Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: why it is booming today.... change you can believe in

Recommended Posts

garoowe.jpg Magaalada Garowe ee caasimada puntland ayaa waxaa ay la ciirciiraysaa dad aad u tiro badan oo halkaasi u tegay si ay goob joog uga noqdaan doorashooyinka dhawaan lagu wado in ay halkaasi ka dhacaan .

 

Ciriiriga dhinaca dadka ah ee magaalada caasimada ah laga dareemayo ayaa ah mid si weyn sameyn ugu yeeshay Garowe oo ah magaalo wax ka yar 10cisho ka dib ay ka dhici doonto doorasho taariikhi ah oo ay jagadeeda ugu sareysa isu soo taageen murashaxiin 20ka badan .

 

Goobaha laga cunteeyo ayaa ah kuwo mashquul badan oo wakhti hore cuntadu ka dhamaato ,waxaana sidoo kale ay adagtahay in aad hoteelada magalada ee hurduda aad ka hesho sariir aad jiifato ciriiriga dhinaca dadka ah ee magaalada ka jira awgeed , dadka ugu badan ee magaalada soo galay ayaa waxaa ugu badan taageerayaasha sida kal iyo laabta ah ula kala safan musharaxiinta 20ka badan ee isu soo taagay jagada madaxtinimo ee puntland .

 

Meelaha laga qaxweeyo ee caasimada ku yaala ayaad ku arki kartaa dad weyne aad u tiro badan oo hadalhayntooda ugu badani tahay arimaha doorashada oo marba marka ka danbaysa soo xoogeysanayaan wararka ku saabsan , badina dadka aad ka uga dhex muuqda Garowe Caasimada isu diyaarinaysa wax ka yar laba todobaad ka dib in ay doorasho ka dhacdo ayaa ah Isimadii , Siyaasiyiintii iyo Aqoonyahanadii laga yaqaanay Deeganada Puntland .

 

Doorashada puntland dadka daraadeed u yimi kama kala iman oo qur gobolada punltand iyo somalia laakiinse waxaa ka mid ah dadka magaalada soo buuxdhaafiyey Qurbe joogtii somaliyeed gaar ahaan kuwa reer puntland, oo u yimi halkan 8bisha janaayo si ay goob joog uga noqdaan doorashada punltand ee xasaasiga ah

 

Si kasta oo ay tahayba maalinba maalinta ka danbaysa waa ay soo siyaadayaan dadka soo gelaya caasimada Puntland ee Garowe , waxaana dadka soo buux dhaafiyey magaalada ay sameyn ku yeesheen maciishada ka jirtay Garowe oo ay kor u kac kusameeyeen iyo Ganacsatada magaaluna ay wakhtigan u arkaan fursad dahabi ah oo soo martay .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe oo ay soo gaareen Siyaasiyiin,Fanaaniin,Aqoonyahano ka kala yimi Du

 

Ushii cirkaas loo tuuraa dhulka kama dhacayso magaalada Garoowe oo ah xarunta maamul goboleedka Puntland waxaana soo gaaray Siyaasiyiin aad u fara badan oo ka kala yimi guud ahaan Aduun kuwaas oo raba in ay la socdaan doorashada Puntland,Waxa ay ishu arkaysaa dad aad u tiro badan oo dhamaantood mashquul ah iyo kulamo kala duwan oo ka socda magaalada.

 

Ing Mahamud Ahmed Fatah oo ka mid ah Ing ugu aqoonta badan qaarada africa ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso wuxuuna u sii gudbay magaalada Garoowe,Ing Mahamud wuxuu dhisay wadooyin badan oo ku yaala Dalka Sucuudiga wuxuuna hada ka mid yahay Ing ugu waaweyn ee dhisa Wadooyinka Dalka Maraykanka.

 

Waxaa kaloo joga magaalada Abwaanno ka soo kicitimay dhul dheer iyo meelo fog iyo aqoonyahanno ku lammaanaa,Fanaaniin Reer jabuuti ah oo uu hogaaminayo Abwaanka Weyn ee Sangub oo iyagu waayadanba ku sugnaa DGPL gaar ahaan Magaalada Garoowe.

 

Murashax C/llahi Axmed Jaamac 'Jen. Ilkajiir' oo labanlaabay ololihiisa, dadaal xoog lehna ka dhex wada mudanayaasha baarlamaanka Puntland,Jen. Ilkajiir ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo gaar ah la kala yeeshay Issimada iyo mudanayaasha baarlamaanka oo ujeedadoodu tahay sidii uu ku hanan lahaa codadkooda iyo taageeradooda si uu u hanto madaxtinimada Puntland.

 

Inkastoo 66-ka Xildhibaan ay yihiin kuwo ka soo kala jeeda Beello,Daa'ifado iyo Jiilal kala duwan oo mid waliba leh dano iyo yoolal kala duwan,ayna ishoodu markasta la jirto meesha ay xubin waliba ka dhex aragto danta Beesheeda iyo teeda gaarka ah,ayaa hadana waxaa inta badan la rumaysan yahay in ay xiligan qiimaynayaan sidii ay iskula heli lahaayeen Jiri taanka Puntland iyo hogaan wanaagsan, wado kasta haw mareene.

 

Isku soo wada xooriyoo waxaa ay dadka intiisa badan walaac ka muujinayaa waxa ka dhici karra Puntland hadii uu hirgalo iyo hadii uu fashilmo qorshaha cusub ee isbadal doonka ah,waxaa iyadana walwal iyo cabsi badan laga qabaa sida xaal noqonayo, hadii ay soo baxaan garabka kale ee hogaanka Puntland horay u hayey,waxaase jira dad badan oo aamisan in aan wax dhib ahi soo fool lahayn,dhanka kasta haw dhacdee.

 

Siciid C/laahi

 

 

allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

If the General wins the deputy should be Pro Muxuidin Ali Yusuf of Bari.

 

Nuridin is out and Faroole does not seem to have a great deal of support.

 

Garowe is booming and we are entering the new age of Puntland insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

^ War times Generals are the best to govern . Also the predicted winner Gen ilka Jiir is not just a military General but he also has civilian qualification that will suite him to clean up the mess Cade is leaving behind.

 

-----------------

1970: Wuxuu ku biirey ciidan xooga dalka Soomaaliyeed. Halkaasoo loo direy dalka Ruushka.

 

1973: Wuxuu qaatey Shahaadada loo yaqaan (Millitary Science Degree) ee uu ka qaatey Jaamacad ku taala Odessa, Ukraine.

 

1977: Wuxuu dagaal galiye sare ka ahaa ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed. Halkaasoo lagu gudoonsiiyey bilado badan oo geesinimo ah.

 

1980-83: Wuxuu aaday jaamacada (Staff College) ee magaalada Qaahira, halkaasoo uu kusoo qaatey Digriiga Masterka ee Millitary Science.

 

1984-87: Wuxuu ka dhigayay jaamacada Gahayr qeybta militariga.

 

1988-89: Waxaa generaalka loo direy dalka Mareykanka halkaasoo uu kusoo qaatey Shahaadada looyaqaan (Strategy & Dicision Making).

 

Gen. Cabdulaahi wuxuu soo noqday taliye gaaskii ugu horeeye ciidanka Soomaaliya wuxuuna gaarey ilaa iyo heer Taliye Qeyb.

 

1991: Colaadii sokeeye Jananku kama uusan qeyb qaadan, dalka Soomaaliya isagoo lagu tilmaami karo inuu ka midyahay Jeneraalada dhifka ah ee Soomaaliyeed kuwa diiday dhiiga sokeeye.

 

2000-2004: Wuxuu ka baxay jaamacada Bryan & Stratton College ee magaalada New York halkaasoo uu ka qaadey digriiga xisaabaadka iyo dhaqaalaha (Accounting).

 

 

source:http://www.dhahar.com/article.php?articleid =4856

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marx, adeer the leader of the secessionist junta in Hargaysa is a NSS spy who became a Qad trader. Thus what are you talking about, our leaders have been distinquished army commanders and Gen Ilka-Jiir is a CPA..

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Maanshallah, I see the people of Puntland are united and strong.

 

Someone should record Sangub's poetic performance and post here. He has been a national figure.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Caamir:

 

Someone should record Sangub's poetic performance and post here. He has been a national figure.

Baarleex is there too, who offers classic stuff mingled with Dhaanto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this