Sign in to follow this  
me

Shiikh Maxamed Sh Ismaaciil OO Qiray In La Jirdilay Si Xunna Loo Ciqaabay

Recommended Posts

me   

Shiikh Maxamed Sh Ismaaciil OO Qiray In La Jirdilay Si Xunna Loo Ciqaabay

 

News(Hargeisa }.3-06Guddi ka kooban xubnaha komishnka xuquuqul insaanka iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Cadaalada Yusuf Ciise Talaabo, ayaa ku booqday Shiikh Maxamed Sh Ismaaciil jeelka si ay uga helaan macluumaad ku saabsan arrinta cajalada lagu faafiyey godadka internet-ka iyo saxaafada guud ee dadka ku hadla afka Somaliga..........................

 

Arrintaas oo dhalisay muran aad u balaadhan iyo mudaharaado aad u badan oo ka dhacay Hargeysa, Ceerigaabo iyo degmooyin kale

 

Ujeedada guddida u tagtay ee uu horkacayey mr Talaabo, waxa ay ahayd cadaynta xaalada jidh dilka ka soo yeedhay Video-gaas iyo in arrintaas ay tahay run iyo in kale in sh Maxamed la waydiiyo.

 

Mudane Talaabo oo ka dib is araga labada dacal ee Shiikh Maxamed iyo gudidooda ka hadlaya ayaa tilmaamay isagoo xafiiskiisa ku qabtay shirka jaraa,id, in marka hore ay yihiin qoys eedaysanaha,

 

sidoo kale ay ka dhaxaysay aqoon dheer iyo wada shaqayni. Wuxuu talaabo tilmaamay in ay xidid yihiin eedaysanaha, sidoo uu isagu xilligii uu joogay eedaysanahu ceerigaabo uu ka dhigay shaqaale ka mid ah maamulka labaxay Somaliland, wuxuuna u dhiibay xilka isu duwaha Xaanada Xoolaha gobolka Sanaag.

 

“ waxa saxaafada maxaliga ah ugu yeedhay inaan idiin soo bandhigo arrinta beryahan lagu faafiyey saxaafada ee ku saabsan, in jidh-dil lagu sameeyey Sheekh Maxamed Ismaaciil oo ku eedeysan una xidhan Arrimo argagixisada oo ah nin sheikh macalina, dadkana daweyn jiray oo aan isniintii ugu tagay qolkiisa, Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa si aan u xaqiijiyo, warka la sheegay ninkaasi oo aan aqoon fiican u leeyahay xididna aanu nahay oo isaga iyo reerkoodu ay Ceerigaabo ugu yimaadeen, oo takhasuskiisuna wuxuu ahaa Xanaada Xoolaha, waxaan xiliga aan u magacaabay isku duwaha xanaanada Xoolaha Gobolka SANAAG,

 

sidaasi awgeed waxaan shalay tagnay, iyada oo ay I weheliyaan komiishanka Xuquuqal Aadamaha , Maxamed Ismaaciil markii aanu waraysanay kiiskiisii wuu dhalan gediyey oo afar daqiiqadood ayuu ka hadlayey jidh-jilkii iyo waxa la sheegayo, 45 daqiiqo oo aanu la joognay waxa uu intii badneyd ka hadlay mawduucyo siyaasiyaâ€.

 

Arrinta loo soo booqday maxbuuska ayaaa ahayd in la jidh dilay iyo in kale in uu ka hadlo, isagoo arrintaas si kooban uga hadlay sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada, wuxuu yiri Sh Maxamed Sh Ismaaciil markii la waydiiyey in la jidh dilay iyo in kale. “ Waxa u noo soo sheegay in lala dhici jirey SUUN, kadibna waxa kale oo aanu ku nidhi na tus nabaro haddii ay ku soo gaadheen, waxa uu noo sheegay inaanay jirin wax nabaro ah oo ku yaala, suunka lala dhici jireyna marka ay meesha bararto markiiba bararku uu ka dhici jireyâ€.

 

Waxa kale oo uu sheegay Sh. Maxamed in loo isticmaali jiray aalad leeg work-talk meel saarnaa oo uu yidhi waa laygu dhejin jiray jidhkayga “ Walk-talk halkaa yaal aalad yar oo leedh oo lahayd oo jac kaa siinaya ayaa jidhkayga lagu dhejin jirayâ€.

 

Inkastoo Sh Maxamed Qiray in jidh dil lagu sameeyey, sidaasna uu ka soo wariyey wasiirka ku xigeenka hadlayey, waxaan weli hadlin xubnihii ku weheliyey booqashada masuulka.

 

Waxaa kaloo aad u dhibtay Shiikha arrimo uu ku tilmaamay cay iyo aflagaado oo loo gaystay aabihii iyo xaaskiisa, arrintaas oo uu aad uga hadlay lagana dareemayay in ay dhibtay wakhtiga uu ka hadlayey awgeed.

 

Masuulka oo isagu siduu u arko arrinta ka hadlayey ayaa sheegay in ay tahay mid isaga aqoontiisa la mid ah m,idii Samsam oo kale ee marka ay yimaadeen dhakhaatiirtii waxba laga waayey.

 

Wuxuu kaloo talaabo ka hadlay arromo ay ka mid yihiin hay’adaha iyo qolyaha iyo simanaarada ay ka qabanayaan dalka, wadaada tabliiqa ah iyo arrimo kale oo aan xidhiidh la alahayd arrinta uu u qabtay shirka jaraa,id.

 

Weli waxaanu ku jirnaa in aanu idiin soo gudbino arrimaha ku gedaamaan dhacdadan, waanu soo gudbbin doonaa waxa ay qolyaha kale ka yiraahdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaahi it is very sad for all of us if that clip is proven, because such people tell us alot about their nature, which is much below the true non-muslims.

 

Ilaahey masiibo dag dag ah haku rido Maamulka Somaliland, oo ciribtooda hala waayo, sideey shiikhaas u galeen darteed, Aamiiiiin.

 

Ilaahow adaan kuu soomanahay ee iga aqbal ducadeyda, adigaa awood iyo itaal buuxa u leh inaad mujrimiintaas Islaamka ka qabatid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Ninyahow, Ramadaan baa lagu jiraaye maad habaarka yareysid? It is not good to curse other fellow Muslims sxb. Yara dul qaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Paragon:

^^ So the video is genuine?
redface.gif

It does not matter now. The Sheikh claims that he has been tortured, many political prisoners overthere are claiming that they have been tortured. His family is claimibng he has been tortured.

 

The secessionist mafia is known for these practices. The kangaroo courts for the Somali unionist and the espionage trials and rape of the 16 year old girl are well knwn examples of their practices.

 

The unlawful hand over of Somalis to the Ethiopians.

 

It does not matter whether the video is real or not, what matters is that this should be investigated, the political prisoners should be set free and the torturers brought to justice.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Paragon:

^^Ninyahow, Ramadaan baa lagu jiraaye maad habaarka yareysid? It is not good to curse other fellow Muslims sxb. Yara dul qaado.

Oo hadii Ramadan lagu jiro oo Muslimkiina dhib lagu haayo, ma waxaad leedahay u ducee Riyaale Kaahin iyo kooxdiisa si ay culimada kale, sida Sh. Mustafa Ismaaciil Haaruunna ugu daraan?

 

War ninyahow ilaahey ka cabso, qof weyn ayaa tahaye, maxaa damiirkaaga ka dhigay sida qof aan diinta Islaamka waxna u galin, ama aan shaqo ku laheyn!

 

War ilaahey subxaana qaadirka ah u toobad keen, aniga diinteyda ayaan difaacayaa, oo ilaahey waajib iiga dhigay inaan difaaco. Somaliland-na Maamulkeeda waxaan leeyahay ileehay sida Qowmu Caad iyo Thamuud camal ha u burburiyo, Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Aan habaartame, idaaya hadeeyba diin kaa joogto..bal ku daayey e' wax du dheef.

 

PS: Hadaad wax difaaceyso orodoo wax difaac, sida habraha halkan haka habaartamine.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Paragon:

^^Aan habaartame, idaaya hadeeyba diin kaa joogto..bal ku daayey e' wax du dheef.

 

PS: Hadaad wax difaaceyso orodoo wax difaac, sida habraha halkan haka habaartamine.

At least I expressed my genuine Islamic feelings towards the enemy, and Allah looks at the intentions of his creations, which I hope will earn me rewards from HIM.

 

N.B. Bil Soonqaad ayaan ku jirnaa, markii hore anigaad i dulmisay, hadana waxaad afka la gashay hooyooyinkeenii na dhalay, iyo ayeeyo-yaasheena, oo aad habro habaartamo ku sheegtay! Laakiin waxaa meesha ku cad maanta oo soo baxay in hadii aniga iyo adiga aan soomaaliya joogi laheyn, inaan noqon lahaa kan diinta difaaco, oo markuu xanaaqo qori inta qaato, cadowga soo warjeefi lahaa, laakiin adiga waxaad noo cadeysay inaadan diin aad difaacdo yeelkeede, dadkii difaaci lahaa xitaa aad ka celiso.

 

Ilaahey janada meesha ugu hooseyso haku geeyo, koley qof daciif ah ayaa tahaye, aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Lol. I like you Alle Ubaahne. Where in the Quran or in the Axaadiith, does it encourage you in aad habaartantid? I just want to know waxa aad la jubooneyso ee aad miyirka iyo deganaanshaha isaga qaadeeyso. Diintaadu ma: 1- habaar; 2-fudayd; 3- Qof quluubtiisa waxa ku jira aadan ogayn oo 'la maleeyo or dabadeedna la eedeeyo' baa?

 

War Illaah qalbiga iyo cagaha ha kuu dejiyo nin dabeysha luleyso ayaad iila egtahay e'.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Alle-ubaahne:

Walaahi it is very sad for all of us if that clip is proven, because such people tell us alot about their nature, which is much below the true non-muslims.

Well if as you as say that the video is genuine. But any fool who has watched the video can tell that it is fake and poorly acted. However on the otherhand I cannot comment on the condition of prisoners in Hargeysa nor the fate of the Sheikh, but if all the evidence that is brewing at the moment is based on the video that is circulating in the Internet, then I think it is a piece of fabricated propoganda.

If you watch the tape , there is no blow, kick, or belt that hits the 'alleged sheikh' , the claimed electric-shock aparatus does not have a wire linked to it, and if you watch and listen carefully - in the video time '3:50 - 3:60' the alleged tortured sheikh looks at the camera directly and the person behind the camera gives him instruction in very low but audible voice to lie down 'seexo dhulka'.

After watching this poorly constructed video I can only come to the conclussion it was created to raise the feelings of certain people, who they are I dont know.

Once again my assumption is solely based on the video, and I dont know anything about the said Sheikh, I have nothing for him except respect. I just wish that he is not part of this amateur video.

 

The Video I saw

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Baaq Cullimada degmada Badhan

2 Oct 2, 2006, 20:37

 

Badhan:- Culimada ku sugan Magaalada Badhan iyo Hadaaftimo ayaa isku dayey iney qaban qaabiyaan mudaharaad ballaadhan oo lagu muujinyao sida looga xun yahay jidh dilka iyo arxan darada loo geystey shiikh Maxamed Ismaaciil, hase yeeshee duqa degmada Badhan Md.Maxamed Axmed Cismaan ayaa bulshada ka codsaday in mudaharaadka la baajiyo, iyadoo rabshado iyo qalalaase iney dhacaan uu Duqu ka digey, wuxuna culimada usoo jeediyey iney si gaar ah uga hadlaan arintaas, lana joojiyo mudaharaadkaas.

 

Arintaas oo culimada iyo maamulka degmadu isla garteen in culimadu baaq soo saarto,waxana baaqaasi u qornaa sidan:

 

KU:- MAAMULKA SOOMAALILAND

 

OG:- HAY'ADAHA XUQUUQDA AADANAHA

 

 

OG;- SAXAAFADDA MADAXA BANNAAN

 

UJEEDDO: Baaq ku wajahan Jidh Dilka iyo xadhiga loo gaystay Shiikh Maxamad Ismaaciil.

 

Anaga oo ku hadlayna magaca culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolka Sanaag/ degmada Badhan.

 

Markii aan hubinay, ka baraan degney sawirada iyo hadalka laga soo saaray warbaahinta ee muujinaya arxandarada loogu geystey Shiikh Maxamed Ismaaciil xabsiga Hargeysa.

 

Markii aan la xidhiidhnay dad qaraabo la ah Shiikha, waxan baaqan si toos ah ugu soo jeedinaynaa maamulka Somaliland, waxannu ugu baaqeynaa:

 

 

1) Waxannu ka markhaanti kacaynaa in Maxamed Shiikh Ismaaciil yahay nin shiikh ah oo aan marna ku sifaysnayn waxyaalaha lagu eedaynayo ama lagu tuhunsan yahay

 

2) Waxan maamulka Somaliland ugu baaqeynaa in sharciga la horkeeno ciddii arxandarada iyo dilka foosha xun u geysatey Shiikh Maxamed Ismaaciil. Arinkaas oo ah mid ka fog dhammaan shuruucda aadanaha u yaalla.

 

3) Waxan ka codsanaynaa Maamulka Soomaaliland iney si shuruud la'aan ah oo deg-deg ah u soo daayaan Shiikh Maxamed Ismaaciil , sharaftiisii iyo karaamadiisiina loo soo celiyo, iyadoo lagu jiro bishii ramadaan ee barakaysnayd.

 

4) Dadka ka gadoodsan arintan ee abaabulaya mudaharaadada iyo rabshadaha, kuna nool daafaha Soomaaliyeed waxan ugu baaqeynaa iney is dejiyaan , sugaanna inta jawaab laga helo maamulka Soomaaliland.

 

Ilaah baa weyn.

 

Culimada baaqan soo saaray:

 

1) Shiikh Cabdixayi Shiikh Muuse.

 

2) Shiikh Faysal Xuseen Mire.

 

 

3) Shiikh C/qaadir Axmed Ismaaciil.

 

 

4) Shiikh Maxamuud Maxamed Cumar.

 

 

5) Shiikh Maxamuud Faarax

 

 

6) Shiikh Xuseen Cabdi wadaad.

 

 

7) Shiikh Caydaruus Axmed Faarax.

 

 

8) Shiikh Aadan Axmed Yuusuf.

 

 

9) Shiikh Haaruun Siciid Cabdulle.

 

10) Shiikh Maxamed Axmed Faarax.

 

 

11) Shiikh C/casiis Axmed Saalax.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

This is undoubtedly disgusting and shocking but how are the policies and actions of the SL leadership any different to the rest of Somalia? Our pre-war government did it, our current one does it through it's policies, it just doesn't have the power to take physical action. No need to take the high-ground, this is a general Somali problem, always selling themselves out for the sake of the enemy support.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Rahima, I agree with you. The dictatorial regime did it. The current regime would do it if they had the power. The secessionists are doing it. PL does it. The ICU violates human rights too, (never mind the warlords)and when they get in power they will do even more. But that doesn't make it right does it? Wrong is wrong. So please do not excuse the torture of a human being with OTHERS DO IT TOO.

 

We need to take the high ground, we have no other choice. I am just another Somali, I have nothing with the TFG,ICU, SL,PL or Siyaad Barres regime.

 

I should not be blind to the crimes of these people, I should not act like it doesn't concern me or even prettend that these crimes don't exist. This whole I am gonna stick my head in the sand doesnt work and it has never worked. We should demand better.(anyone willing to hold bilboards with me?)

 

We have had 24 years of wars. 16 years of major civil wars. No government, Somalis killed by the 100s and thousands. And now you want to tell us that it was all for nothing and that we should accept the torture of Somalis. That we should accept bad government. Why did we overtrow Siad Barre if all we are getting in return are wannabe Siad Barre's?

 

Rahima I think you agree with me here when I say that what happend in the past 24 years should not have been in vain. We should not accept this kind of behaviour from anyone. We all have rights. If we allow the rights of one Somali to be violated then our right has been violated. because today its them tomorow its us. The despots do not care about anyone they will keep opressing us unless we liberate ourselves and we can only liberate ourselves when we learn that everyone of us has rights and some people are not more equal then others.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this