Sign in to follow this  
Emperor

Civil unrest in L.A, demonstartions continue for the second week in L.A against SL

Recommended Posts

Emperor   

Dibadbaxyo Rabshada wata oo looga soo horjeedo Joogitaanka Maleeshiyada Somalidiidka ee Magaalada Laascaanod oo Saaka mar kale Magaalada ka socda.

 

Dad u badan Dhalinyaro oo aad u careysan isticmaalayana dhagxaan iyo biro ayaa Saaka dibad bax Balaaran oo rabshada wataa waxa ay ka wadaan Magaalada Laascaanod ee G/Sool.

 

Dibad baxaan oo aan cidina abaabulin Ayaa Saaka oo Jimco ah waxaa ka soo bilawday Meel ay Dhalin isugu timid kadibna waxa uu ku faafay Magaalada Qeybaheeda kale.

 

Dhalinayradaan ayaa sida aan warka ku helnay waxa ay diiden in ay furnadaan Goobaha Ganacsiga iyagoo dhagax tuur ku sameynaya , waxaana gabi ahaanba Magaalada waqti yar ay ku noqotay mid cidlo ah oo aan cidina joogin oo lagu kala xaroodey.

 

Maleeshiyada Magaalada Joogta ayaan wax jawaab ah ka bixin dibad baxaa , waxana uu ahaa dibad bax aanay cidi hor taagneyn oo ay maleeshiyada iska dawaneyeen.

 

Goob jooge ku sugan magaalada Laascaanod oo Saaka qadka taleefonka kula xiriirtey Shabakadan, ayaa sheegay in Maleeshiyada joogta Magaalada ay cabsi ku abuurtay dibad baxyadaan aan kala go lahayn , waxaana ay taa sababtay in Magaalada ay Cidlo ahaato.

 

Waa Dibad baxii 5-aad ee looga horjeedo Maamulka Somalididka ah ee magalada Laascaanod xooga kula wareegey , waxaana tani ay muujineysa sida aay Shacabaka Laascaanod ugu qanacsaneyn Maleeshiyada Magaalaad haysata.

 

Xaaladaahan oo idil ee ka taagan Maagalada ayaa ku soo beegmay xili dhinaca Puntland uu ka jiro diyaargarow Dagaal oo ku soo fool leh Laascaanod si looga saaro Maleeshiyada Somalidiidka ah.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@hotmail.com Or Carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ciidamada Somaliland Iyo Shacabka Reer Laascaanood Oo Dagaal Afka Isdaray

 

(Laascaanood}25.10-7

Hawlgal balaadhan oo ay sameeyeen ciidamda maamulka labaxay Somaliland ayay kusoo qab qabteen boqolaal qof oo ay udhaadhiciyeen jeelasha Burco iyadoo qaar kalena ay jidh dileen kuwana ay sixun rasaas ugu toogteen halka dhinaca askarta ay dad shacaba oo gadoodsan ay ka dileen laba askari laba kalena ay ka dhaawaceen………………………………………

 

Hawlgalkan oo bilowday saaka hiirtii waaberi ayay ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo kolonyo tikniko ah doonayeen inay dhagaxa iyo taayirada lagu gubay laamiga iyo wadooyinka magaalada inay ku sifeeyaan balse shacab cadhaysan ayaa ka hor istaagay.

 

Kumaan shacab ah oo ay wajiyadooda ka muuqato cadho weyn ayaa laamiga si xoogan usii dhigay dhagxaan waa weyn halka ay kusii ja jabiyeen dhalooyin isla markaana ay kusii gubeen shaagag ama taayiro waa weyn balse kolonyadii ciidamada maamulka labaxay Somaliland ayaa dadkii xabado kala daalay waxayna sababeen xabadaahisi inay dhaawacyo xun xun kasoo gaadhaan dadkii mudo haraadayay.

 

Hotelka Nugaal oo kuyaal badhtamaha magaalada ayaad mooday inay bartilmaameed sanayeen ciidamadii saaka hawl galkan samaynayay iyagoo xabado hotelka kala daalay waxaana hoteelkaasi soo gaadhay dhaawac weyn isla agagaarka hotelka ayaa waxaa lagu toogtay hal askari oo la sheegay inuu u dhashay deegaanka hargeisa oo xabadu ay sujuuda kaga dhacday.

 

Waxaa iyana jirtay kolonyo kale oo ciidamo dheeraad ahaa oo la doonayay in lagu cabsi geliyo shacabka in iyana dad shacab ahi ay miino kusoo tureen waxaana halkaasi ku geeriyooday askari kale oo reer hargeisa ah waxaana dhaawac khatar ahi uu kasoo gaadhay laba askari oo kale.

 

Markaas kadib oo ciidamo xoogan lagu soo daabulay badhtamaha magaalada ayay ku qab qabteen boqolaal qof oo laga buuxiyay dhowr baaburta waaraadada loo yaqaano waxaana toos loogu dhaadhiciyay jeelasha burco.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in dadka shacabka ah ee loo taxaabay jeelasha burco ay ku jiraan dumar iyo caruur iyo waliba hooyooyin aan waxba galabsan oo laga soo qab qabtay wadooyinka magaalada.

 

Dhinaca kale Bam gacmeed ayaa habeenimadii xalay lagu tuuray Hotel-ka Xamdi oo ku yaala magaalada Laascaanood, kaasoo ay geysteen kooxo hubeysan oo aan la garanayn heybtooda, inkastoo uusan wax qasaare ah geysan,

 

waxaana hotelkaasi oo lagu magacaabo Xamdi degenaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka labaxay Somaliland, waxaana qaraxaasi ka dib howlgalo baadhitaan ah ka bilaabeen ciidanku agagaarka hotelkaasi iyagoo ka baadi goobaya kooxihii ka dambeeyey bamkaasi.

 

Isla xalay ayaa iska horimaad hubeysan waxaa uu ka dhacay badhtamaha magaalada Laascaanood kaasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda,

 

waxaana iska horimaadkaasi ay labada dhinac isku weydaarsadeen rasaasta ka dhacda qoryaha fudud, lamana soo sheegin cid waxyeelo ay ka soo gaadhay,

 

waxaana arimaha ay ku soo beegmayaan xili labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland ay ku jiraan diyaar garow dagaal oo aad u xoogg badan,

 

Jordan Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

That picture too good to be photoshopped sheekhow.....and if it is then that photoshopper is very talented.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by SheekhaJacaylka:

ha kugu taagnaato

loooooooool ma la caytamayaa? Maxaa ku xelay sheekhow?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this