Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha dagaalka Israa’iil oo ansixiyey balaarinta hawlgalka Rafah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha dagaalka  Israa’iil ayaa ansixiyay ballaarinta howlgalka ciidanka Israa’iil ee Rafah.

Tan ayaa  sare u qaadi karta khasaaraha dhimashada ee weerarrada Israa’iil ay ka gaysanayso Rafah, oo ah goobta u dambeysa ee ay gabaad ka dhiganayeen Falastiiniyiint.

Mareykanka ayaa maalin ka hor ku hanjabay inay joojinayaan hubka ay siinayaan Israa’iil , haddii la ballaariyo howlgalka Rafah, sababo la xiriira weerarrada inay ka dhalan karaan dhimasho aan xad lahayn oo ay la kulmayaan qoysaska deggan teendhooyinka Rafah.

Laakin sida laga arkay warbixin ay soo bandhigtay warbaahinta Axios , waxaa lagu sheegay ballaarin howlgalka Rafah inan la gaarsiin doonin waxa uu Biden u arko khadka cas.

PUNTLAND POST.

The post Golaha dagaalka Israa’iil oo ansixiyey balaarinta hawlgalka Rafah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this