Sign in to follow this  
Peace Action

Aas Qaran

Recommended Posts

Garoowe(AllPuntland)- Allaha u naxariistee waxaa xalay shil gaari oo ka dhacay Kontoroolka laga soo galo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ku geeriyooday Xildhibaan Jaamac Xasan Kaafi "Jaamac Yare" darawalkii gaariga xili ay ka yimaadeen magaalada Gaalkacyo kuna soo jeeday Garoowe.

 

Sidoo kale shilkan baabuur ayaa waxaa ku geeriyooday Agaasimihii Shabakadda Alldarwiish C/qaadir Cali Xoosh, kuwaasi oo dhamaantood saakay lagu aasay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaana aaskooda ka soo qeybgalay dhamaan mas'uuliyiinta maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cadde Muuse, ku xigeenadiisa, Isimada Puntland, saraakiisha iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Shilkan Gaari ayaa sidoo kale waxaa dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Sool Md. Sulub Cali Gaas iyo xubin kale, kuwaasi oo iminka xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha halkaasi ku sugan.

 

Falkan ayaa waxaa walaac ka muujiyay Golaha Baarlamaanka Puntland, oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyski iyo eheladii ay ka geeriyoodeen marxuumiintaasi iyagoo Alle ugu baryey inuu janadii Fardowso ka waraabiya, kuwa dhaawacmayna bogsiiyo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Puntland Oo Aas Qaran Usamaysay Marxuumiintii Dhintay

 

{Garoowe}25.12-7

"Aaska Marxuum Jaamac Xasan Kaarshe iyo Eng Abdiqaadir Cali Jama (Xoosh) ayaa waxa ka qayb galay Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi,Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud iyo golaha wasiirada qaar ka mid ah,Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Sareeye Guuto C/risaaq Sh.Cismaan (Cali Baadiye), guddoomiyaha golaha wakiilada Axmed Cali Xaashi guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiilada iyo xigeenka labaad iyo guud ahaan xildhibaanada golaha wakiilada,waxaa sidoo kale aaskaasi ka qayb galay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo shacab weynaha caasimada Garowe.

 

Aaskii marxuum Jaamac Xasan Kaarshe iyo Eng Abdiqaadir Cali Jama (Xoosh) oo ay maanta ay ka qaybgaleen dhamaan Madaxda sar sare ee Puntland oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada ayaa waxa uu aaskiisu u dhacay si heer qaran ah waxaana ka mid ahaa ka qaybgalayaashii aaskaasi.

 

Aaska Marxuum Jaamac Xasan Kaarshe iyo Eng Abdiqaadir Cali Jama (Xoosh) ayaa waxa ka qayb galay Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi,Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Xasan Daahir Maxamuud iyo golaha wasiirada qaar ka mid ah,Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Sareeye Guuto C/risaaq Sh.Cismaan (Cali Baadiye), guddoomiyaha golaha wakiilada Axmed Cali Xaashi guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiilada iyo xigeenka labaad iyo guud ahaan xildhibaanada golaha wakiilada,waxaa sidoo kale aaskaasi ka qayb galay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo shacab weynaha caasimada Garowe.

 

Ka dib markii lagu duugay xabaashii ayaa halkaasi waxa uga duceeyey marxuumka dhamaan xubnihii dowladda,baarlamaanka iyo Islaan ciise in ilaahay jannadii fardowsa ka waraabiyo intii uu ka tegayna samir iyo Iimaan alla ha ka siiyo Ammiim,Ammiin Ammiin.

 

Aaskan lagu aasay marxuum Jaamac Xasan Kaarshe ayaa waxa uu ahaa aas qaran oo ay ka soo qayb galeen dhamaan xubaha Puntland .

 

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku,guddomiyaha golaha wakiiladu waxa ay Isbitaalka ku soo booqdeen Sulub Cali Gaas oo isna ku dhaawacmay shilaaksi gaadhi ahaan guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool.

 

Dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa alla ha u naxariistee Marxuum Jaamac Yare Taariikhdiisa isagoo ah nin wax badan lagu xusuusto.

 

Jor..Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this