Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka Ku Dhintay Waddo Ku Duntay Shiinaha oo Sii Korortay iyo Dowladda oo Ka Hadashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada dadka ku dhintay burburka waddo weyn oo ku taalla koonfurta Shiinaha ayaa gaartay 36 qof, iyadoo kooxaha gurmadka ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay ku soo saaraan gawaari iyo dad ay ku duntay wadada.

“Laga bilaabo 5:30 subaxnimo ee May 2, 36 qof ayaa dhimatay, 30 qofna waa ay dhaawacmeen,” wakaaladda wararka ee dawladda ee Xinhua ayaa werisay, iyada oo intaa ku dartay in dadka dhaawacmay aysan ku jirin xaalad halis ah.

Laami dhan 17.9-mitir ayaa dumay, sida ay sheegtay, iyadoo ilaa hadda laga helay goobta duntay laga 23 gaari.

Sawirro hawada laga qaaday ayaa muujinayay hal dhinac oo ka mid ah jidka weyn ee S12 ee u dhexeeya magaalada Meizhou iyo degmada Dabu oo go’ay markii dhulka hoostiisa uu dumay, taasoo ay keentay dhiiqo kasoo soo rogmatay buurta sare ee magaalada.

Telefishanka dawladda ee CCTV ayaa sheegay in dhacdadani ay ahayd musiibo ka dhalatay isbedelka cimilada.

Dhacdadaan ayaa ah tii ugu dambeysay ee musiibooyin xiriir ah oo lala xiriirinayo dhacdooyinka cimilada daran ee Guangdong toddobaadyadii la soo dhaafay.

Roobab waaweyn oo da’ay bishii hore ayaa waxaa ka dhashay daadad ku dhuftay qeyb ka mid ah gobolka oo ay ku dhinteen afar qof ,taasoo dowladda ku qasabtay daadgureynta in ka badan 100,000 oo qof.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this