Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Dagaalka Gaza Burburka Ka Dhashay Ka Baaxad Weyn Yahay Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ka mas’uul ah ama u qaabilsan arrimaha Qaza oo lagu magacaabo “Mungo Birch” ayaa shaaca ka qaaday in baaxadda burburka ka dhashay dagaalka Israa’iil ee Marinka qasa uu ka weyn yahay marka la barbar dhigo midka Ukraine.

Birch ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii ka digay in dhibaatadu aanay ahayn oo keliya baaxadda burburka oo dhan 37 milyan oo tan, balse waxa ugu khatarta badan ay tahay qalabka aan weli qarxin ee uu ku jira deegaanka, isagoo xusay in inta u dhaxaysa 10 ilaa 15% hubka dagaalka loo adeegsaday aysan qarxin.

Wuxuu xaqiijiyay jiritaanka in ka badan 800,000 oo tan oo qalab dhisme oo khatar ah, kuwaas oo burburka qeyb ka ah, isagoo xusay baahida loo qabo boqolaal milyan oo doollar muddo dhowr sano ah si Qasa looga dhigo mid ammaan u ah dadweynaha.

Dagaalka Marinka Qaza ayaa galay bishii 8-aad, ayadoo dadka reer Falastiin ay wajahayaan dhibaato bini’aadantinimo tii ugu xumayd, islamarkaana ay Israa’iil ku goodinayso inay weerarayso Rafax oo ah halka jid ee Qasa looga bixi karo ama wax laga soo gelin karo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this