha Itoobiyaanka ayaa sheegaya in Saraakiisha ay dadaal ugu jiraan sidii ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uga dhaadhicin lahaayeen inuu aqbalo Xil kaqaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyaga oo sidoo kale kala hadlaya Ra’iisal wasaare Nuurcadde muranka soo kala dhexgalay labada dhinac.

Saraaliishani oo barqanimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa kulamada ay labada mas’uul la qaadanayaan waxa ay ku riixi doonaan sidii meesha looga saari lahaa khilaafka waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in saraakiishani oo u janjeera dhinaca ra’iisal wasaaraha ay Madaxweynaha ka dhaadhicinayaan qaabka ugu wanaagsan waraaqdii uu xilka kaga qaaday Maxamed dheere kuna magacaabay Dhagaxtuur oo aan isna weli aan u suuragelin in uu fadhiisto xafiiska Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa jira war hoosaad sheegaya in khilaaf uu u dhaxeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Taliska Ciidamada Itoobiya ee kusugan gudaha Dalka Soomaaliya kaasi oo la xiriira xil kaqaadista Maxamed dheere iyo sidoo kale habka maamulka Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Shebelle Media Network - Source of Somalia News

 

Nuur Caade oo dar-dar hor leh laso baxay marki Gabre yimid kadiib - lasoco wixii so kordha

Warya Nuune , halki Nuur Caade aha geesiyo noqde dey

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

The two man are at a loggerheads. I wish the clean man previals over abdullahi uskag.I wish the premier will take the risk of winning this dirty game.

Share this post


Link to post
Share on other sites

[saraakiil Farabadan oo ay ka mid ahaayen Genaral Yohaanis Abate Ilyas iyo Coll Gabare Dilfa Kidane Oo Muqdisho Dib Ugu Soo Laabtay.

Waxaa maanta magaalada muqdisho dib ugu soo laabtay saraakiisha u qaabilsan dhanka Milatariga iyo sirdoonka dowlada Ethopia ee dalka soomaaliya, Genaral Yohaanis Abate iyo Coll Gabare Dilfa Kidane oo ay wahiliyaan saraakil Ethopian ah oo farabadan, waxeeyna warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ay hordhac u yihiin wafdi balaaran oo ku soo fool leh dalka Soomaaliya uuna hogaaminayo wasiirka Amuuraha dibada dalka Ethopia Md Sayium Musfin maalmaha soo socda.

 

Soo laabashada labada sargaal oo kala ah Genaral Yohaanis Abate Ilyas iyo Coll Gabare Dilfa Kidane ayaa Warar la isla dhaxmarayo xarunta baarlamaanka kmg ah ee Somalia Baydhaba ayaa waxeey ku waramayaan in soo laabashada Coll Gabre iyo Gen Yohaanis ay ku lug leedahay xilwareejin ay xilalkii millari iyo kii siyaasadeedba ee somaliya ugu matalayeen dalka Ethopia oo laga qaaday,waxeey kaloo wararku sheegayaan in saraakiishii lagu badalay ay ku waheliyaan socdaalkooda ay ku yimaaden magaalada Muqdisho.

 

Saraakiisha Dowlada Ethopia ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Genaral Yohaanis Abate iyo Coll Gabare Dilfa Kidane ayaa ilaa iyo haatan wax wadahadal ah uusan dhaxmarin masuuliyiinta sare ee hogaamisa dowlada fedaralka soomaaliya Madaxweyne C/llaahi Yusuf Axmed Iyo Ra'isul-wasaare Nuur Xassan Xussen Nuur-cade, waxeeyna wararku sheegayaan in saraakiishaasi goorta magaalada Muqdisho ay soo gaaren ilaa iyo haatana aay shirar ku leeyihiin xaruumaha ciidanka Ethopia ay kaga sugan yihiin magaalada muqdisho.

 

Sargaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya oo xiriir qadka taleefoonka aynu ku tiigsanay ayaa wuxuu inoo xaqiijiyey in saraakiisha Ethopia ee maanta soo gaaray magaalada muqdisho aysan wali soo booqan xarunta madaxtooyada Soomaalia, sargaalkan wuxuu kaloo xaqiijiyey in saraakiisha Ethopia iyo ciidamadoodu ku sugan magaalada Muqdisho ay maanta ilaa iyo caawaba ay shirar ku leeyihiin xaruumahooda ay ka dagan yihiin magaalada Muqdisho.

 

Warar maanta lagu soo daabacay warbaahinada internetka Soomaaliyeed qaarkood oo loo aqoonsan yahay warbaahino ku shaqeeya caadifada QABIILEED ,ayaa ku tilmaamay in Coll Gabre Dilfa Kidane uu yahay Mas’uulka dalka Soomaaliya si dadban u maamula iyadoo ay jirto dowlad soomaaliyeed oo waxbadan ka qabatay kooxdii sida gaarka u hortaagnaa Qaranimada ummada soomaaliyeed haatana habqankoodii meel uu maray lala'yahay.

 

Dhanka kale waxaa magaalada Baydhabo ka soconaya u diyaargaroow sidii Baarlamaanka FKMG ee Somalia go'aan ugu gaari lahaa khilaafka dastuuriga ee Ra'iisul Wasaaraha lagu eedeynayo iyadoo waliba ay ku qulqulayaan Mudanayaasha Baarlmaanka soomaaliya gudaha Magaalada Baydhabo waxaynu dhowrnaa waa go'aanka Baarlamaanka oo ah kan ugu danbeeya ee xalin kara ku xadgudubka dastuurka ee wasiirka koowaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A/Y and Cade are nothing but Gabre's servants... slaps them around when he feels like it, ignores them when it suits him, and now settles their disputes.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Genaral Yohaanis Abate Ilyas iyo Coll Gabare Dilfa Kidane Oo Muqdisho Dib Ugu Soo Laabtay.

Now that is BIG news, Subxaanallaah, Ilaahoow noo gargaar

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

Somali maxay u baahan tahay hogaamin leh dareen qadiyadeed. Ina Yusuf should leave the position for the able leadership , that is the only forseeable solution for this siyaasADAN CAGA dhigan laá

Share this post


Link to post
Share on other sites

lool. The Generals are not involved in this. Cade has failed badly and should see the door.

A new PM and cabinet should be brought which would complete the transition to 2009.

 

All other talk here is the desperate people looking for hope.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

No way out of this 'vecious circle of politics'. Do you think , if Ehiopians leave from Somalia, the current leadership can manage to survive n a single minute. The answer is only one.So, Let them obey their survival lords;Ethiopia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

They have been summoned to Addis and will be scolded. So much for Yeey doesn't give a hoot about Ethiopians and International Community. I assume all bets to this feuds will be canceled now since big brother has intervened.

 

Madaxda Dowladda Federaalka oo Addis Ababa looga yeeray

 

Khamiis, August 14, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow xafiisyada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay sheegayaan in labadaas mas'uul looga yeeray Magaalada Addis Ababa ee Xarunta u ah Dalka Itoobiya.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay Dowladda Itoobiya u yeertay Madaxda Dowladda kadib markii ay ku guuleysan waayeen in ay khilaafkooda xaliyaan, isla markaana ay ixtiraamaan Axdiga u degsan Dowladda Federaalka ee kala qeexaya Awoodaha Hay'adaha Dowladda.

 

Dowladda Itoobiya ayaa tan iyo markii ay Ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya, isla markaana ay la safteen Ciidamada Dowladda waxaa ay saameyn weyn ku leedahay Arrimaha siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan tan ay ku shaqeyso Dowladda Fedeaalka, waxaana mar kasta oo khilaaf uu soo kala dhexgalo madaxda Dowladda la maqlaa Itoobiya ayaa u yeertay Madaxda sare ee Dowladda.

 

Khilaaf midkan ka horeeyay oo soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Cali Maxamed Geeddi waxaa la xusuusan yahay in ay si weyn ugu dhex jirtay labadaas mas'uul Dowladda Itoobiya oo Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Seyoum Mosfen uu labo Jeer Baydhabo u tegay in uu xaliyo khilaafka labada mas'uul, ilaa ugu dambeyntii Ra'iisal Wasaare Geeddi oo booqasho ku tegay magaalada Addis Ababa uu soo noqday isagoo wada warqad uu ku caddeynayo is-casilaaddiisa.

 

Haatan waxay Dowladda Itoobiya u yeereysaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde, waxaana la eegi doonaa sida ay u xaliso khilaafka labadaas mas'uul soo kala dhexgalay oo soo shaac bixitaankiisa ay sabab u noqotay xil-ka-qaadistii ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku sameysay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

Khamarka miyaa meesha lagu cayaarayaa Jijow? WAxay title-kada. Nuur Cade waa yara saxsan yahay balse meel xun ayuu usha ka haysta malaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this