Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Ku Saabsanaa Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee Golaha Wasiirradu ay Meelmariyeen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Heshiiskaan ayaa ogolaanaya in dadka Soomaaliyeed ku xiran xabsiyada dalka Turkiga loo soo wareejin karo Soomaaliya.

Soomaali badan oo ka geystay dambiyo dalka Turkiga ayaa ku xiran xabsiyada dalkaasi ka dib markii ay xukumeen Maxkamado.

Sidoo kale labada dowladood ayaa awood u yeelan doonnaa dadka ka gala dambiyada in ay is waydaarsadaan.

Sidoo kale Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtiray Shabaab looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Ugu dambeyntii Golaha ayaa ansixiyey Heshiiska Iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Baakistaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this