Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Waqooyi oo dooneysa inay hub ka iibiso IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefti ka socda Kuuriyada Waqooyi oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Caalamiga ah Yun Jong Ho, ayaa booqasho ku tagay dalka Iran, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi.

Warka kasoo baxay Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa ah markii ugu horreysay oo ay shaaciyaan xog la xariirta ganacsiga labada dal oo la rumeysan yahay inuu ka dhexeeyo xiriir milatari oo qarsoodi ah.

Kuuriyada Waqooyi iyo Iran ayaa muddo dheer looga shakisanaa inay ka wada shaqeeyaan barnaamijyada gantaallada ballistic-ga ah, lagana yaabo inay isweydaarsadaan khibrado farsamo iyo qaybo kamid ah samaynta hubka culus.

Labadan dal ayaa sidoo kale hub badan u diray dalka Ruushka markii uu billaamay dagaalka Ukraine.

Iran ayaa siisay tiro badan oo ah gantaalada balaastikada ah iyo diyaaradaha Drone-ka dalka Ruushka si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Ukraine.

Iran ayaan bishan markii ugu horeysay taariikhdeeda weerar gantaalo oo toos ah ku qaaday Israel, iyadoo dowladaasi hada dooneyso inay dardar geliso sameynta hubkooda culus.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale todobaadkan shaaciyey inay soo saareen nooca cusub ee gantaalada xambaari kara hubka nukliyeerka ee ridadda dhexe, arrintan oo la rumeysan yahay inay la xariirto suuqgeynta hubkooda cusub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this