Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland oo Kismaayo Kusoo Bandhigay Wadayaal Adeegsanayay Documentiyo Been Abuur ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Nabad Sugidda iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigtay qaar kamida wadayaasha gaadiidka loo yaqaanno taksig oo lagu helay dambiyeed la xariira sharciga darawalnimada.

Wadayaashan oo ay tiradoodu gaarayso 20 Taksiile ayaa lagu qabtay ayadoo adeegsanaya documentiyo been abuur ah, sida ay sheegeen hay’adaha ammaanka Jubbaland.

Saraakiisha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay jiraan rag kale oo samaynta document-yada been abuurka ah, ayna eedaysanayaasha la soo bandhigtay xariir la leeyihiin, kuwaas oo uu hadda baaritaan ku socdo.

Wasiirka ku xegeenka Wasaaradda gaadiidka Jubbaland Maxaned Cabdi Salaad ayaa sheegay in raggan la soo qabtay ay waji doonaan caddaaladda maadaama ay faraha kula jireen falal amniga iyo shuruucda gaadiidka ladig ku ah.

Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka ku soo badanayay dadka sameeyay document-yada iyo kaararka been abuurka ah, ayadoo ka faa’iidaysanaya nuglaanshaha sharciga dowladda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this