Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamaas oo muujisay suurtagalnimada heshiis laga gaaro dagaalka Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   
thumbnail.jpeg?resize=660%2C364&ssl=1

Xamaas ayaa muujisay surtagalnimada heshiis xabbad-joojin ah oo la gaaro, kaddib markii ay Israa’iil oggalaatay isbeddelo ay ku sameysay soo jeedinteeda oo lagu aqbalay inta badan doonista Xamaas iyo wada-hadallo laga yeesho soo afjarida dagaalka.

Inta badan hoggaamiyayaasha Carabta, ayaa telefoon kula hadlay madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya si loo gaaro horumar la xiriira wada-hadallada xabbad-joojinta.

Haniya ayaq u sheegay madaxa sirdoonka Masar Cabbaas Kamel inay Xamaas tixgelinayso soo jeedinta heshiiska xabbad-joojinta isagoo  muujiyay dareen wanaagsan sida lagu sheegay war ay baahisay Xamaas oo intaa ku daray in wafdi ka socda ururka uu tagi doono Qaahira si wada-xaajoodyada u furmaan.

PUNTLAND POST

The post Xamaas oo muujisay suurtagalnimada heshiis laga gaaro dagaalka Qasa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this