Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Hambalyo u Diray Dhammaan Shaqaalaha Soomalaiyeed Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo ku aadan 1-da maalinta shaqaalaha adduunka u diray shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey hawl-karnimadooda iyo dhabar adaygga ay muujiyeen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed maskaxda iyo muruqa ay geliyeen horumarinta dalkeenna, ayaa xusay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan sidii dalkeennu uga soo kaban lahaa dib-u-dhicii gaaray.

“Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka soo gudbay caqabado badan, si ay u xaqiijiyaan rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dib u soo kabashada dalka”.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo badqabka shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa aan dowladda u shaqaynba, lana abuuri doono fursado shaqo oo ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this