Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxa hay’adda sirdoonka Turkiga oo yimid Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa sirdoonka Turkiga ayaan booqasho aan hore loo sii shaacin ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga Mudane Ibraahim Kalin.

Madaxweynaha ayaa muujiyay in doorka Turkiga ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya uu muhiim u yahay dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna xusay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso iskaashiga labada dal ee arimaha amniga, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan oo uu goob-joog ku ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa ka tarjumaya sida Soomaaliya iyo Turkiga ay uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal ee iskaashiga arrimaha amniga, difaaca iyo ladagaallanka argagixiaada.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ahaa mid xooggan, iyadoo labada dhinac ay dhowaan kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this